Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Mourinho oo u digay taageerayaasha kooxdiisa Real Madrid

Mourinho

06.09.2010, deeyoo.com.

Macalinka Real Madrid Jose Mourinho ayaa digniin u diray taageerayaasha kooxdiisa uu macalinka u yahay isagoo u sheegay ineysan u maleyn in uu sanadkaan horyaalka u qaadayo oo aysan rajeyn wax mucjiso ah, wuxuu ku yiri “waxaan ahay macalin—laakiin ma ahi Harry Potter.”

Hadalkaasi wuxuu ka danbeeyay markii kulankii ugu horeeyay ee horyaalka Spanish uu bareejo 0-0 ah la galay Mallorca halka kooxda uu dagaalka kula jiro ee Barcelona ay 3-0 dusha u saarisay Racing Santander.

markii aan FC Porto iyo Inter Milan aan joogay, waxaan horyaal waliba ku bilaabay bareejo. Porto waxaan u qaaday 4 horyaal Halka Inter aan 2 horyaal u qaaday 2dii sano ee iigu horeysay. Hada sidii oo kale ayaan ku bilaabaykulanka ugu horeeya mar waliba waa wax dhib badan. Mourinho wuxuu sidaa u sheegay AS.

Macalin ayaan ahay—ma ahi Harry Potter. Oo ah nin mucjiso ah laakiin mucjisadiisa ma ahan wax dhab ah,  ayuu sii raaciyey Mourinho oo markii uu Chelsea la joogay isku bixiyay The Special One.

Mourinho wuxuu sheegay in xiddigaha reer German Mesut Oezil iyo Sami Khedira ay dhib ku noqotay iney isfahmaan kooxda maxaa yeelay kuma hadlaan Spanish waxey yaqaanaan wax yar oo English ah.

Laakiin wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay ciyaartoydiisa qaabkii ay wax u difaaceen, Mourinho wuxuu intaa ku daray in ay waqti qaadan doonto in lala dagaalamo Barcelona, taasoo 2dii sano ee la soo dhaafay horyaalka gurigeeda geysatay , Madrid horyaal ay qaado waxaa ugu danbeysay 2008.

Madrid waxey go’aansatay iney maalgaliso Mourinho markii ay 6dii sano ee ugu danbeysay ku soo hartay wareega hore ee Champions League xilli ay dooneyso iney qaado koobkii 10aad.

Tababare Jose Mourinho oo sheegay in aan loo dulqaadan doonin dhaawacyada Cr. Ronaldo loo geysto.

Jose Mourinho ayaa tibaaxay in si waxashinimo oo bareer ah ay cayaartooyda u jibiyaan laacibkasi kuwaasi oo doonaya in lacibka ka horistaagaan in shabaqooda uu kubada ku hubsado.

Wax loo sii dulqaadan karo ma aha in laacibkani u nugulaado weeraro jibin ah , kaarka cas ee la bixiyana kaligiis wax ma qabanayo , garsoorayaasha waa in ilaalo gaar ah u yeeshaan ilaalinta lacibkasi ayuu yiri Macalin Mourinho.

Ronaldo ayaa iminka dhaawac kooxda kaga maqan ,dhowr kulan-na oo horyaalka kooxaha yurub-na waa ku maqananaya sida la xaqiijiyay.

Mar wax laga weydiyay sharta sanadkaan ay la soo shartageyso kooxda Milan oo weeraryahano culus iibsatay ayuu si xishood uu ka muuqdo ayuu u yiri.

"AC milan lama dhayalsan karo sanadkaani isku Group-na wa nahay ,in ay horyaalka kooxaha Yurub qaadaan ayay halis ugu jiraan", Macalin Jose aya yiri sidaa.

Marka la eego qadka weerarka kubada waxa xarago leh isugu dhiib dhiibaya Bato. Robinho, Ronaldinho, zlatan Ibrahomavic, taaasina waxa ay ka dhigan tahay in aan  AC Milan lagu soo deg degi karin.

 

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com