
Fiiro gaar ah. Sawirada hoos ka fiirso.
Spain ayaa taariikh cusub u dhigtay kubada cagta aduunka, markii ay kor u qaadeen koobkoodii 3aad oo isku xiga mid aduun iyo mid yurubm kadib 4 gool ay dhabarka u saariyeen xidigihii reer Italia.
Silva, Alba, Torres iyo Alba ayaa noqday halyeeyadii Spain, halka ay Xavi, Iniesta, Fabregas Pique iyo dhamaan ciyaartoydii reer Spain la qeybsadeen farxada guusha sanadkan ee koobka qaramada Yurub.
Dhanka kale Pirlo iyo saaxiibadiis ayaa u muuqday kuwo aad u daalan isla markaana loogu sii daray indha sarcaadka kubadeed ee reer Spain, waxaana nabarka kusii xanuujiyay Motta oo dhaawac garoonka uga baxay kadib markii uu badal kusoo galay 4 daqiiqo ka hor, taas oo ku qasabtay in Talyaanigu 30 daqiiqo iska difaacaan farsamayaqaanadii Spain sababtoo ah waxa ay markaa sameeyeen dhamaan sadaxdii badal oo ay xaqa u lahaayeen.
Tababare Del Bosque oo horey u ahaa halyey Real Madrid ayaa markana kasii dalacay oo nasiib u yeeshay inuu noqdo halyeey wadan kadib 2 koob oo is xiga oo aduun iyo yurub ah, halka uu tababare Prandeli ka noqotay ciyaartaan mid aanu weligiis hilmaamin maadaama kooxdiisa looga adkaaday farsama xumadii iyo badalkii uu sameeyay awgeed.
Bah weynta kubada cagta aduunka ayaa hada isku raacay in xulkan Spain yahay kii ugu wanaagsanaa ee abid soo mara dunida, dhanka kooxahana la sheego in Barcelona tahay kooxdii qarniga, taas macnaheedu waxa uu noqonayaa in xilliyada dhow ay adkaan doonto si looga adkaado Spain.
Talyaaniga oo labadii ciyaar ee ugu danbeysay ee Ingiriiska iyo Jarmalka la ciyaareen u muuqday dal u babac dhigi kara Spain, balse xaalka ayaa isku badal "la mood noqonsa weyday", waxaana marqati ka wada noqonay in ciyaar ahaan iyo dhan kastaba reer Spain wax badan ka horeeyeen ragii kasoo hor jeeday.
Hadaba waxaan u hambalyeyneynaa dhamaan xulka Spain ee ku guuleystay koobkan oo ay runtii u qalmeen min bilow ilaa dhamaad, maadaama ay noqdeen dalkii ugu goolasha badnaa iyo kii uga yaraa goolasha laga dhaliyay.
Tartanka yurub oo la qabto afartii sano mar ayaa la dhihi karaa waa kan kusoo xiga koobka aduunka marka la fiiriyo xiisaha iyo xamaasada iyo weliba xidigaha kasoo qeyb gala, Spain ayuu ahaa dalka ku guuleystay tartankii kan ka horeeyay, halka uu Jarmalku yahay dalka ugu badan uu ku guuleysta koobkan oo uu 3 heer qaatay.

Torres oo goolkii 3aad daba marinaya Buffon.

Alba oo goolkii 2aad dhalinaya.

Mehrajaankii ay soo bandhigeen reer Ukrain ciyaarta ka hor.

Xidigihii reer Spain oo uu koobka horyaalo.

Balotelli oo ciil iyo ooyin is celin waayay kadib guuldaradii.

Farxada Spain markii ay ciyaartu dhamaatay.

kabtan Casillas oo xaaskiisu kasoo hadleyso garoonka ciyaarta.

Taageere is celin waayay oo Pique qoftiisa u baaqaya waa Shakira.

Farxada taageerayaasha reer Spain.
Deeyoo Sport
Oslo / Norway








Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii 