HomeNewsChampoins LeagueWararka SuuqaArimaha BulshadaMusic Contacts
Zlatan Oo Gool Mucjisa Ah Ku Macsalaameeyay Ciyaaraha, Rooney Oo Gool Kusoo Laabtay Iyo Wareegii Hore Oo Soo Dhamaaday.
2012-06-20 06:53:49

Goolkii qurxoonaa ee Zlatan oo dhulka ka wada kacay.

Rooney ayaa ku bilaabay gool iyo guul ciyaartiisii ugu horeysay ee uu safto Euro2012 kadib kulan adag oo ay kala hor yimaadeen dalka marti gelinaya ciyaarahan ee Ukrain. 
Zlatan Ibrahimovich ayaa isna kusoo qatimay ciyaarahan gool aan dhihi karo waa kii ugu qurxoonaa ilaa hada uu ka dhaliyay dalka faransiiska oo ugu danbeyn Sweden uga adkaadeen 2 gool iyo waxba.
Labdan kulan ayaa ahaa kuwii ugu danbeeyay wajiga hore ee ciyaaraha Yurub, waxaana sidaa lagu macsalaameeyay 8 kamid ah 16kii dal ee usoo ciyaaro tagay Ukrain iyo Poland oo ah barta ay ciyaaruhu ka socdaan, Ingiriiska iyo Ukrain ayaa dalkii adkaado soo bixi lahaa maadaama uu ka dhibca badanayo kan kale, qeybtii danbe ee ciyaarta ayuu Weyn Rooney oo ganaax uga maqnaa dalkiisa labadii kulan ee hore gool madax ah dhaliyay sidaasna ku noqday halyeygii Ingiriiska.
Waxaa xusid mudan in dalka Ukrain qeybtii danbe ee ciyaarta laga diiday gool xaq ahaa in loo ogolaado maadaama ay dhaaf xariiqda goolka, dhacdadaan ayey aad uga caroodeen dhamaan reer Ukrain, waana arin soo dedejin karta xukunka kamarada ee goolasha ee maalmahan aad loo hadal hayay.
Guul daradan Ukrain waxaa uga sii darnaa markii uu laacibkoodii ugu weynaa taariikhdooda Andry Shevchenko shaaciyay inuu ka fariistay ciyaaraha xulka qaranka dalkiisa, waxaana aad loogu macsalaameeyay garoonkii looga adkaaday oo ay dadweyne iyo wariyayaal aad ugu soo xoomeen xidigan waayo fiican lasoo qaatay saaxiibadiis.
Dalka Sweden oo mar hore ka haray ciyaarahan ayaa si xun ugu ciil baxay dalka Faransiiska oo la islahaa wuu kasoo laabtay masiibooyinkii kubadeed ee beryahan danbe heystay, waxaana ilkaha ka siibay kabtan Zlatan oo gool mucjisa ah daba mariyay gool hayihii kasoo horjeeday, waxaana boogta kusii xanuujiyay Sabastian Larson oo gool kale ugu daray sidaasna guul iyo farxad ugu gurigooda ugu laabteen Sweden.
Czechia, Giriiga, Jarmalka, Portugal, Spain, Italia, England iyo France ayaa usoo baxay qeybaha danbe ee ciyaarahan halka guryahooda loo diray dalal kala ah Poland, Russia, Holland, Danmark, Croatia, Ireland, Sweden iyo Ukrain.
Waxaa maalina beri ah bilaabanaya wareega labaad oo ay wadamadu isku arkayaan sidan hoose.
Czechia vs Portugal.
Germany vs Greece.
Spain vs France.
Italia vs England.
Wixii kusoo kordha kala soco Deeyoo Sport
Deeyoo Sport
Oslo / Norway

Terry oo xariiqda gadaasheeda kasoo celinaya kubada

Wixii kusoo kordha kala soco Deeyoo Sport.

Deeyoo Sport

Oslo / Norway

Latest News Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
2013-05-21 12:44:23
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
2013-05-21 10:49:30
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
2013-05-21 10:45:34
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
2013-05-20 17:02:42
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
2013-05-20 16:53:59
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
2013-05-20 16:33:52
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
2013-05-19 19:03:38
Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
2013-05-19 11:17:39
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
2013-05-19 11:11:35
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
2013-05-14 12:31:04
Arimaha Bulshada Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd