|
|
Taariikh nololeedka xidiga weyn ee Ingiriiska Michael Owen |
|
|
deeyoo.com Michael James Owen oo dalka Ingiriiska looga naaneeso "Golden Boy" ama "Wonder Boy" oo la macna ah wiilkii Dahabiga ama wiilkii la yaabka lahaa waxa uu ku dhashay magaalada Chester ee dalka Ingiriiska 14kii Disembar 1979kii hase yeeshee waxa uu kusoo barbaarey magaalada Hawardin ee dalka Wales isagoo mustaqbalkiisii ciyaaryahanimo halkaas kasoo bilaabay.
Goolashii Owen qaarkood Michael Owen markii ugu horeysey ee la arko inuu yahay wiil mustaqbal wanaagsan ku leh ciyaarta kubada cagta waxey aheyd markii uu 10 jir ahaa xili uu ka qeyb galaayey tartanka dugsiyada isagoo u safanayey dugisgii hoose dhexe ee Hawardin sanadkaasoo uu jabiyey dhamaan wixii iskoor goolal dhalin ahaa ee u yaalay tartankaas.
Owen waxa uu ka dib usii ciyaaray dugsigii sare ee Hawardin isagoo soo
jiitey indhaha kooxo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen Man.United, Arsenal iyo
Chelsea oo wadahadal la bilaabay iskuulkii uu dhiganayey si ay ula wareegaan
mas`uuliyada inta ka dhiman waxbarashadiisa marka uu dhameeyana uu kusoo
biiro kooxdooda hase yeeshee waxaa kooaxahaas kala dhex baxdey Liverpool . Michael Owen iyo xiligiisa kooxaha. Owen wuxuu ku biiray kooxdii uu kusoo caan baxay ee Liverpool markii uu 16 jir noqdey sanadki 1996kii isagoo isla sanadkaas kooxda Junyarka Liverpool kula guuleystey koobka FA-ga ee junyarka, wuxuu tartankaas ka dibna heshiis la galay Liverpool si uu ugu mid noqdo kooxda heerka 1aad Liverpool waqti yar ka dib markii uu 17 jirsadey. Owen waxa uu kulankiisii ugu horeeyey u saftey Liverpool bishii May ee 1997kii isagoo bedel kusoo galay kulan ay kooxdiisa la laheyd naadiga Wimbeldon wuxuuna tusey tababarihiisa inuusan ku qaldaneyn in koox weyn sida Liverpool ay fursad siiyaan wiil dhalinyar, oo gaaban isla markaana aad caato u ah maadaama uu kulankiisii ugu horeeyey ee uu bedelka kusoo galay gool dhaliyey. Horyaalkii Ingiriiska ee 1997-98 ayaa la dhihi karaa waa waqti ka mid ahaa maalmihii farxada ee mustaqbalka Michael Owen maadaama uu sanadkiisii ugu horeeyey waqti uu aadna u da`yaraa ku guuleystey gooldhalinta horyaalka Ingiriiska oo ay xiligaas ka ciyaarayeen ciyaaryahano magac weyn ku lahaa dunida, Owen waxey sanadkaas min 18 gool wada dhaliyeen Chris Sutton iyo Dion Dublin waxaana isla sanadkaas la gudoon siiyey abaal marinta xidiga ciyaaryahanda dhalinta yar ee sanadka. Owen oo waqtigaas wixii ka dambeeyey noqdey mishiinka goolahsa Liverpool ayaa waxa si gooni ah loo xusi karaa sanadkii 2001oo runtii ahaa sanadkii ugu wanaagsanaa ee Owen intii uu ciyaaraha kusoo dhex jirey maadaama uu kooxdiisa kula guuleystey 5 koob isla sanadkaas ( koobka UEFA, kan FA.ga iyo weliba Curling Cup iyagoo sidoo kalena isla sanadkaas ku guuleystey koobka Charity Shield oo ay ku tartamaan kooxda hanata horyaalka Ingiriiska iyo kooxda ku guuleysata koobka FA.ga iyo ugu dambeyn Super Cup-ka Yurub oo ay ku tartamaan kooxda heysata horyaalnimada Yurub Champions League iyo kooxda heysata koobka UEFA markii ay 3-2 kaga badiyeen kooxda Bayern Munich oo