Taariikhdii boqorka kubada cagta aduunka

PELE

 

 
 

deeyoo.com

Marka aan ka sheekeeyneyno taariikhda qaar badan oo ka tirsan xidigaha kubada cagta aduunka waxaa ila haboonaatey inaan ku bilaabo Pele oo dad badan aaminsan yihiin inuu yahay ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa ee dunida soo mara abid iyadoo laguna naaneyso oo uu caan ku yahay boqorka kubada cagta hadaba waatan taariikhdiisa oo kooban iyo weliba Video goos goos ah xiliyadii uu ciyaaraha ku dhex jirey.

 

Goos goos ku saabsan xirfadii & goolashii qurxoonaa ee Pele oo Video ah nagula raaxeeysta

Sidii uu ku bilaabay ciyaarta kubada cagta

Edson Arantes do Nascimento oo ku magac dheer PELE waxa uu ku dhashay magaalada Tres Coracoes ee dalka Brazil sanadkii 1940,  Waxa uu ka dhashay qoys faqiir ah isagoo yaraantiisiina bilaabay  dhaqdhaqaaq uu ku caawinaayo qoyskiisa xiliga uu fasaxa yahay isagoo noqdey caseeye, Pele waxaa uu kobaha ku luujiteyn jirey albaabka hore ee naadiga Bauru Athletic Club oo ka dhisnaa xaafadii  uu kusoo barbaarey ee Bauro ee magaalada Sao Paulo xiliyada garoonkaas ay ciyaaro ka jiraan i yadoo ciyaaryahanadii garoonkaas caanka ka ahaana uu ka mid ahaa Pele aabihiis.

Magaciisa: Edson Arantes do Nascimento Dhalasho 23.10.1940                                      Ku dhashay : Tres Coracoes "Brazil"      Waxaa lagu naaneysaa  Pele ama O Rei (The King) oo la macna ah Boqorka

Kooxdii ugu horeysey ee Pele u safto waxaa la dhihi jirey CAGO CADOOLEEY ama kooxda kabo la`aanta ciyaarta oo isaga iyo dhalinyaro kale oo ay isku xaafad yihiin aas aaseen hase yeeshee mar ay ka qeyb galayeen tartan uu isku soo daba ridey duqa magaalada Bauro dhamaan kooxaha ka qeyb gelayana ay shuruud aheyd in kabo lagu ciyaaro ayey kooxda ku qasbanaatey iney shuruudaas buuxiso kobona  ku ciyaaraan taas soo sababtey iney magaca bedeshaan lana baxaan Ameriquinha. Pele iyo kooxdiisa waxaa u suura gashay iney  ku guuleystaan tartankaas  Pele na  qaaday gooldhalinta iyagoo markii ugu horeysey kasoo gudbay ciyaal xaafad una talaabay garoon ay daawanayaan kumanaan dadweyne.

1954kii ayaa Pele iyo qaar badan oo ka tirsanaa kooxdiisa lagu casuumay iney ka mid noqdaan kooxda kubada cagta Baquinho oo uu xilligaas leylinayey Waldemar de Brito oo ka mid ahaa xidigihii qaranka Brazil ugu qeyb galay koobkii aduunka 1934kii lagu qabtey dalka Talyaaniga markaasoo Pele noqdey ciyaaryahan Mushaari ah oo lacag ku qaata ciyaarista kubada cagta.

Isla sanadkii 1954kii ayuu Pele kooxdiisa cusub u saftey tartankii ugu horeeyey oo ay ka qeyb gelayeen dhalinyarada ama Junyerka taasoo Pele uu ka yaabiyey soona jiitay indhaha dad fara badan markii uu dhaliyey intii uu tartankaas socdey goolal dhan 148 isagoo saftey 33 kulan oo keliya.

Waqtigiisii iyo kooxda Santos

Tababare Brito oo aad ula dhacay qaab ciyaareedka Pele iyo goolal dhelintiisa ayaa u kexeeyey kooxda Santos sanadkii 1956kii  isagoo maamulayaashii kooxdana u sheegay inuu u hayo wiil 15 jir ah oo noqon doono ciyaaryahanka ugu wanaagsan aduunka taasoo Santos ay ogolaatey iney fursad siiyaan.

Pele waxa uu kulankii ugu horeeyey u saftey kooxdiisii Santos isla sanadkii 56kii kulan saaxiibtinimo oo ay 7-1 kaga badiyeen kooxda Corinthians iyadoo Pele uu dhaliyey mid ka mid ah goolashii ay ku badiyeen. Pele waxa uu xertay booskiisa kooxda Santos isagoo ka mid ahaa ciyaaryahanadii safka hore ee kooxda horyaalkii 1957kii isagoo weli 16 jir ah ayuu bahda isboortiga ee reer Brazil ka yaabsadey markii uu ku guuleystey gooldhlinta sanadkaas ee horyaalka Brazil taasoo qasabtey in wiilka dhalinta yar lagu daro qaranka Brazil.

