|
|
Taariikh nololeedka xidiga weyn Goege Weah
|
|
|
deeyoo.com George Manneh Oppong Ousman Weah waxa uu ku dhashay caasimada Liberia ee Monrovia 1dii Oktoobar 1966kii wuxuuna ku soo barbaarey isla magaaladaas xaafad ka tirsan oo ay degaan dadka fuqarada ah oo la yiraahdo Clara. Weah waxaa soo korisey Ayeeyadiis maadaama dhaqaale ahaan ay aad u liiteen Aabihiis iyo Hooyadiis.
George Weah waxa uu waxbarashadiisa dugsiga hoose dhexe kusoo qaatey Machad ay Muslimiinta leeyihiin maadaama uu waqtigaas Muslim ahaa ka hor intii uusan ka ridoobin oo uusan qaadan diinta Krishtaanka. Weah iyo xiligiisa kubada cagta Weah wuxuu usoo ciyaarey 4 koox oo kala duwan oo ka dhisan Liberia oo kala ahaa Young Survivors, Bongrange Company, Mighty Barolle Monrovia iyo Invincible Eleven ka hor intii uusan u soo wareegin kooxda weyn ee reer Cameroon ee Tonnerre Yaounde, sanadkii 1988kii ayuu markii ugu horeysey kula guuleystey kooxdiisa Tonnere Yaounde horyaalka Cameroon isagoo 18 kulan oo uu ciyaarey dhaliyey 14 gool oo intooda badan aad u qurux badnaa wuxuuna markiiba soo jiidey indhaha tababare Arsene Wenger oo xiligaas ahaa tababaraha kooxda Monaco ee dalka Faransiiska isagoo isla sanadkaas dhamaadkiisa kusoo biirey Monaco oo noqotey kooxdiisa ugu horeysey ee Yurub. Weah waxaa u bilowdey waa cusub cayaarta kubada cagta oo uu aad u jeclaa isla markaana hobigiisa aheyd ayaa markaana noqotey wadadii uu kaga baxey faqriga isla markaana magaciisa gaarsiisey dhamaan qeybaha kala duwan ee dunida, sanadkii 1989kii ayuu helay abaal marintii ugu qaalisneyd mustaqbalkiisa waqtigaas markii uu noqdey ciyaaryahanka sanadka ee qaarada Africa, kooxdiisa Monaco wuxuu kula guuleystey koobka Faransiiska sanadkii 1991kii taasoo albaabada u furtey iney kooxo kale oo waaweyn daneeyaan isla sanadkaas ayey Paris Saint Germain nasiib u yeelatey iney helaan saxiixa George Weah. George Weah oo intii uusan kasoo tagin Monaco u saftey 103 kulan una dhaliyey 47 gool ayaa halkiisa kasii wadey wacdarihii uu ka shidayey garoomada kubada cagta isagoo kula guuleystey PS Germain horyaalka Faransiiska 1994kii taasoo dhabaha usii xaartey mustaqbalkiisa kubada cagta una suura gelisey inuu ku biiro kooxdii ugu qatarsaneyd aduunka waqtigaas oo aheyd AC Milan oo baadi goob ugu jirtey ciyaaryahan bedela xidigooda weynaa Marco Van Basten oo dhaawacyo xiriir ah deris la noqdey kuna qasabtey inuu ciyaaraha isaga fariisto waqti hore. Weah markii uu kusoo biirey Milan 1995kii wuxuuna sanad ka dib
kula guuleystey horyaalka Talyaaniga isagoo noqdey ciyaaryahanka sanadka
Yurub iyo weliba Ciyaaryahan Weah wuxuu kula guuleystay naadiga Milan laba horyaalka Talyaaniga sanadihii 1996 iyo1999 isagoo guud ahaan 114 kulan oo uu u dheelay Milan u dhaliyey 46 gool ka hor intii uusan ku biirin naadiga Chelsea 1999kii isagoo sidoo kalena u soo dheelay kooxaha Manchester City, Marseille iyo Al-Jazeera oo ka dhisan dalka Imaaraadka Carabta George Weah waxaa loo sameeeyey kulan lagu macsalaameeynayo 11 Juun 2005 oo ka dhacay garoonka Velodrome ee magaalada Marseille oo dhexmarey koox ku ciyaareysey magaca Weah saaxibadiis iyo koox xul ah oo lasoo ururiyey oo loogu magac