ahyd horyaalka kooxaha Yurub. Owen waxaa la dhihi karaa aabihii guusha ee sanadkaas maadaama uu kooxdiisa goolal fara badan u dhaliyey ayna ka mid ahaayeen 2dii gool oo ay Liverpool kaga badisey Arsenal finaalhii koobka FA-ga waqti loo maleynayey in Liverpool lagaga adkaanayo 1-0, goolkii 2aad ee koobkii Charity Shield oo ay 2-1 kaga adkaadeen Man.United iyo goolkii 3aad ee Super Cup oo ay 3-2 ku goosteen Bayern Munich, Owen wuxuu sanadkaas u suura geliyey kooxdiisa iney noqoto kooxdii ugu horeysey dalka Ingiriiska oo sanadk gudihiis ku guuleysata 5 koob, todobaad ka dib kulankii Bayern ayuu mar kale dalka Jarmalka gaarsiiyey guul daro aysan weligood ilaawi doonin markii uu 3 gool kaga dhaliyey gurigooda isreeb reebkii koobka aduunka 2002 ciyaartaasoo markii dambe Ingiriiska ay 5-1 ku badiyeen. Owen guulihiisii 2001 waxey dhaxalsiiyeen inuu noqdo ciyaaryahankii ugu horeeyey ee Ingiriis ah mudo ka badan 20 sano ee la gudoonsiiyo abaalmarinta ciyaaryahanka sanadka ee Yurub. Owen waxa uu go`aansadey inuu isaga tago kooxdii uu halbowlaha u ahaa ee Liverpool markii uu dalabaad badan kaga yimid kooxo waaweyn oo ay R.Madrid ka mid aheyd isagoo sabab ugu dhigay ka tegitaankiisa kooxda inuu ku guul dareystey inuu kooxda kula guuleysto horyaalka Ingiriiska amaba koobka weyn ee Champions League isagoo ku wareegay R.Madrid 13kii Agoosto 2004 hase yeeshee in ka yar 10 bilood markii uu Owen kasii maqnaa Liverpool waxaa u suura gashey iney hantaan koobkii uu dartiis kooxda kaga tagay ee Champions League sanadkii 2005. Michael Owen waxa uu Liverpool u dhaliyey 118 gool 216 kulan oo uu u saftey intii uusan ka dal dooran kuna biirin kooxda reer Spain ee R.Madrid. Owen ma helin bilowgii uu rajeynayey isagoo xiran maaliyada Real wuxuuna intiisa badan waqtigiisii ku qaatey kursiga keydka maadaama uu boos ka ciriirsan waayey Raul iyo Ronaldo si uusan u waayin booskiisa qaranka maadaama uu soo dhowaa xiligii la qaban lahaa koobkii aduunka ee 2006 ayuu ku qasbanaadey inuu ka hawo gedisto uuna u wareego koox uu ka heli karo waqti ciyaareed ka badan kan uu markaas ka helayey kooxda R.Madrid. Inkastoo Michael Owen uu inta badan bedel kusoo gelaayey kulamadii uu u saftey Real Madrid oo guud ahaan gaarayey 35 kulan wuxuu u dhaliyey 13 gool ka hor itii uusan dib ugu soo noqon dalkiisa Ingiriiska iyo kooxda Newcastle dhamaadkii Agoosto 2005 isagoo la galay heshiis 4 sano ah, Owen waxaa aad u daneynayey kooxo kale oo Ingiriis ah oo ay ku jirtey kooxdii uu kusoo shaac baxey ee Liverpool hase yeeshee lacagta ay Real ku rabtey oo badneyd darteed ayey kooxihii kale awoodi waayeen iney lasoo wareegaan Owen. Owen waxaa mar kale lasoo deristey nasiib xumo waqtigiisii Newcastle isagoo garoomada kaga maqnaa dhaawac hase yeeshee 14 kulan oo uu kooxda u saftey wuxuu u dhaliyey 7 gool isagoo waqti xaadirkaana lagu xiriirinayo mar kale inuu ku biiri doono kooxdiisii hore ee Liverpool ama kooxda weyn ee Man.United inkastoo Newcastle sheegtey iney ku dadaalayaan sidii ay u sii heysan lahaayeen Owen wax kasta oo macquul ahna sameynayaan sidii uu kooxda kusii joogi lahaa.