Mucjisooyinkii dhacay waqtigii uu Pele u ciyaarayey Santos waxaa ka mid ahaa in ka dib koobkii kubada cagta aduunka ee 1962kii kooxo badan oo reer Yurub ah isku dayeen iney la soo wareegaan Pele iyagoo lacago aad u fara badana diyaar la ahaa hase yeeshee waxaa is hor taagay xukuumadii Brazil oo Pele ku magacawdey inuu yahay  HANTI QARAN.

Waxey aheyd 19kii November 1969kii markii uu Pele dhaliyey goolkiisii caanbaxay ee O Milésimo oo ahaa goolkiisii 1000 iyadoo xiligaas ka dibna dad badan ay ugu naaneyseen kun gool dhaliye, goolkaan oo rigoore ahaa waxa uu ka dhaliyey kooxda weyn ee Vasca de Gama kulan ka dhacay garoonka weyn ee Marracana oo buux dhaafey.

Pele waxa uu dhaliyey goolkii ugu quruxda badnaa ee abid laga dhaliyo garoonka weyn ee Marracana bishii Maarso 1961kii, waxyaabaha aadka loogu xusuusto Pele xiligiisii Santos waxa ka mid ahaa xabad joojin 48 saac ah oo ay sameeyeen kooxo dagaal qaraar ka dhexeeyey dalka Nigeria xiligii dagaalada sokeeye si ay si nabad ah ugu daawadaan Pele oo ku ciyaarayey  magaalada Lagos ee dalka Nigeria. Waqtigii xanuunka lahaa ee uu lasoo qaatey Santos waxaa ka mid ahaa dhaawac soo gaarey kulan ay kooxdiisii Santos la laheyd kooxda Cruzeiro waqtigaasoo Pele lug ka jabay.

Waqtigii Pele iyo qaranka Brazil

Pele waxa uu kulankiisii ugu horeeyey ee maaliyada qaranka Brazil ciyaaray 7 Luulyo 57kii waxaana 2-1 ugu awood sheegtey dalka ay sida weyn u xafiiltamaan ee Argentina hase yeeshee goolka keliya ee qaranka Brazil waxaa dhaliyey xidigooda dhalinta yar PELE oo xiligaas aan weli gaarin 17 jir wuxuuna furtey koontadiisa goolasha ee qaranka Brazil.

Koobka aduunka iyo Pele

Pele waxa uu ka mid ahaa xulkii Brazil ee ka qeyb galay koobkii aduunka ee 1958kii lagu qabtey Swedan wuxuuna kulankiisii ugu horeeyey ee koobka aduunka la yeesheey xulkii Midowgii soofiyeeti oo ay 2-0 kaga badiyeen, Pele waxa uu goolkiisii ugu horeeyey ee koobka aduunka ka dhaliyey xulka Wales oo ay 1-0 kaga badiyeen isagoo illaa iyo hada ah gooldhaliyaha ugu da`da yar koobka aduunka. Pele isla sanadkaas ayuu dhigay iskoor ay adagtahay in la jabiyo markii uu 3 gool ka dhaliyey qaranka Fransiiska ciyaartii semifinaalka koobka aduunka 58kii oo ay Brazil ku badisey 5-2 isagoo illaa iyo hada ah ciyaaryahanka ugu da`da yar ee hat-rick ama 3 gool dhaliya hal kulan isagoo kulankii finaalahana dhaliyey mid ka mid ah goolasha ugu quruxda badan ee koob aduun laga dhaliyo.

Koobkii aduunka ee 1962kii Pele waxa uu dhaliyey gool qurux badan kulankii 1aad oo ay Mexico 2-0 kaga adkaadeen hase yeeshee kulankii 2aad oo ay la yeesheen Czechoslovakia ayuu Pele dhaawacmay isagoo aan safan kulan kale ayuu tartankii dhamaadey mar kale ayey Brazil noqotey horyaalka aduunka.

Koobkii adunnka ee 1966kii ayaa u ahaa koobkii murugada inkastoo mar kale uu dhigay iskoor cusub noqdeyna ciyaaryahanka keliya ee 3 koob aduun mid kastoo ka mid ah dhaliyey gool isagoo poloziyoon ka dhaliyey Bulgaria hadana kulankii 2aad lama safin si uu kulanka muhiimka ah ee Portugal u dheelo laakiin nasiib daro bilowgii ciyaarta ayuu dhaawacmay iyadoo markii dambana Brazil laga badiyey sidaasna kaga hartey qeybihii kale ee tartanka. Pele oo aad uga xumaadey ayaa tartankaas ka dib sheegay inuusan dooneynin inuu mar dambe ka qeyb galo koob aduun maxaase xigay?

Koobkii aduunka ee 1970kii

Pele oo sheegay inuu ka fariistay qaranka Brazil ayaa cadaadis iyo codsiyo badan kaga yimid maamulka iyo bahda isboortiga reer Brazil taasoo markii dambe uu aqbalay inuu kusoo laabto qaranka isagoo sanadkii 1969kii dheelay 6 kulan oo is reeb reebka koobka aduunka u saftey qarankiisa ayuu u dhaliyey 6 gool una suura geliyey iney ka qeyb galaan koobkii aduunka 1970kii lagu qabtey Mexico.