darey All-Star X1 isagoo labada qeyb ee ciyaarta u kala saftey labada koox. Kulankaas oo ahaa kii ugu dambeeyey ee Weah waxa uu dhaliyey 3 gool ciyaaryahandii garoonka ku macsalaameeyey oo kulankaasi ciyaaray waxaa ka mid ahaa Zinedine Zidane, Andriy Shevchenko, Samuel Eto'o, Didier Drogba iyo xidigo kale oo magac ku leh kubada cagta. Xulka Qaranka George Weah wuxuu aad ugu dadaalay inuu guulihiisa kubada cagta ugu faa`iideeyo xulkiisa Liberia hase yeeshee aadbey u adkeyd inuu guulo ka gaaro maadaama uu ahaa dal ay la degeen dagaalo sokeeye hadana wuxuu ku dhowaadey in dalkiisa uu usuura geliyo ka qeyb galka koobkii aduunka ee 2002 oo runtii ay aad ugu dhowaadeen hase yeeshee nasiibkooda u saamixin markii ay guruubkii ay ku jiraan Nigeria urursatey 16 dhibcood halka Liberia ay kaalinta labaad galeen iyagoo urusadey 15 dhibcood. Weah waxa uu ka mid yahay laacibiinta fara kutiriska ah ee magac weyn ku yeeshay ciyaarta kunada cagta ee nasiibka u diiday iney saftaan kulan ka mid ah koobka aduunka laakiin marka la fiiriyo wadanka uu u dhashay ma aha wax lala yaabo maadaama ay dagaalo sokeeye la degeen. Noloshiisa qoyska George Weah waa xaas 4 caruur ah leh, wuxuu qabaa Clar Weah oo ah gabar u dhalatey Jamaica laakiin heysata dhalasho Mareykan ah, caruurtiisa waxaa la kala yiraahdaa George Jr., Martha, iyo Timothy oo uu dhalay iyo Jessica oo uu soo korsadey isagoo kasoo adoptgareystey Jamaica. Maxaa lagu xusuustaa Weah Weah marka laga soo tago abaal marinadii uu kula guuleystey kooxihii uu usoo ciyaaray waxa uu noqdey Ciyaaryahanka sanadka Aduunka sanadkii 1995kii isagoo kaalinta 2aadna galay sanadkii xigay ee 1996 markaasoo Ronaldo ku guuleystey. Wuxuu noqdey ciyaaryahanka sanadka Yurub sanadkii 1995kii isagoo ahaa ciyaaryahankii ugu horeeyey ee aan reer Yurub aheyn ee hela abaalmarintaas. Sanadihii 1989, 1994, iyo 1995kii wuxuu noqdey ciyaaryahanka sanadka Africa. Weah waxaa sidoo kale loo doortey inuu yahay Ciyaaryahankii qarniga ee Africa darajadaas oo meel la fariisineysa boqorka kubada cagta aduunka iyo xidigii weynaa ee qaranka Jarmalka Franz Beckinbauer oo kala noqdey ciyaaryahankii qarniga ee America iyo Yurub sida ay magacyadooda u kala horeeyaan. George Weah waa ciyaaryahankii ugu horeeyey ee u dhashey qaarada Africa isagoo welina ah ciyaaryahanka keliya ee Africa oo ku guuleystey abaal marinta ah ciyaaryahanka sanadka ee Yurub iyo kan aduunkaba. George Weah waxa uu ka mid yahay liiska 100ka ciyaaryahan ee aduunka ugu wanaagsanaa ee loo yaqaano FIFA top 100 Noloshiisa kubada cagta ka dib Weah waxa uu aad ugu mashquulsanyahay barnaamijyada
samafalka ee uu bilaabay Weah wuxuu helay abaal marino badan waxqabadkiisa la dagaalanka Jahliga
iyo Faqriga isagoo kasbaday kalsoonida dadka reer Liberia oo markii dambana
ku dhiira gelisey inuu isu soo taago tartanka Madaxweynenimo ee Liberia oo
markii dambe lagaga adkaadey markii ay ka guuleysatey gabadha la yiraahdo
Ellen Gabagabadii waxaana shaki ku jirin in Weah ahaa mid ka mid ah laacibiintii ugu wanaagsaneyd ee aduunka soo mara iyo weliba boqorka kubada cagta ee qaaradeena Africa oo aan taariikhdiisa intaan kusoo koobeyno
Asad A. Omar "afey"
|