Wararkii ugu danbeeyay ee ciyaaraha deeyoo Sport oo cusub ka gala halkan.
Xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya labada macalin ee Real Madrid Mourinho iyo kan Liverpool Rodgers ayaa la sheegayaa inuu fududeeyay kusoo biirida Nuri Sahin ee kooxda Liverpool.
Xidigan reer Turki ayaa todobaadyo lala xiriirinayay kooxda Arsenal oo u baahneyd, laakiin kasoo bixi weysay shuruudihii amaahda xidigan oo la sheegay inay ugu adkeyd sanad kadib in beeciisu yahay 14 milyan oo gini hadii kale isaga carar.
Macalin Brendan Rodgers oo kacaan weyn oo is badal ah ka wada Liverpool ayaa inta badan baadi goob ugu jira laacibiin ku fiican kubad ciyaarista iyo qeybinta si ay uga soo baxaan hab ciyaareedkiisa ku dhisan baasas iyo kubad isku dhiib gaagaaban.
Nuri Sahin ayaa hada qandaraas sanad ah la saxiixanaya Liverpool, sanad kadibna ka fiirsaneysa inay gadato iyo in kale, waxaana howshan ka wada xaajooday oo fududeeyay sida la sheegay Macalin Mourinho oo ay xilli hore iskala shaqeyn jireen Chelsea macalinka Liverpool ee cusub Rodgers.
Liverpool ayaa sidoo kale hami weyn ka hayaa isla markaana u dhaw saxiixa weeraryahanka reer Amerika Clin Dempsey oo u ciyaara Fulham, hadii ay heshana waxaan hubanti ah in kaalimaha 3aad iyo 4aad ee Champions League loogu soo baxo tartan adagi ka jiri doona sanadkan.
Wararkii ugu danbeeyay ee ciyaaraha deeyoo Sport oo cusub ka gala halkan.
Deeyoo Sport








Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii 