Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   Mourinho oo dalbaday Eto`o, Crouch oo dhaawac uga maqnaanaya qaranka Ingiriiska iyo wararkii wargeysyada

02.09.2010, deeyoo.com.

Crouch oo dhaawacmay kana maqnaanaya kulamada is reeb reebka qaramada yurub.

Weeraryahanka kooxda Tottenham Peter Crouch ayaa ka maqnaanaay kulamada is reeb reebka koobka qaramada yurub 2012 oo ay dalkiisa Ingiriiska jimcaha uu la ciyaarayo Bulgaria halka talaadada soo aadan uu booqan doono dalka Switzerland.

Peter Crouch ayaa ka dhaawacmay dhabarka waxaana uu ku biiray xidiga gool hayaha ah ee Ben Foster oo jilibka ka dhaawacan,Scott Carson oo dhabarka ka dhaawacan ayaa ka maqnaan tababarka xulka Ingiriska waxaana tababarka ka muuqday gool hayaha keydka kooxda Arsenal James Shea oo 19 jir ah.

Xidiga kooxda Everton Phil Jagielka, kaasi oo ka ciyaari lahaa daafaca dhexe ee dambe ayaa isna dhaawac awgiis kaga maqnaa tababarka.

Jose Hart gool hayaha kooxda Manchester City ayaa ah gool hayaha 1-aad ee tababare Capello.

David James and Ledley King waa labo xidig oo u muuqda inuu ka maarmo tababare Capello halka daafaca xoogan Jamie Carragher uu sheegay inuu ka fariistay ciyaaraha.

Aaron Lennon ayaa kaga maqnaanaya xulka dhaawacyo uu ka qabo dhanka lugta.

John Terry and Frank Lampard ayaa ka maqnaanaya iyago qaba dhaawacyo.

Weeraryahanka Arsenal Theo Walcott,waa xidig uu si weyn ugu kalsoonyahay  tababare Capello inkastoo uu ka tagay koobkii adduunka.

Wadanka ingiriiska ayaa la ciyaaraya Bulgaria jimcaha oo uu kula ciyaarayo Wembley waxaana talaada uu u socdaalayaa Switzerland kadibna waxay wajahayaan Montanegro iyo Wales oo ay kuwada jiraan Gurubka G.

Tababare Mourinho oo doonaya  Eto'o.

Wararka ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya in Jose Morrinho uu waydistay Real Madrid inay lasoo saxiixdaan weeraryahanka wadanka Cameroon iyo kooxda inter Samuel Eto'o.

Jose Morrinho ayaa ku wargaliyay madaxda Real Madrid inuu yahay Eto’o inuu yahay xidig ku haboon booska weerarka ee kooxdas.

Ninka lagu naanayso The Special One Jose Morrinho ayaa waxaa uu dadaal ugu jiray inuu si weyn u hello weeraryahan dhexe oo ah gool dhaliye wanaagsan.

Eto'o ayaa door muhiim ah ka qaatay xulka saddexda koob la qaaday Tababare Jose Morrinho ee Inter Milan.

Jariiradda  El Mundo Deportivo ayaa sheegtay in Mourinho uu waydiistay  Florentino Perez inuu keeno Eto’o ama Drogba.

Wargaysyada iyo wararkii ay ka qoreen ciyaaraha. 

Kooxda Arsenal ayaa doorbidayso inay hishiis la gaarto xidig 17 jir ah oo u dhashay dalka Japan kaasi oo lagu magacaabo Ryo Miyaichi,kaasi oo sidoo kale ay doonayso kooxda Ajex.
Full story: Daily Mail  

Weeraryahanka  kooxda Tottenham Robbie Keane ayaa diiday fursad uu ugu biiri lahaa kooxda reer Turki ee Besiktas iyadoo 8 milyan ay ku iibsan lahayd intii uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaaryaahnada.
Full story: Daily Mail  

Tababarihii hore ee kooxda West Ham Alan Curbushley ayaa lala xiriirinayaa inuu noqon doonno tababraha xiga ee kooxda Aston Villa.
Full story: Daily Mirror  

Xidiga qadka dhexe kooxda Bayern Munich Mark van Bommel ayaa loo magacaabay kabtanka cusub ee xulka Holland waxaana u magacaabay Sodogiisa ahna tababaraha xulka Holland Bert van Marwijk. 
(Independent)

 

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com