Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Tababarihii hore kooxda Liverpool Gerard Houllier oo lagu wado inuu qabto leylinta kooxda Aston Villa

04.09.2010, deeyoo.com.

Tababarihii hore kooxda Liverpool Gerard Houllier ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto shaqada tababarnimo ee kooxaha ingiriska kadib mudo oo uu ka maqnaa naadiga.

Gerard Houllier oo u dhashay dalka Faransiiska ayaa saddex sanno aanan qabanin shaqada tababarmimo ayaa haatan waxaa uu wada hadal la leeyahay gudoomiyaha  naadiga Aston villa Rany Lerner oo uu kala hadlayo sidi uu u qaban lahaa xilka uu baneeyay Martin O’Neill.

Houllier ayaa noqday ninka 1-aad ee haatan rajada laga qabo inuu qabto xilka ka banaan Aston Villa.

Si kastaba tababarihii hore kooxda Liverpool Gerard Houllier ayaa haatan ah shaqsiga ugu dhow inuu qabto jegada ka banaan kooxda ka dhisan caasimadda 2-aad ee dalka Ingiriiska Birmingham.

Rany Lerner iyo agaasimihisa Fulinta kooxda Aston Villa Paul Faulkner ayaa doonaya inay heleen badalka tooska ee tababarihii reer Ireland Martin O’neill oo si layab leh kaga tagay kooxdas.

Sidoo kale waxaa jira jagooyin ka banaan kooxda Aston Villa oo markii Martin uu ka tagay shaqada ayaa waxaa raacay qaar kamid ah caawiyayaashisa sida John Robertson iyo Steve Walford waxaa kaloo ka tagay koxda madaxa wakiilada lasoo wareegitaanka kooxda Aston Villa Ian Storey-Moore waxayna kooxda isaga tageen iyadoo shan maalin ay ka harsan tahay bilawga horyaalka ingiriska.

Gerard Houllier waa nin qaban kara boosas badan wuxuuna awoodaa inuu noqdo tababare isla markaana uu noqdo agaasimaha ciyaaraha kooxda isagoo ku caan baxay inuu buuxiyo booska agaasimanimada hadii ay dhacdo in loo baahdo.

Gerard Houllier wuxuu muddo kazoo shaqeeyay akadeemiyada Clairefontaine oo ah xarunta tababarka xulka Faransiiska wuxuna ugu soo shaqeeyay jagada agaasimanimo.

Tababarahan Gerard Houllier waa 62 jir wuxuuna la tacaalayay caafimaadkiisa sanadihii tagay isagoo qaba wadno xanuun isla markaana xanuunkas uu lasoo darsay waayihiisa Liverpool uu macalinka u ahaa isagoo koxdas tababare u ahaa mudo lix sanno ah waxaana kamid ahayd sanadki 2001 oo uu kooxda u qaaday shan koob halkaa xilli.

Gerard Houllier wuxuu isaga tagay kooxda Liverpool 2004 wuxuuna sanadkiisa ugu horeeyay uu yimid kooxda Liverpool uu keenay 7 ciyaaryahan isagoo ka fasaxay 10 xidig waxaana uu dhisay xul wanaagsan waxayna ahayd markii ugu horeysay ooo Liverpool ay dib ugu soo laabatay tartamada yurub.

Paul Ince iyo  Jason McAteer  ayaa waxay noqdeen kuwo ay saameyn ku yeelatay maamulka cusub ee tababare Gerard Houllier  kooxda Liverpool halka Steve McManaman uu isaga tagay kooxda marka uu dhamaaday qandaraskisa.

Houllier wuxuu qarash gareeyay oo xidigo kusoo iibsaday 100 milyan oo gini waayihii uu joogay Liverpool waxayna ahayd sanadkisa ugu fiicnaa 2001 oo uu isla qaaday Fa cup,Uefa Cup,koobka super Cup-ka yurub iyo labo koob kale. 

Kooxda Aston Villa waxay rajo ka qabtaa in Gerard Houllier uu waayo cusub u furo garoonka Villa Park oo koobka horyaalda yurub qaaday ku dhawad 30 sanno ka hor.

 

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com