|
Kooxaha Inter, Milan iyo Juventus oo soo
saaray liiska xidigaha ugu qeyb gelaayo tartamada Yurub

02.09.2010, deeyoo.com.
Kooxda Inter oo soo saartay liiska
ciyaaryahada ugu qeyb galaya koobka horyalada Yurub.
Kooxda inter
ayaa magacaawday xulka 31 xidig ee matalaya koobka horyaaliinta
yurub waxaana kamid ah lix xidig oo da’yar kuwaas oo ku jira
heerka B ama qeybta 2-aad.
Naadiga
difaacanaya koobka horyaalada Yurub Inter Milan ayaa waxay kusoo
dartay ilaa afar ciyaaryahan kuwaas oo kusoo bar baaray
juunyarka Inter waxayna kala yihiin Joel Obi, Paolo Orlandoni,
Davide Santon iyo Ludovic Biabiany.
Waxaa jira
kuwo la geeyay heerka B ama dooqa 2-aad waxayna kala yihiin Luca
Castellazzi, Marco Materazzi, Goran Pandev iyo Sulley Ali
Muntari.
Hadaba waa kuwan magacyada 31
ciyaaryahan ee Inter Milan u matalaysa horyalka yurub.
1 Julio
Cesar, 2 Ivan Cordoba, 4 Javier Zanetti, 5 Dejan Stankovic, 6
Lucio, 8 Thiago Motta, 9 Samuel Eto'o, 10 Wesley Sneijder, 11
Sulley Muntari, 12 Luca Castellazzi, 13 Maicon, 17 McDonald
Mariga, 19 Esteban Cambiasso, 20 Joel Obi, 21 Paolo Orlandoni,
22 Diego Milito, 23 Marco Materazzi, 25 Walter Samuel, 26
Cristian Chivu, 27 Goran Pandev, 29 Coutinho, 30 Amantino
Mancini, 34 Cristiano Biraghi, 35 Andrea Romanò, 39 Davide
Santon, 40 Obiora Nwankwo, 48 Lorenzo Crisetig, 54 Simone
Dell'Agnello, 57 Felice Natalino, 88 Ludovic Biabiany, 92
Alberto Gallinetta
Naadiga Juve oo ka reebtay saddex
xidig liiska xidigaha Yurub ugu qeyb galaya.
Gool hayaha
naadiga Juventus iyo xulka Talyaaniga Gigi Buffon,weeraryahanka
reer Talyaaniga Fabio Quagliarella iyo xidiga dhawaan ay lasoo
wareeegtay ee Alberto Aquilani ayaa laga reebay liiska xidigaha
u matalaya koobka yurub kooxdaas.
Kooxda
Bianconeri ayaanan ciyaarsiinaynin weeraryahankii hore naadiga
Napoli Fabio Quagliarella iyo xidigii hore ee qadka dhexe
Liverpool Alberto Aquilani maxaa yeelay waxay kasoo muuqdeen
kulamo yurub ka tirsan oo naadiyadooda horey ay liiska ugu
darsadeen.
Gool haye
Gigi Buffon ayaa wali dhaawac qaba iyadoo xidigaan uu kasoo
kabanayo qaliin dhabarka loogu sameeyay isagana waa laga saaray
xulka Juventus.
Xidigaha
dhawaan ay lasoo saxiixdeen ee kala ah Armand Traoré and Leandro
Rinaudo ayaa ku jira liiska xidigaha yurub laakin xidigaha kala
ah Hasan Salihamidzic iyo Fabio Grosso ayaa suuqa uu ku xermay.
Habadaba waakan liiska oo
dhameystiran.
A: 2 Motta, 3 Chiellini, 4
Felipe Melo, 5 Sissoko, 8 Marchisio, 9 Iaquinta, 10 Del Piero,
11 Amauri, 13 Manninger, 17 Traoré, 19 Bonucci, 20 Lanzafame, 21
Grygera, 23 Pepe, 25 Martinez, 26 Rinaudo, 27 Krasic, 29 De
Ceglie, 30 Storari, 31 Costantino, 33 Legrottaglie, 35 Buchel,
39 Camilleri, 40 Spinazzola, 41 Giannetti.
34 Ferrero,
36 Giandonato, 37 Boniperti, 38 Libertazzi, 42 De Silvestro
Ac Milan oo shaacisay liiska
xidigaha Yurub ugu qeyb galaya.
Naadiga Ac
Milan ayaa waxay shaacisay liiska xidigaha ugu qeyb galaya
koobka horyaalada yurub iyadaoo Pato lagu daray liiska Juunyarka
Kooxda
Rossoneri ayaa suuqa kala soo wareegtay xidigo dhaxal gal ah
saacadihii ugu dambeyay iyadoo weeraryahano ay gacanta kusoo
dhigtay.
Xidigaha ay
lasoo waregtay ayaa kala ah Zlatan Ibrahimovic, Robinho,halka
Ronaldinho Pippo Inzaghi, ay kamid yihiin kuwo kale oo iyana
la aamini karo waxana ku jira weerarka Ac Milan Pato oo kasoo
muuqday qeybta B.
Hadaba waa kuwan magacyada xidigaha
ugu qeyb galaya koobka
Goolhaye:
Abbiati, Amelia, Roma.
Daafac:
Nesta, Papastathopoulos, Oddo, Jankulovski, Zambrotta, Bonera,
Thiago Silva, Yepes, Antonini.
Dhexda:
Gattuso, Seedorf, Flamini, Abate, Pirlo, Ambrosini, Boateng.
Weerar:
Inzaghi, Ibrahimovic, Robinho, Ronaldinho.
Pato,
Strasser
Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
00252615140242
deeyoo_edit@hotmail.com
|