Wararkii ugu danbeeyay ee ciyaaraha deeyoo Sport oo cusub ka gala halkan.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Fanaanada caanka ah Nimco dareen la gaarsiiyay dhaawac fudud oo ay xaaladu ka duwantahay sida markii hore loo maqlay oo ahayd in middi si xun loogu dhaawacay xaflad ay ka dhigeysay caasimada Kenya ee Nairobi.
Dhaawaca Nimco ayaa u badan mid madaxa jug laga gaarsiiyay iyo Shock / Argagax ay ka qaaday sida wax u dheceen, waxaana la rajeynayaa in ay si fudud uga bogsato oo ay sideedii iyo ka fiican kusoo laabato, waxaana la hubaa in Raggii ka danbeeyay falkan ahaayeen kuwo aan la ogeyn ujeedadooda, laakiin lagu tuhmay mid siyaasadeysan.
Nimco Dareen oo kamid ah fanaaniinta dhalinyarada ah kuwooda loogu jecelyahay ayaa xilliyadii ugu danbeeyay waday safar bandhig faneed ah oo ay ku kala mareyso dunida dacaladeeda, waxa ayna safarkan kahor soo martay Yurub iyo Waqooyiga Amerika.
Waxaa qorshaha ugu jira inay booqato magaalooyinka Hargeisa iyo Djibouti, waa hadii ay kasoo fiicnaato dhibka yar ee la gaarsiiyay, waxaan ilaah uga baryeynaa caafimaad deg deg ah iyo in kuwii ka danbeeyay oo ka gardarnaa la helo maxkamadna lasoo taago Insha Allah.
Hadii aan nahay bahda warbaahinta iyo dadka ehelka iyo saaxiibka la ah fanka waan canbaareyneynaa falalka noocaan oo kale ah iyo cidii ka danbeysay intaba.
Nimco dareen iyo Ilkacase hees muuqaal wanaagsan leh oo ay ku sameeyeen cariga Waqooyi America intii ay ku sugneyd ayaan idiin soo gudbineynaa ee daawasho wacan.
Wardheer.
Nimco Dareen & Ilkacase.
Wararkii ugu danbeeyay ee ciyaaraha deeyoo Sport oo cusub ka gala halkan.








Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
Dhageyso ama daawo hees kaban ama qaaci ah oo ay qaadeyso farxiya fiska iyo hees
Shanta hees ee maanta waxaa ka dhex muuqda farxiya fiska iyo mursal muuse ee ku
Xulka jimcaha iyo heesaha deeyoo ku dhageyso 10 hees mobilkaaga ama pc midki aad
Waxaan halkan idinkugu haynaa mid kamid ah heesaha ugu hadal haynta badan oo hal
Heesaha maanta oo jimca ah waa 5 hees ee ku dhageyso mobilkaaga ama pc midki aad
Tahniyad dhalasho oo halkan looga dirayo abdirisaq ali xaaji iyo ubax gussein sh
Ayaan taleex oo soo saartay heesteedii muftaax oo muuqaal qurxoon laga sameeyay
Heeso shan iyo fanaanad cusub oo cod macaan ayaa kamid ah xulkeena heesaha maant
Nuur faneedkii norway nasteexo indho oo lasoo kala baxday muuqaal iyo hees is wa