|
Dood Ciyaareed |
|
Saaxiibayaal waxaad boggan uga doodi kartaan guud ahaan ciyaaraha kala duwan ee ka dhaca aduunka gaar ahaan kubadda cagta oo ay bulshada soomaaliyeed aadka u jeceshahay. FARIIN MUHIIM AH: Waxaan codsi naxariis leh usoo gudbineynaa qofkan qasaya meesha,,, -Saaxib adigoo mahadsan 100% waxaan kaa codsaneynaa in aad naga joojiso dhibka, ujeedada aad doontid ka lahaw koley anaga deeyoo.com ahaan dhibka aad noo geysaneysid waxaa ka badan kan aad u geysaneysid dhalinyarada walaalahaa ah ee sportiga jecel kuna baashaala boggan, haddii ay jiraan qalad lagaa galay inoo soo sheeg, hadii kale saaxib noo wada ogolow in aan isku barano, kana sheekeysano waxa kaliya ee maanta Soomaali wadaagaan oo ah Sportiga maadaama ay intii kale ku heshiin waayeen siyaasad, qabiil iyo diin oo ay qoryaha isku sitaan. Ugu danbeyn saaxib waa codsi walaalnimo iyo islaanimo dhibka naga dhaaf fadlan,, please,, hadii kale waxa aad nagu qasbeysaa inaan qeybtan dooda sportiga iska xirno hadaad ku qanceysid taas,, wixi fikrad ah ee aad ka qabto codsigeena kusoo qor halkan,, waxaan wada rajeyneynaa inaad naga aqbasho saaxib, thanks. |
|
|