HomeNewsChampoins LeagueWararka SuuqaArimaha BulshadaMusic Contacts
Xidigaha Ilaa Iyo Hada Ka Yaabiyay Taageerayaasha Jecel Kubada Cagta Pirlo, Silva Iyo Ozil
2012-06-18 06:55:33

Ilaa iyo waxaa si habsami leh u socda ciyaaraha aad loo xiiseeyo ee Euro 2012, waxaa ku tartamaya dalalka aduunyada ugu awooda badan kubadac cagta marka laga reebo Brazil iyo Argentina oo reer Latin Amerika ah.
Intii ay bilaaban ciyaarahan waxaa la wada sugayay oo afka warbaahinta iyo kan taageerayaashaba haystay xidigo laga xusi karo Ronaldo, Xavi, Ribery, Arshavin iyo qaar kaloo badan, waxaase sida shumaca uga soo dhex ifay qaar kale oo la islahaa sidaa uma awood badna ama kuma fiicna dhanka qaramada.
Andrea Pirlo oo mar hore la iska hilmaamay magaciisa ayaa mar kale soo wada jiitay indhaha bulsha weynta kubada cagta kadib markuu lasoo baxay hab ciyaareed aad loo jecleystay iyo sida uu uga xaragoodo kubada iyo baasaska uu u kala diro garoonka afartiisa gees, waxa isla markiiba loo aqoonsaday inuu yahay halyeygii qarsoonaa oo ay Italia lasoo shir tagtay.
Moset Ozil ayaa kamid ah muchisooyinka lagu arkay ciyaarahan, walow oo u ciyaaro Real Madrid horeyna uu dalkiisa u matalay koobkii aduunka ee dhamaaday hadana Ozil ayaa ka dhex iftiimaya dhalinyarada uu macalin Low soo xushay, ciyaartoyda Jarmalka ayaa mar walba kubada la raadiya xidigan dhalinta yar si uu ugu abuuro fyrsad amaba ugu yaraan lugtiisu noqotay mid aan sahal kubad looga qaadan karin, ilaa hada gool ma dhalin laakiin garoonka meel kasta ayuu kubada kula xaragoodaa isagoo si sahal ah ku dhaafa difaac kasta ee ka hor yimaada.
David Silva ayaa isna kamid ah xidigaheena aan kasoo xulanay halyeeyada sanadkan dalalkooda meel uga soo baxay laakiin ciyaarahan ka hor aan laga fileynin heerka ay hada gaarsiisan yihiin, Silva ayaa hooskiisa ku qariyay rag ay kamid yihiin Xavi, Iniesta iyo Fabregas, waxaa xidigani ay isku mid ka yihiin habka kubad qaadashada Ozil oo labaduba waa lugta bidix oo u sahashay inay sida ay doonaan kubada u maamulaan, difaacyadana ka maraan dhanka ay doonaan.
Waxaa jira xidigo kale oo wacdaro aan laga fileyn muujiyay sida Shevchenko, Kron Dahlie oo Danmark ah, Mat Hummels oo difaac Jarmalka ah, Dzagojev oo Ruushka ah, Karaguinis oo Giriiga ah iyo qaar kale balse sadaxdi xidig oo aan kor kusoo xusnay ayaa uga horeeya kuwan danbe waayo waxa ay halbowle u noqdeen dhaqdhaqaaq kasta oo uu dalkoodu sameynyo marka uu weerar qaadayo.
Waxaan idiin balan qaadeynaa inaan idiin soo bandhigno warbixino noocaan oo kale ah oo aan ku bartilmeemaadsaneyno xidigaha, tababarayaasha, kooxaha, taageerayaasha iyo dhamaan wax walba oo ku saabsan ciyaarahan xiisaha badan ee Euro 2012 ee ka kala socda labada wadan ee Poland iyo Ukrain.
Deeyoo Sport
Oslo / Norway

Latest News Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
2013-05-20 17:02:42
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
2013-05-20 16:53:59
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
2013-05-20 16:33:52
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
2013-05-19 19:03:38
Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
2013-05-19 11:17:39
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
2013-05-19 11:11:35
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
2013-05-14 12:31:04
Dhageyso ama daawo hees kaban ama qaaci ah oo ay qaadeyso farxiya fiska iyo hees
2013-05-13 22:59:31
Shanta hees ee maanta waxaa ka dhex muuqda farxiya fiska iyo mursal muuse ee ku
2013-05-13 22:50:31
Xulka jimcaha iyo heesaha deeyoo ku dhageyso 10 hees mobilkaaga ama pc midki aad
2013-05-10 14:07:09
Arimaha Bulshada Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso