Waa bahda deeyoo oo idin leh kusoo
dhawaada bogga sportiga.
TARTANKA KUBADDA CAGTA EE KA
SOCDA
MAGAALADA
OSLO/NORWEY Labadan kooxood oo dhalin
yaro soomaali ah oo kala deggen laba waddan oo kala duwan waxa ay ku wada
ciyaareen garoon aad u qurux badnaa kaasoo ku yaaley bartamaha Oslo ,
Labada kooxood waxa ay soo bandhigeen ciyaar aad u heer sareysay taasoo
qiira ku abuurtay dadkii faraha badna ee isugu yimid oo u badna soomaali
isugu jirtay qeyb kasta oo bulshada ka mid ah Dhalinyaro isugu jirtay Rag
iyo Dumar Caruur iyo waalidiin intaba waxaa taas kasii darnaa markaan
garoonka isha la raacay in arkayay dad badan oo soomaali ahayn balse ay
soo jiidatay sawaxanka meesha ka yeerayay. War iyo dhamaan
ciyaartani waxa ay aheyd furitaankii kulamo maalmahan Oslo ka dhici doona,
Waxa ay ciyaartaasi kusoo dhamaatay 4 iyo 4 oo koox waliba dhibic ayey
halkaasi kala dareertay. Maalinta berri oo
sabti ah waxaa wada ciyaari doona kooxaha Torshov
Vs Swo, oo ciyaarta koowaad
ah ciyaarta labaad waxaa isku arki doona kooxaha Askar
Vs Oslo1 Haddaba waxaan
inta ciyaareysa iyo intii soo abaabushay oo waqtigooda qaaliga ah u huray
u rajeyneynaa guul haddaan nahay bahda deeyoo
mar walbana waxaan xooga saareynaa inaan wax walba
oo umadda muhiim u ah idiin soo gudbino anagoo mar walba dhinac isaga
riixeyna qabiil iyo siyaasaddiisa foosha xun leh. waa
mahadsantihiin by deeyoo.com
Kooxda
real madrid ayaa usoo baxday semifinalka koobka yurub kadib 3 gool
oo Ronaldo dhaliyay oo wax weyn ku noqday kooxda Manchester .........
|
Isku
AAdka kooxaha
Gr A
Holland
Hashi Travel
Torshov
Swo
G B
Asker
Oslo 1
Tromsų
Wadaaddada.
Maalmaha iyo sida loo ciyaari doono.
02/05/03
Holland vs Hashi Travel
03/05/03
Torshov vs Swo
Asker vs Oslo 1
04/05/03
Tromsų vs Wadaaddada
Hashi Travel vs Torshov
05/05/03
Asker vs Tromsų
Oslo 1 vs Wadaaddada
06/05/03
Holland vs Torshov
Swo vs Hashi Travel
07/05/03
Oslo 1 vsTromasų
Swo vs Holland
Wadaaddada vs Asker
08/05/03
A1 vs B2
B1 vs A2
09/05/03
F I N
A L E
|
|
|