Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Xulalka Faransiiska iyo Bortugal oo natiijo lama filaan ah kala kulmay kulamadii qaramada Yurub iyo dhamaan natiijada kulamadii dhacay

05.09.2010, deeyoo.com.

Xulka qaranka Faransiiska oo ceeb iyo jac ka raacday koobkii aduunka ayaa caawa garoonka ka baxay dhibco la`aan markii ay usoo martisay xulka dalka Belarus kulan ka tirsan iskala reebka qaramada Yurub.

Faransiiska oo fashilkii koobka aduunka ka dib rajeynayey bilow wanaagsan ayey weji gabax ku noqotay macalinka cusub Laurent Blanc ka dib gool uu dhamaadki cayaarta ka dhaliyey Sergej Kislijak oo baas fiican ka helay xidigii hore ee kooxda Arsenal Hlep.

Taageerayaashii soo xaadiray garoonka weyn ee Paris ayaa rumeysan waayey wixii ay indhohooda ku arkeen waxeyna culeys saareysaa macalinka cusub Laurent Blanc oo rajeynayey in kulankan oo ahaa kii ugu horeeyey ee muhiim ah uu badin doono.

Waa guuldaradii labaad ee isku xigta xulka faransiiska koobkii aduunka ka dib, horey waxaa kulan saaxiibtinimo 2-1 uga soo badiyey qaranka Norwey oo ay Oslo isku arkeen.

Xulka Bortoqiiska oo dhaawac kaga maqnaa xidigooda weyn C.Ronaldo isla markaana ganaax 3 bil ah la dul dhigay macalinkooda ayaa caajis ku bilaabay iskala reebka qaramada Yurub markii ay 4-4 ku kala bexeen xulka yar ee Qubrus.

Natiijadan ayaa ah mid ka yaabisay reer Bortuqal iyo dhamaan bahda isboortiga aduunka.

Xulka Ingiriiska ayaa ku barbartay qaranka Bulgaria markii ay 4-0 ku garaaceen taasoo bilow fican u ah tababare Capello iyo xulkiisa Ingiriiska.

Gooldhaliyaha kooxda Tottenham Jermain Defoe ayaa dhaliyey 3 ka mid ah goolasha ay qaranka Ingiriiska ku badiyeen halka goolka kalena uu dhaliyey Glenn Johnson.

Xulalka Spain, Talyaaniga, Jarmalka iyo Holland ayaa guulo ku bilaabay isreeb reebka qaramada yurub.

Natiijada kulamadii dhacay.

Guruub A:
Kasakhstan - Turkiga 0-3
0-1 Arda Turan (24), 0-2 Hamil Altintop (26), 0-3 Nihat Kahveci (76).
- - -
Belgim - Jarmalka 0-1
0-1 Miroslav Klose (51).

Guruub B:
Armenia - Irleand 0-1
0-1 Keith Fahey (76).
- - -
Andorra - Ruushka 0-2
0-1 Pavel Pogrebnijak (14), 0-2 Pogrebnijak (rigoore 65).
- - -
Slovakia - Makedonia 1-0
1-0 Filip Holosko (90).
Guduud: Vance Sikov (85) Makedonia

Guruub C:
Faroeiceland - Serbia 0-3
0-1 Danko Lazovic (13), 0-2 Dejan Stankovic (18), Nikola Zigic (90).
- - -
Estland - Italia 1-2
1-0 Sergei Zenjov (31), 1-1 Antonio Cassano (60), 1-2 Leonardo Bonucci (63).
- - -
Slovenia - W. Ireland 0-1
0-1 Corry Evans (70).


Guruub D:
Romania - Albania 1-1
1-0 Bogdan Stancu (80), 1-1 Gjergj Muzaka (87).
- - -
Luxembourg - Bosnia-Hercegovina 0-3
0-1 Senijad Ibricic (6), 0-2 Miralem Pjanic (12), 0-3 Edin Dzeko (16).
- - -
Fransiiska - Belarus 0-1
0-1 Sergei Kislyak (86)

Guruub E:
Moldova - Finland 2-0
1-0 Alexander Suvorov (69), 2-0 Anatolie Doros (74).
Guduud: Sami Hyypiä (36), Finland.
- - -
Swedan - Ungarn 2-0
1-0 Pontus Wernbloom (51), 2-0 Wernbloom (73).
- - -
San Marino - Nederland 0-5
0-1 Dirk Kuyt (rigoore 16), 0-2 Klaas-Jan Huntelaar (38), 0-3 Huntelaar (48), 0-4 Huntelaar (66), 0-5 Ruud van Nistelrooy (90).
Guruub F:
Latvia - Croatia 0-3
0-1 Mladen Petric (43), 0-2 Ivica Olic (51), 0-3 Darijo Srna (81).
- - -
Giriirga - Georgia 1-1
0-1 Alexander Iashvili (3), 1-1 Nikos Spyropoulos (72)

Guruub G:
Montenegro - Wales 1-0
1-0 Mirko Vucinic (30).
- - -
England - Bulgaria 4-0
1-0 Jermain Defoe (3), 2-0 Defoe (61), 3-0 Glenn Johnson (83), 4-0 Defoe (86).

Guruub H:
Island - Norwey 1-2
1-0 Heidar Helguson (38), 1-1 Brede Hangeland (59), 1-2 Mohammed Abdellaoue (75).
---
Bortoqiiska - Qubrus 4-4
0-1 Efstathios Aloneftis (3), 1-1 Hugo Almeida (8), 1-2 Michalis Konstantinou (11), 2-2 Raul Meireles (29), 3-2 Danny (50), 3-3 Yiannis Okkas (57), 4-3 Manuel Fernandes (60), 4-4 Andreas Avraam (89)

Guruub I:
Litwenia - Skottland 0-0
- - -
Liechtenstein - Spain 0-4
0-1 Fernando Torres (18), 0-2 David Villa (26), 0-3 Torres (54), 0-4 David Silva (62).

 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com