Pele kulankii furitaanka waxa uu dalkiisa u dhaliyey gool  markii ay 4-1 ugu awood sheegteen xulkii Czechoslovakia, inkastoo Pele uusan gool dhalin kulankii 2aad oo ay Ingiriiska ka badiyeen hadana wuxuu mar kale gool qurux badan oo poloziyoon ah ka dhaliyey qaranka Romania oo ay gabagabadii 3-2 kaga badiyeen markaasoo Pele dhaliyey 2 ka mid ah goolashii ay ku badiyeen xulkiisa.

Inkastoo Pele uusan gool dhalin ka hor kulankii weynaa ee finaalaha hadana goolasha ay Brazil kaga soo badyeen dalalka Peru iyo Urugay qeyb weyn ayuu ku lahaa waxaana aad loo xusuustaa kulankii Urugay markii uu Pele xusul bareer ah ku dhuftey ciyaaryahan Fontes inkastoo Pele ka badbaaday in wax calaamad ah loo taago.

Brazil waxay kulankii finaalaha 4-1 kaga badiyeen Talyaaniga Pelena waxa uu nasiibka u saamaxay inuu qeyb ka noqdo xulkii qaranka Brazil u suura geliyey iney milkiyaan koobkii aduunla ee la oran jirey Jules Rimet maadaama waa hore lagu balamay in dalkii 3 jeer hantiyaa uu xalaaleysanayo koobka, kulankaan Pele waxa uu dhaliyey gool teesto ah isagoo qeyb weyna ka ciyaaray goolashii kale oo ay saaxiibadiis dhaliyeen, xulkii Brazil ee 70kii waxaa illaa iyo hada loo aqoonsan yahay mid ka mid ah kooxihii ugu wanaagsanaa ee aduunka soo mara iyadoo koobkii aduunka ee 70kiina noqdey kii ugu dambeeyey ee uu Pele ciyaaro.

Pele waxa uu kulankiisii ugu dambeeyey ee qaranka Brazil dheelay 19kii Luulyo 1971kii , guud ahaan xiligii uu Pele u ciyaarayey qaranka Brazil waxey badiyeen 67 kulan, waxey bareejo galeen 14 iyadoo 11 kulana laga badiyey.

Maxaa lagu xusuustaa Pele?

Pele waxaa loo doortey ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa qarniga  guud ahaan noocyada kala duwan ee isboortiga Athlete of the Century iyadoo biladaasna ay gudoonsiisey Gudiga Olombikada aduunka IOC, Pele waxaa kaloo loo magacaabay ciyaaryahanka kubada cagta ee ugu wanaagsanaa qarniga oo ay FIFA bixisay, Pele oo guud ahaan saftey 1363 kulan ayaa lasoo wariyey inuu dhaliyey 1281 gool intii uu kusoo dhex jirey xiligiisii kubada cagta. Pele waxa uu saftey 605 kulan oo ka tirsan koobabka muhiimka ah ee laga dheelo Brazil isagoo dhaliyey 589 gool isagoo gabagabadii mustaqbalkiisa ciyaaryahanimo u saftey kooxda NY Cosmos oo ka dhisan Mareykanka ayuu u saftey 107 kulan isagoo u saxiixey 64 gool. Pele dhanka xulka qaranka Brazil waxa uu guud ahaan u saftey 92 kulan isagoo shabaqana ku hubsadey 77 gool.

Pele waxaa la sheegaa inuu yahay gooldhaliyihii ugu qatarsanaa ee dunida soo mara iyo inuu ahaa gooldhaliye dhameystiran isagoo awood u lahaa inuu meel kasta oo garoonka ka tirsan gool ka dhalin karo qeyb kasta uu jirkiisa ka tirsana uu gool ku dhalin karo, inkastoo qaar  ka tirsan 1281ka gool ee uu dhaliyey ay ahaayeen kulamo saaxiibtinimo ama horyaalada heerkooda hooseeyo hadana waxaan shaki ku jirin in Pele ahaa mishiin gooldhaliye.

Noloshiisa Qoyska

Pele waxa uu guursadey 2 jeer, 1966 ayuu aroosay Rosemeri oo 3 caruur ah u dhashay waxeyna kala tageen 1982kii, wuxuu mar kale guursadey haweeneey lagu magacaabo Assiria bishii Abril 1994kii waxeyna u leedahay 2 caruur.

Pele oo lagu naaneyso boqorka kubada cagta waa halyey weli nool kubada cagta aduunkana magac iyo xushmad ku leh isagoo safiir u ah caruurta faqriga ah ee ku kala daadsan aduunka waxaana aad loo xusuustaa markii uu dhaliyey goolkiisii 1000 waxa uu sheegay in xusuusta goolkaan uu u hibeeyey caruurta fuqarada ah ee reer Brazil.

Waxaanu intaan kusoo koobeynaa taariikhdii Pele inagoo ka cudur daaraneyno inaanu qormo kusoo koobi karin taariikhdiisa oo dhan waxaanu isku dayney inaan idiin soo xulno qeybaha aanu is laheyn waa muhiim marka laga sheekeynayo taariikh nololeedkii Pele.

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo2003@hotmail.com