Taariikh nololeedka xidiga R.Madrid Raśl Gonzales
 

 

 
 t

Sida u gaarka ah Raul ee u ugu dabaal dego marka uu gool dhaliyo

deeyoo.com

Raśl Gonzales Blanco oo ku magac dheer Raśl ama sida ay u yaqaanaan reer Madrid Malagii Madrid waxa uu ku dhashay magaalada Madrid ee caasimada Spain 27kii Juun 1977kii,

Qaar ka mid ah goolashii Raul

Raul iyo Real Madrid

Raul waxa uu kusoo barbaaray xaafada Marconi ee degaanka San Cristobal de los Angeles ee magaalada Madrid, waxa uu ciyaarta kubada cagta ka bilaabay koox ka dhisaneyd xaafadii uu ku dhashay ka hor intii uusan aabihii oo taageere weyn u ahaa kooxda Atletico Madrid ku wareejin markii uu jirsadey 13 sano.

Inkastoo Raul markii ugu horeysey uu u gacan galay Atletico Madrid hadana ma calfan maadaama uu aad u jabyaraa taasoo kaliftey in madaxdii iyo tababarihii Atletico Madrid ay u arkeen ciyaaryahan aan mustaqbal fog la heyn, ka tegitaanka Raul ee Atletico waxaa soo dedejiyey markii uu gudoomiyihii kooxda ee xiligaas kala direy  dhamaan ciyaaryahanadii dhalinta yaraa (junyarka) sanadkii 1992kii maadaama ay soo wajahdey dhaqaale xumo.

Real Madrid ayaa markiiba gacanta ku dhigtey wiilkan dhalinta yar ee caatada ah isla sanadkii 1992kii hase yeeshee Raul oo adeegsanayo maskax iyo farsamo hibo loo siiyey muujiyeyna karti iyo awood dheeraad ah ayaa sanadkii 1994kii oo ah 2 sano uun ka dib markii uu kooxda kusoo biirey soo jiitey tababarihii Real Madrid ee xiligaas Jorge Valdano isagoo bishii Oktoobar ee isla sanadkaasna kusoo darsadey kooxda R.Madrid isagoo noqdey ciyaaryahankii ugu dhalinta yaraa ee xirta maaliyada R.Madrid isagoo jirey 17 sano iyo 4 bilood oo keliya.

Raul Gonzales waxa uu qeyb ka ahaa kooxdii Real Madrid ee ku guuleysatey horyaalkii Spain ee 1994-95 isagoo dhaliyey horyaalkiisii ugu horeeyey 9 gool, waxyaabihii mucjisada ahaa ee sanadkaas waxaa ka mid ahaa in Raul oo 17 jir ah aadna u jabyar uu dhamnaadkii horyaalkaas booska ka ciriirsadey gooldhaliyihii weynaa ee reer Spain iyo kooxda Real Madrid Emilio Butragueno taasoo sababtey in ruugcadaagii weynaa uu isaga tago 1995kii kooxdii uu halyeyga u ahaa uuna 10ka sano usoo ciyaarayey.
Raul waxa uu laf dhabar u ahaa kooxdiisa iasgoo kula guuleystey horyaalka Spain sanaidihii 1995, 1997, 2001 iyo 2003 iyo weliba koobka weyn ee Champions League sanadihii 1998, 2000 iyo 2002.

Sanadihii dahabiga ee Raul waxaa ka mid ah sanadkii 2002 markii uu kabtan u noqdey kooxda weyn ee R.Madrid iyo weliba qaranka Spain isagoo weli 25 jir ah .

Raul oo weli dhalin yaro ah iskuna darsadey kabtanimada R.Madrid iyo qarankiisa ayey saxaafada qaar bilaabeen iney ugu yeeraan RUUG CADAA xili ay da`diisu aheyd 25 sano oo keliya.maadaama uu 8 sano booskiisa xirnaa oo aan la isku qabsan.

Maalmaha xusuusta gaarka ah u leh Raul waxaa ka mid ah 28.09.2005 markii uu noqdey ciyaaryahankii ugu horeeyey aduunka ee dhaliya 50 gool tartanka weyn ee horyaalka  kooxaha Yurub ee Champions League isagoo waqti xaadirkaan ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan tartankan weyn wuxuuna ku hogaaminayaa 56 gool.

Raul waxa lagu yaqaan asluub iyo xirfad ciyaareed aad u sareysa isagoo guul iyo guul daraba qaata waxaana runtii waxyaabaha lagu amaano ka mid ah isagoon weligii aan loo taagin calaamada guduudan intii uu R.Madrid iyo qarankaba u dheelayey.

Wixii ka dambeeyey sanadkii 2003 ayuu Raul la kulmay dhaleeceyn kaga imaaneysey saxaafada iyo taageerayaashiisa isagoo xiliyada qaar waayey booskii u xoreysnaa inkastoo aan kaligii lagu eedeyn karin maadaama ay dhamaan kooxda ka jiiftey oo aysan wax guul ah gaarin gudaha dalka Spain iyo weliba tartamada Yurub.

Roul iyo qaranka Spain

 

Goolashii uu u dhaliyey xulka Spain qaarkood

Raul waxa uu nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo ciyaaryahanada qaranka  Spain sanadii 1996 isagoo kulankiisii ugu horeeyey ee xul qaran saftey bishii Oktoobar 1996kii mar ay xulka Spain iska hor yimaadeen qaranka Jamhuuriyada Czech isagoo wixii markaas ka dambeeyeyna noqdey ciyaaryahan taariikhda qaranka Spain ka galay baal dahab ah.

Raul waxa uu qarankiisa kala qeyb galay koobabkii aduunka ee 1998, 2002 iyo 2006. isagoo bishii Juun 19keedii 2006 koobkii aduunka ee lagu qabtey Jarmalkana  noqdey ciyaaryahankii 18aad ee 3 koob aduun ugu yaraan midkiiba gool ka dhaliya. Raul wuxuu kaloo kala qeyb galay qaranka Spain 2 tartanka qaramada Yurub 2000 iyo 2004 isagoo hadana ka mid ah xulka qaranka Spain ee dadaalka ugu jira iney ka qeyb galaan ciyaaraha qaramada Yurub 2008 oo isreeb reebkiisa hada socdo.

Raul waa ciyaayahanka hogaanka u haya qaranka Spain isagoo dalkiisa u dhaliyey 47 gool 102 kulan oo uu saftey sidoo kale waa ciyaaryahanka saftey kulamada ugu badan ee qaranka Spain marka laga reebo goolhaye.

Raul waxa uu kooxdiisa iyo xulka qarankaba u qaataa lambar 7 inkastoo dhowr kulan uu ugu ciyaarey dalkiisa isagoo wata lambar 10, wuxuu leeyahay dabaal deg u gaar ah marka uu gool u dhaliyo kooxdiisa iyo qarankaba isagoo dhunkada faraantiga guurka  markasta ee uu gool dhaliyo.

Noloshiisa qoyska

Raul waa xaas 4 caruura leh, lamaantiisa uu aadka u jecelyahay waxaa la yiraahdaa Mamen Sanz isagoo markasta oo uu gool dhaliyana shumiya faraantiga guurka si uu u muujiyo jaceylkiisa, Raul oo 4 wiil dhalay ayaa 2 ka mid ah waxa uu ku samiyey 2 ka mid ah halyeeyadii soo maray kooxda R.Madrid ee Jorge (Valdano) iyo Hugo (Sanchez)oo la dareemayo halka ay kooxda ka taagantahay isagoo labada kale oo mataana ahna u bixiyey Hector iyo Mateo.

Raul saaxiibkiis uu ku dhaarto waa ciyaaryahanka ay waqti u wada ciyaari jireen kooxda R.Madrid iyo qaranka Spain ee Fernando Morientes oo inkastoo uu kooxda ka tegey hadana uu weli xiriirkoodu go`in iyagoo xiliyada fasaxa inta badan isla qaata, Raul aad buu ugu caroodey markii la fasaxay oo ay kooxda iska dirtey saaxiibkiis 1aad taas ayeyna dad badan u aaneynayaan hoos u dhaca Raul oo laga yaabo inuu dareemay cidlo maadaama xiriirka ka dhexeeyey isaga iyo ronaldihii kooxda isaga tagay iyo weliba weeraryahanka bedelay ee reer Holland Van Nistelrooy.

Maxaa lagu xusuustaa Raul?

Raul marka laga soo tago koobabka uu kooxda kula guuleystey ee horyaalka Spain 1995, 1997, 2001 iyo 2003, koobak loo yaqaan Super Cup-ka Spain sanadihii 1997, 2001 iyo 2003. Super Cup-ka Yurub 2002 iyo weliba koobka Toyota ama Intercontinental Cup ee 1998 iyo 2002 waxa si gooni ah loogu xusuustaa isagoo sanadkii 1991kii noqdey ciyaaryahanka 2aad ee ugu wanaagsan aduunka iyo isla sanadkaas ciyaaryahanka 3aad ee ugu wanaagsan Yurub iyo weliba in kabadan 10 biladood oo isugu jira Dahab, Qalin iyo Maar.

Raul waa ciyaaryahanka ugu kulamo safashada badan uguna goolasha badan tartanka ugu caansan aduunka oo ay kooxo ku tartamaan ee Champions League. waa ciyaaryahanka dhaliyey goolasha ugu badan ee ciyaaryahan u dhaliyo qaranka Spain, waana ciyaaryahanka ugu goolsha badan dhamaan ciyaaryahanda waqti xaadirkan ka ciyaara horyaalka Spain isagoo dabcana ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan kooxdiisa R.Madrid dhamaan ciyaaryahanada weli mustaqbalkooda ciyaareed ku dhex jira waana ciyaaryahanka ugu kulamada badan qaranka Spain marka laga reebo boorte ama goolhaye.

Raul waxa lagu amaanaa ciyaar wanaag iyo aadaab isagoon weligii aan loo taagin calaamada guduudan (cas) akhlaaq xumo noocey doontaba ha ahaatee oo aan garoonka laga saarin intii uu kudhex jirey xirfada kubada cagta.

Waxyaabaha uu Raul aad u xusuusto intii uu ku jirey mustaqbalkiisa  kubada cagta waxaa ka mid ah isagoo dhaliyey goolkii 800 iyo kii 900 ee uu dhaliyo xulka qaranka Spain.

Xusuusin: weli wey furantahay taariikh nololeedka ciyaaryahanaka kubada cagta ee R.Madrid iyo qaranka Spain Raul Gonzalez.

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo2003@hotmail.com

 ama

deeyoo_admin@hotmail.com