Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 
Xulka da' yarta Soomaaliya oo looga adkaaday Masar

07.09.2010, deeyoo.com.

Waxaa Magaalada Qaahira ee dalka Masar ka dhacday ciyaar dhex martay xulalka 17 jirada Soomaaliya iyo  Masar oo ka mid aheyd  laba ciyaarood oo ka mid ah Ciyaaraha Isreebreebka Caf ee qaarada Afrika oo ay wada yeelanayeen todobaadkaan waxaana soo wajahaday Xulka Soomaaliya Guurladarradii ugu horeysay oo uu kala kulmay Xulka Masaarida kadib markii 3 Gool iyo 0 looga badiyay xulka Qaranka Soomaaliya taasoo ay ciyaartii ugu horeysay ee la xisaabinayay Guriga Masar guul ay ku gaareen Xulka  17ka sano jirada ee Masar.

Garoonka Petro Sport oo ay ciyaartu ka dhaceysay ayaa ka mid ahaa kuwa ugu waaweyn Magaalada Qaaahira  waxaana uu jawiga ahaa mid aad u xamaasadeysan waxaana  soo buuxiyay garoonka taageerayaasha Xulka Soomaaliya  oo lulayay astaamaha iyo midabada u gaarka ah dalka Soomaalia  iyagoo ku dhawaaqayay halgudhegyo lagu taageerayayay  dhiirigalinayayna ciyaartoyda.

Laacibiinta Xulka Soomaaliya oo soo bandhigay ciyaar aad u xiiso badan ayaa waxaa goolka ugu horeeyay laga dhaliyay daqiiqadii koowaad ee ciyaarta taasoo ay Masaarida niyada ku dhisteen maadaama ay aad ugu baqayeen Junyarka Soomaaliya oo lasoo shartagay farsamo  aad u sareeysa.

Goolkii Labaad ee ay Masaaarida helaan ayaa waxaa xulkeena Somalia laga dhaliyay daqiiqadii 21-aad halka midka sedexaadna loo daba dhigay xulka daqiiqadii 38-aad  iyadoo kadibna ay difaac adag sameeyeen ciyaartooyda Soomaalida iyagoo markaasina cayaarayay qaabka lidka ku ah weerarka oo la ogsoonaa in Xulka Masar lagu sigay dhowr kubadood, iyadoo Xulka Soomaaliya ay ka fursado badnaayeen Masaarida.

Maadaama Xulka Qaranka 17 jirada Soomaaliya loo saariyay guuldarro ayaa waxaa  Si kastaba ha ahaatee laga wardhowrayaa is aragga labaad Ciyaarta soo socota taasoo ay Magaalada Alexanderia ku xifaaltami doonaan markale Labadan Qaran iyadoo Soomaaliya loo rajeynayo inay wax ka bedeli doonaan qaab ciyaaroodkooda maadaama ay hal qeyb oo ciyaartii hore ka tirsan kaliya ku fahmeen kubbadda Masaarida taasoo cadeyn ay u tahay in Masaarida ay kubadda taabsiin waayeen qeybtii labaad ee ciyaarta goosha Xulka Soomaaliya taasoo ugu dambeyn ay ciyaarta kusoo afjaranta 3 gool oo Masaarida heleen iyo waxba.

Xulka Qaranka 17 jirada ee Soomaaliya ayaa bishii lasoo dhaafay tababar ugu xareysnaa Magaalada Dooxa ee dalka Qatar, iyagoo dalka Qatar ka helay taageero , waxaana  loosoo dhiibay xulka si uu leyliyo  tababare Yuusuf Aadan oo ka mid ah Soomaalida haysta Dhalashada dalka Qatar waxaana ku xigeen u ah Yuu Cali oo ka mid ah ciyaartooydii Qaranka Soomaaliya waxaana ay Xulka 17 jirada laga dareemayay inay heleen qibrad iyo farsamo iyagoo ka duwanaa qaramadii hore loo soo xuli jiray waxaana la dhowrayaa kulanka ama is araga labaad oo ay markale dalka Masar iskaga hor imaan doonaan Qaranka Soomaaliya Maalinta Jimcaha Magaalada Alexanderia oo 300 Kilo meter u jirta Qaahira ahna caasimada labaad ee dalka Masar.

 

laacib ka mid ah Xulka Somalia oo raacaya ciyaartooy Masaari ah

 

Qaar ka mid taageerayaashii Soomaalida ee ku sugnaa Petro Stadium


 

Tababare Xigeenka Somalia Yuu Cali oo ku sugan kursigiisa
 

taageerayaasha Soomaalida oo wata Vuvuzela
 
Taageerayaasha Xulka Soomaaliya
 
Macalin Kaniinoow oo taageerayay Xulka Qaranka
 

Laacibkii qaranka Tafare oo sii jeeda oo taageerayay Qaranka

 

Abdullahi Muxudiin (Abdul Arts)

abdularts@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com