
Cristiano Ronaldo oo maalmahan bilaabay inuu caalamka tuso inuu yahay nin lagu xisaabtamo kulamada waaweyn xitaa ayaa madaxiisu sabab u noqday in dalkiisa Portugal soo gaaraan Semifinalka sanadkan ee ciyaaraha Yurub.
Dhamaadka qeybtii 2aad ee ciyaarta ayuu gool madax ah oo aad u xoog badan daba mariyay goolhaye Peter Check oo goolkaan ka hor ka badbaadiyay dalkiisa Czeckia darbooyin holac ah oo kaga imaanayay xidigihii reer Portugal oo aad uga awood badnaa dalka Czeck.
Ronaldo oo maalmahan aad uga careysnaa taageerayaal ju qeyliya magaca Messi marka uu kubada qaato, waxa uu sameeyaa dabaal dag iyo ciil bax aad looga dareemayo marka uu gool dhaliyo, taas oo fariin u ah kuwa ku handadaya Messi, waxaa dhacday xitaa in boorar ay ku qoranyihiin " Messi ayaa weli ah laacibka 1aad ee dunida" lasoo dhigo ama la suro qeybo ka tirsan garoomada uu ku ciyaarayo xidiga reer Portugal iyo Real Madrid.
Portugal ayaa sidaan hada ku taagan banaanka kaligiis, waxaana uu sugayaa kooxaha kusoo biira 3 maalmood oo is rafaadin ah kadib, waxaana maantaba balansan Germany vs Greece, sidoo kale maalinta beri ah ayey fooda is darayaan Spain vs France, halka kulanka ugu danbeeya ee qeybtani dhex mari doono Italia vs England maalinta Axada.
Kulankan kadib ayuu Ronaldo kusoo biirayaa xidigihii ugu cadcadaa ciyaarahan waxaana uu shirko la noqonayaa Ozil iyo Gomes oo Jarmalka ah, Gerrard oo Ingiriiska ah, Pirlo oo Talyaaniga ah, Silva oo Spain ah, Zlatan oo Sweden ah, Dzagoev oo Ruushka ah iyo ugu danbeyn Mandzukic oo Croatia ah.
Wixii kusoo kordha kulamada soo socda waan idiin soo gudbineynaa hadii alle idmo.
Deeyoo Sport
Oslo / Norway








Top 10 ten waxaa maanta kusoo qaadaney xidiga faneedka casrigan waa abdi holland
Heesaha maanta waa 5 shan sidii caadiga aheyd aad ayey u xiisa badan yihiin maan
Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e