Goolashii Owen ee Ingiriiska Owen iyo Qaranka Ingiriiska Kulankii ugu horeeyey ee uu Owen u safto qarankiisa Ingiriiska waxey ahey kulan saaxiibtinimo oo ay la yeesheen xulka Chile bishii Febraayo 1998 oo ay 2-0 Chile ku badisey, taageerayaal badan ayaa markaas bilaabay iney culeys ku saaraan tababarihii qaranka Ingiriiska ee xiligaas Glenn Hodlle inuu Owen ka dhigo 11ka ciyaartoy ee Ingiriiska garoonka usoo galaya finaalaha koobka aduunka oo ay markaas waqti yar uun ka harsaneyd, Owen oo ka faa`iideysnaya fursada hor taal ayaa gool dhaliyey kulan kale oo saaxiibtinimo oo ay xulkiisa la yeesheen qaranka Marooko waqti yar ka hor bilowgii koobka aduunka ee 1998kii isagoo noqdey ciyaaryahankii ugu da`da yaraa ee gool u dhaliyo xulka Ingiriiska ka hor intii uusan iskoorkaas kala wareegin Weyne Rooney sanadkii 2003.Tababare Glenn Hoddle ayaa iska dhaga tirey soo jeedinta saxaafada iyo taageerayaasha ee ah inuu Owen ku daro kooxda garoonka u soo galeysa Ingiriiska maadaama uu weli aad u dhalin yaraa isla markaana uusan qibrad u heysan tartamada waaweyn. Owen wuxuu ka mid ahaa ciyaaryahandii loo xulay qaranka Ingiriiska ee ka qeyb galeysey koobkii aduunka ee 1998kii hase yeeshee labadii kulan ee hore Owen wuxuu ka mid ahaa ciyaartoyda Keydka, kulankii Romania ay la ysheen ayuu Owen gool dhaliyey isagoo mid kalena birta ku dhuftey taasoo ku qasabtey tababare Hoddle inuu Owen ku bilaabo ciyaartii muhiimka aheyd ee wareega 2aad ay isku arkeen xulka Argentina. Michael Owen wuxuu dhaliyey kulankii Argentina goolkii ugu quruxda badnaa ee tartanka iyadoo dad badana ay ku tilmaameen mid ka mid ah goolashii ugu quruxda badnaa ee abid laga dhaliyo taariikhda koobka aduunka markii uu qiyaastii kala barka garoonka uu kubad kasoo qaatey lasoo dhex marey 3 ka mid ah difaacii Argentina isla markaana darbo xoogan gees ka geliyey goosha Argentina. Kulankaas ayaa la dhihi karaa wuxuu ahaa mid ka mid ah kulamadii ugu xiisa badnaa ee Owen isagoo sheegay inuusan weligii ilaawi doonin inkastoo markii dambe qaranka Ingiriiska rigoorayaal lagaga badiyey maadaama ay ciyaartii kusoo dhamaatey barbardhac 2-2 ah sidaasna ay uga hareen tartankaas. Wixii waqtigaas ka dambeeyey booska Owen ee qaranka Ingiriiska su`aal kama taagneyn wuxuuna isla sandkaas ku guuleystey abaal marinta aadka muhiimka u ah ee Shaqsiga Sanadka oo ay bixiso BBCda isagoo noqdey qofkii ugu da`da yaraa ee la gudoonsiiyo abaal marintaas. Owen wuxuu ka mid ahaa ciyaaryahanadii ugu muhiimsanaa ee Ingiriiska u matelaayey tartamadii koobka aduunka ee 2002 iyo 2006 iyo weliba tartamadii Qaramada Yurub ee 2000 iyo 2004 isagoo noqdey ciyaaryahankii ugu horeeyey ee Ingiriiska ah ee gool ka wada dhaliyey 4 tartan oo caalami ah (koobkii aduunka ee 1998 iyo 2002, qaramada Yurub 2000, 2004) inkastoo ku hungoobay inuu gool dhaliyo koobkii aduunka ee 2006. Bishii Abril ee 2002 ayaa Michael Owen markii ugu horeysey loo doortey inuu noqdo kabtanka qaranka Ingiriiska kulankii ay la yeesheen xulka Paraguay maadaama uu dhaawac ahaa kabtankii qaranka isagoo noqdey kabtankii ugu dhalinta yaraa ee hogaamiya xulka Ingiriiska wixii ka dambeeyey Bobby Moore 1963kii. Michael Owen wuxuu guud ahaan u saftey qarankiisa Ingiriiska 80 kulan isagoo dhaliyey 36 gool, waa ciyaaryahanka 4aad ee xaga goolasha ugu sareeya qaranka Ingiriiska. Owen weli wuxuu ku dhex jiraa mustaqbalkiisa ciyaaryahanimo ee xaga kooaxaha iyo qarankaba. Noloshiisa Qoyska Michael Owen waa xaas 2 caruur ah leh, wuxuu si rasmi ah u guursadey 24kii Juun 2005 gabadha la yiraahdo Louise Bonsall oo ay hore iskula degenaayeen, labada caruur oo gabar iyo wiil kala ah, Owen wuxuu Aabe noqdey 1dii May 2003 markii ay dhalatey gabadhooda Gemma Rose Owen, wiilkooda James Michael Owen wuxuu isna dhashey 6dii Febraayo 2006. Owen waxaa lagu tilmaamaa inuu aad ugu xiran yahay qoyskiisa guud ahaan isagoo waqti badana la qaato waalidkiis walaalihiis iyo reerkiisaba, Owen wuxuu iibsadey wado ku taala halka uu degen yahay oo maanta lagu magacaabo JIDKII OWEN. Owen weli waa ciyaaryahan u dheela Newcasle iyo qaranka Ingiriiska.
Asad A. Omar "afey"
|