Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Faah faahin ku saabsab kulama is reeb reebka koobka qaramada Afrika

05.09.2010, deeyoo.com.

Wadankii soo gaaray wareega 8-da ee koobka adduunka Ghana ayaa la ciyaaraya Axada dalka Swaziland kadib labo bil ka hor oo ay kasoo hareen koobka adduunka. 

Xidigaha Michael Essien, Sulley Muntari iyo Stephen Appiah ayaa ka maqnaanaya xulka Ghana ee uu tababaraha u yahay Milovan Rajevac isagoo la ciyaaraya xidiga da’da yar ee dalka Sawaziland.

Essien ayaa bilihii ugu dambeeyay kaga maqnaa garoomada dhawac dhanka jilibka kasoo gaaray tasoo sababtay inuu ka maqnaado koobka adduunkas wuxuna dhaawacaas soo gaaray xilli uu ku guda jiray tababarka koobka qaramada Afrika oo ka dhacay Angolas.

Xulka Swaziland ayaa waxaa uu ku marti galinaya dalka Ghana garoonka Somhlolo ee ku yaala dooxada Ezulwini waxaana ay haatan  ka hor kaga adkaadeen weraryahanka Manchester City Emmanuel Adebayor iyo xulkiisa Togo waxayna ahayd is reb reebkii ugu dambeeyay.

Dalka Sudan ayaa marti galinaya dalka Congo oo ay kuwada jiraan Gurubka 1-aad waxaana suura gal ah in dalka Ghana uu noqdo dalka ugu horeeya ee u soo baxa koobka qarama qaaradda Afrika oo si wada jir ah ay u marti galin doonaan dalalka Equatorial Guinea iyo Gabon.

Dalka ah horyaalka Afrika ee Masar ayaa la ciyaari doona dalka Sierra Leone iyadoo ay ciyaartaas ka dhici doonto magaalada Qaahira ee dalka Masar maalinta axadda ah.

Xulka lagu naanayso Faraaciinta ee Masar ayaa kulan tijaabo ah waxay 6-3 ugu badiyeen Congo iyadoo weeraryahanka da’da yar Axmed Cali oo kooxda Ismaaciliya u ciyaara uu noqday xidig ay xulka Masar ku tashanayaan.

Sidoo kale qatarta ay la kulmi karaan xulka Sierra Leone ayaa ah Max’ed Gedow oo aanan la aqoonin ka hor koobka qaramada Afrika.

Dalalka Koofur Afrika iyo Niger ayaa kuwada jira hal guruub iyadoo kulanka ugu horeya uu dhexmari doono dalalkaas kaasi oo ka dhacaya koofur afrika.

Tababaraha kumeel gaarka xulka Nigeria Austin Eguavoen ayaa caadiyan magacaabay xul u badan xidigaha ka ciyaara qaaradda yurub iyadoo ay ku jiraan qaar kamid ah xidigaha u ciyaara kooxaha ka dhisan gudaha Nigeria.Dalkaan ayaa la ciyaaraya Madagascar maalinta axadda.

Drogba ayaa ka maqnaanaya kulanka dalkiisa Ivory Coast uu la ciyaarayo Rwanda taasi oo ka dhacayso magaalada Abidjan ee xarunta Ivory Coast. 

Gooldhaliyaha weyn ee kooxda Chelsea Drogba ayaa dhowaan shaaciyey inuu nasasho ka qaadanayo cayaaraha caalami ee qaranka mana sheegin xiliga uu dib ugu soo noqonayo iyo inuu si dhab ah uga fariistay xulka qaranka Ivory Coast.

Weeraryahanka kooxda Inter Samuel Eto'o ayaa ah xidiga kaliya ee caan ah kaasi oo ciyaaraya koobka qaramada Afrika is reb reebkisa ee todobaadkan wuxuuna hogaaminaya dalkiisa Cameroon kulanka ay la ciyaarayaan dalka Mauritius iyadoo dalka Cameroon loo magacaabay tababare cusub Javier Clemente.

Ilaa 16 dal ayaa laga doonayaa inay u soo baxaan kama dambeysta kobka qaramada Afrika oo si wada jir ah ay u qaban doonan dalalka  Equatorial Guinea and Gabon, waxaana laga laga doonayaa guruub kasta min labo dal.

 

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com