Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Juventus oo looga digay cunsiriyeynta Mario Balotelli iyo warar kale oo isboorti

Balotelli

06.09.2010, deeyoo.com.

Ururka Kubadda Cagta ee Yurub ayaa ku goodiyay in ganaax adag ay dul dhigeyso kooxda Juventus hadii tageerayasha Juve cunsuriyadnimo kula dhaqmaan Mario Balotelli marka ay iska horyimaadaan kooxda Man City.

Laacibkani oo dhawaan ka so wareegay kooxda Inter Milan ayaa marar kala duwan aflagaado iyo qaylo wasaqeysan kala kulmay taageerayasha kooxda mudanaayasha duqooway ee Juventus xilli Inter Milan iska horyimaadeen.

Juventus ayaa haatan la gaarsiiyay fariimo digniino culus xanbaarsan, iyadoo taageerayaasha Juventus lagu tilmaamo kuwa dhaqan xun.

Waxa laga baaqaya in kulanka Man City iyo Juventus in taagerayasha ku qayliyaan laacibkaasi midabka madoow leh ,iyadoo Man city cayartas soo safi doonto dhowr laacib oo madoow ah oo uu ku jiro laacibkani u dhashay dalka Talyaniga.

Horay ayay taageerayaasha Juventus hees aflagaado ah ugu oryeen laacibkaasi xilli ciyaredkii hore waxa ayna ku yiraahdeen.

Qaranka talyaaniga boos ugama banaana cayaryahan madow,qaranka talyaaniga iskama laha dadka madow.

Xiligasi xariirkii u dhaxeyay Juventus iyo Inter ayaa baal madoow galay haatan-na waxaa laga cabsi qabaa in Man City taageerayaashooda iyo Juventus dusha isu jeediyaan.

Kooxda Man City ayaa ka hadashay saadaalinta socota ,waxa ayna tibaaxeen in Balotelli saameyn ku yeelan dooonin waxa dhanka taagerayasha Juventus ka yimaada.

XULKA AJINABIGA AH EE INTER OO AAN FAA IIDO U AHEYN ITALY

Milkiilaha Inter Milan Massimo Moratti ayaa difaaca siyaasada kooxdiisa ee ah in aan lagu arkin hal ciyaaryahan oo talyaani u dhashay iyadoo 11-ka ciyaartoy ee garoonka lagu bilaabo ay wada yihiin ciyaartoy ajanabi ah oo dalal kale u wada dhashay.

Inter Milan, oo sanadkii tagay marmar dhif ah garoonka ku bilaabi jirtay hal ciyaartoy talyaani ah,  ayaa hada waxaa iskugu soo haray ciyaartoy aan wadanka u dhalan iyadoo kulankii ay Inter Italian Supercup kaga qaaday AS Roma, 3-1 ay wada ahaayeen ciyaartoyda u wada ciyaarayay kuwo dalal shisheeye ka wada yimid.

Tan iyo markii ay iska iibiyeen xiddigii da’da yaraa ee reer talyaani Mario Balotelli oo ay siiyeen Manchester City, kooxda ma lahana ciyaaryahan kale oo wadanka u dhashay.

Dalka talyaaniga sanadkaan waxaa lagu eedeeyay inuusan heysan ciyaartoy dad yar oo wadanka wax tar u leh kadib markii ay wareega 1aad kaga soo hareen koobkii aduunak— waxaana tusaale loo soo qaatay in kooxda sanadkaan koobabka badan qaaday aysan u ciyaarin hal ciyaartoy ee wadanka u dhashay.

Moratti wuxuu sheegay siyaasada Inter ineysan wax yaabahaasi shaqo ku laheyn, isagoo tusaale u soo qaatay Manchester United oo ay aad ugu yaryihiin ciyaartoyda wadanka u dhalatay isla markaana guulo gaarta, wuxuu sheegay dadkaasi iney ka maseyrsan yihiin guulaha kooxda.

Inter waxey sanadkaan ku guuleysatay 4 koob oo uu ugu danbeeyay Italian Supercup oo ay ka soo horeeyeen Champions League, league iyo Cup.

Owen Hargreaves oo aan lagu darin liiska xidigaha Man.United u safanaya kulamada kooxaha Yurub

Laacibka ay diloodeen dhaawacyada ee dalka Ingiriiska iyo kooxda Manchester United Owen Hargreaves ayaa u muuqda mid waayahiisa ciyaareed uu sii dhamaanayo kadib marki laga saaray liiska ciyaartooyda kooxda United sanadkaan uga qeybgaleysa koobka xiisaha badan ee Champions League.

Hargreaves ayaa labadi sano ee lasoo dhaafay u saftay kooxda kulamo aan badneyn oo tabartiina uu bedel kusoo galayey, taasi waxaa ku kaliftay xidigan qadka dhexe dhaawacyo hareeyey oo kusoo laab laabtay.

Laacibkan 29 jirka ah ayaa laakin hadii laga saaray Champions League waxaa uu ku jiraa liiska ciyaartooyda Man United ee ka qeyb qaadanaya horyaalka Premier League.

Hargreaves oo sanadi Manchester United kaga soo biiray kooxda Bayern Munich oo ku iibisay lacag dhan £17m waxaa hareeyey dhaawacyo kulankiisi ugu danbeyey waxa uu u saftay naadiga 2 May.

Sidoo kale liiska tartanka Champions League waxaa iska waayey weeraryahanka cusub ee Manchester ee u dhashay dalka Portugal ninka la yiraahdo Bebe, xiriirka Uefa ayaa aqbalaya in koox walbaa ay soo magacaabi karto 24 ciyaartooy hase yeeshee Uniter waxa ay ku dhawaaqday 24 ciyaartooy, waxaana la yaab noqotay in laga reebo Bebe oo kooxda ay kusoo iibsatay £7m xilli ciyaareedkan.

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com