|
|
Gilberto Silva oo ka xumaadey qaabka kabtanimadii looga qaadey |
|
|
14.08.07, deeyoo.com Xidiga qadka dhexe ee Arsenal Gilberto Silva ayaa ahaa kabtankii Arsenal inta badan sanadkii hore markaasoo kabtankii kooxda Henry uu dhaawac ku maqnaa laakiin markii sanadkan uu kabtan Henry kooxda isaga tagay ayey la noqotey Gilberto in la soo gaarey waqtigii uu noqon lahaa kabtan buuxa ka hor intii uusan ka aqrisan bogga net-ka Arsenal.com in kabtanimadii uu la wareegay ciyaaryahan Gallas oo sanadkii hore laga soo iibsadey kooxda Chelsea. Gilberto ayaa sheegay in sida runta ahi awooda qofkii kabtan noqon lahaa uu tababaraha leeyahay isagana uu intii karaankiisa uu kooxda u qaban doono laakiin qaabka aan ku ogaadey qofka loo xushay kabtanka ma haeyn arin wanaagsan ayuu ku yiri Daily Star. - Runtii kama xanaaqsani in kabtan laiga dhigi waayey hase yeeshee waxaan ka xanaaqsanahay qaabka ay igu soo gaartey, wuu heli karay waqti uu igula hadlo maadaama aan tababarka wada joogney ka hor intii aan lagu shaacin bogga net-ka ee Arsenal.com aad baana runtii ula yaabay inuusan go`aankiisaas ila socodsiin ayuu ku dooday kabtankii kumeel gaarka ahaa ee Arsenal Gilberto Silva. Lyon oo lixdii sano ee lasoo dhaafey ku guuleysatey horyaalka Faransiiska ayaa bilowdey dadaal ay ku raadineyso ciyaaryahankii bedeli lahaa kabtankooda Cris oo ugu yaraan 6 bil garoomada dhaawac dartii kaga maqnaan doono. Cris oo liibaro ugu ciyaara Lyon ayaa bareelle lagaga qaadey garoonka kulankii ay sabtidii la yeesheen kooxda Toulouse ee 1-0 lagaga adkaadey markii ay isku dheceen ciyaaryahan Johan Elmander waxaana la saadaalinayaa in Mario Yepes oo PSG u dheela ama Jean-Alain Boumsong oo Juventus ah iney ugu sareeyaan liiska ciyaaryahanka ay ku bedeli lahaayeen Cris waxaana jira warar kale oo sheegaya in sidoo kale ay ku fekerayaan ciyaaryahanka muranka ka dhexdheliyey kooxaha Man.United iyo Liverpool ee Heinze hadii uu aqbalo inuu kooxda ugu ciyaaro difaaca dhexe (liibaro) taasoo hadii ay dhacdo baajin doonto dacwad uu ciyaaryahanka u gudbiyey xiriirka kubada cagta Ingiriiska oo bilaaban la heyd 20 Agoosto maadaama uu ku doodayo inuu heysto waraaq ay kooxda u qoreen oo u fasaxeysa inuu ku biiro kooxdii uu doono hadii ay ku helayaan qidmad sida uu sheegay Liverpool ay diyaar la tahay inkastoo Sir Alex Fergusson uu sheegay in meeshii ay kala dhacdaba uusan aadi doonin koox ka mid ah kuwa uu tartanka kala dhexeeyo. Chelsea ayaa ku dhow iney lasoo wareegaan ciyaaryahan Alves oo difaaca ugu dheela kooxda Sevilla iyadoo saxaafada Spain ay soo warinayaan in labada koox ay ku heshiiyeen qiime dhan 32 milyan oo euro iney kala siistaan ciyaaryahankan oo reer Brazil ah. Wargeyska AS ee kasoo baxa Spain ayaa sheegay in gudoomiyayaasha labada koox Peter Kenyon iyo Jose Maria del Nido heshiis dhameytiran ku gaareen magaalada Madrid caawa oo Talaado ah isla markaana go`aanka ugu dambeeya laga sugaayo milkiilaha Chelsea Roman Abramovich. Alves ayaa hore kooxda ugu codsadey in la iibiyo maadaama ay saf soo galeen kooxaha Chelsea, Real Madrid iyo Barcelona isagoo diiday in lagu soo daro liiska ciyaaryahanada Sevilla ee habeen dambe la ciyaari doono kooxda AEK Athens kulan ka tirsan is reebreebka 3aad ee Champions League si uu fursad ugu helo inuu u dheeli karo hadii la gato. Alves wuxuu Sevilla kula soo guuleystey koobka UEFA labadii sano ee lasoo dhaafey. Tottenham ayaa caawa la kulantey guuldaradii labaad ee isku xigta markii ay fooda isdareen kooxda Everton oo kaga badisey 3-1 kulan ka dhacay garoonka white Hart Lane. Guuldaradaan ayey taageerayaasha Tottenham aad uga xanaaqeen taasoo sababtey iney ku fooriyaan kuna oriyaan ciyaaryahanadooda markii ay ciyaartii dhamaate. Tottenham oo todobaad uun ka hor la saadaalinaayey in horyaalka sanadkan ay tartan culus la geli doonto kooxaha waaweyn ee BIG 4 isla markaana qalqaalsan doono ugu yaraan booska 4aad ee fursada u siinaya ka qeyb galka Champions League hase yeeshee bilowgan guuldarooyinka isku xiga iyo lacagihii badnaa ee ay kooxda qarasha gareysey ayaa u cuntami waayey taageerayaasha kooxda halka kooxdii caawa kja badisey ee Everton ay si ku meelgaar ah ula wareegtey hogaanka horyaalka.
Asad A. Omar "afey"
|