Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Man.United lacagta ay kasoo bixisay Bebe ma qalad mise wuu u qalmaa

Bebe

02.09.2010, deeyoo.com.

Naadiga Manchester utd ayaa waxay soo iibsatay xidig werarka ka ciyaara oo u dhashay dalka Portugal kaasi oo lagu magacaabo Bebe waxayna kusoo iibsatay lacago dhan 7.4 milyan oo gini iyadoo xidigaan bishii Janaayo ee sanadkan lagu doonayay oo waliba lagu waayay wax ka yar 150 Euro ama 125 kun oo gini halka ay 7 bilood kadib ay kusoo iibsatay kooxda Manchester utd lacago dhan 7.4 milyan waxaana taas u sii dheer in tababare Sir Alex Fergusen uu xidigaan ku qamaaray oo uusan waligiis daawanin ciyaar uu ciyaarayo.

Tababaraha kooxda Man utd ayaa ka yaabiyay  saddex todobaad ka hor dhamaan dadka xiiseeya kubadda cagta kadib markii uu lasoo wareegay ciyaaryahan uusan waligiisa ka daawanin TV-ga oo uusan ogayn waxa uu galo.

Bebe waligiis kama ciyaarin heer ka sareeya heerka 3-aad ee horyaalka Portugal waxaana uu u ciyaarayay naadiga Estrela da Amadora oo ah koox ciyaarha heerka 3-aad ee horyaalka Portaqiiska  waxayna ku doonaysay xidigaan lacago dhan 150 Euro oo kaash ah ama wax ka yar iyadoo si weyn ugu baahi qabtay inay hesho lacagahaas oo ay ku xaliso dhibaato dhaqaalo oo naadigaas haysatay.

Inkastoo Manchester utd ay ka jaabisay caalamka kubadda cagta ayaa hadana waxay tahay mid si ha I wareerinin ah ama kis kis u bixinayso lacagaha 7.4 milyan ay kusoo iibsatay xidigaan ayaa hadana waa mid ay si weyn ugu faa’iiday kooxda reer Portugal ee Estrela da Amadora.

Jorge Paxaio waa tababarihii hore ee naadiga Estrela da Amadora wuxuu u sheegay jariiradda daily mail in sanadkii lasoo dhaafay aysan wax lacag ah haysanin gabi ahaan waxaynu isku daynay inaan iibino Bebe oo aan ka iibino naadiyo kale mana arkin lacag qiimo leh koox inoo soo bandhigtay waxana u sheegnay qofkasto oo ku sugnaa dalka Ingiriska iyo Yurub waxaana ku wargalinay 150 Euro inaan ku iibinayno iska daa qiimo naloo gaaray xitaa cid xiiseynayso ma aanan arkin mana jirin qof aamini karay Bebe maxaa yeelay isaga maba ciyaarin heer sare oo kubadda cagta ah marka laga reebo heerka 3-aad oo kooxdas ay ka ciyaarto.

“waa la yaabay waxa ay Manchester utd ay samaysay waxana aaminsana kaliya inuu u ciyaari doonno koox weyn oo ka dhisan dalka Portugal ama koox heerka dhexe ee yurub ka ciyaarta mana filaynin in ay Manchester utd ay iibsan doonto kuna qaadan doonto lacagaha 7.4 Milyan oo gini ayuu yiri Jorge Paxaio oo ahaa tababarihii hore ee xidiga Bebe oo ku tababari jiray kooxda Estrela da Amadora.

Bebe wuxuu kusoo bar baaray goob lagu xanaaneeyo dadka aan hoyga lahayn oo ku taalo banaanka magaalada Lisbon ee dalka Portugal ilaa uu ka dhamaado qandaraaskii uu kula jiray kooxda Estrela da Amadora kadibna uu ku biiray kooxda Guimaraes oo si xor ah ugu biiray.

Xidigaan Bebe wuxuu helli irayoo uu qaadan jiray 12 kun oo gini wuxuuna ka qaadanayay lacagahaas kooxda Estrela da Amadora waxaana haatan uu mushaar ahaan todobadkii u qaataa 12 kun oo gini oo ah lacagihii sanad uu u qaadan jiray mushaar waxayna Manchester utd ay siisaa todobaadkii 12 kun.

Wakiilkii hore ee xidigaan Bebe ninka lagu macaabo Goncalo Reis ayaa sheegay in Bebe ay Manchester utd ay ku iibsan kartay lacago raqiis ah xiligii lasoo dhaafay maxaa yeelay waxaan kansalnay hishiiska aan kula jirnay kooxda Estrela da Amadora kadibna si xor ah ayuu ugu biiray koox kale.

“wakiilo ka socda Man Utd ayaa ila soo xiriiray xiligii tagay mana ahayn taas arrin sir ah laakin waxaa rumaysanahay in wakiilka unitedka uu arkay ciyaaro cayiman xidigaan isla markaana uu aaminay Bebe,waxana u sheegaya Bebe waa xidig weyn ayuu yiri Goncalo Reis oo ahaa wakiilkii hore ee xidigaan Bebe.

Ciyaaryahan Bebe ayaa dib ugu laabtay dalka Portugal todobaadkan isagoo kamid ah xulka qaranka juunyarka 21 jirada markiisa ugu horeysay waxayna la ciyaarayan xulka Ingiriska.

Kulamada horyaalka Ingiriska ayaa kooxda Manchester utd 2,200 oo Tikidho ah aanan laga gadanin iyadoo taageerayaasha ay ka niyad jabeen qaarkood in xidig aanan la aqoonin loo soo iibiyo koox weyn sida Man Utd oo kale.

Bebe iyo Nani ayaa ayaa ka duulay dalka Ingiriska una duulay Lisbon waxaana Nani markii uu tagay Lisbon uu ku biiray xulka qaranka Portugal oo ku xaraysnaa meel u dhow Porto.

Bebe ayaa markii uu tagay Lisbon wuxuu qaatay gaari Taxi isagoo la aaday meel banaanka ka ah magaalada Lisbon wuxuuna tagay xaafad yar oo lagu magacaabo Santo Antao do Tojal wuxuna halkaas jiiftay habeen waxaana ku taala  xero ay ku nool yihiin dadka aan guryaha lahayn wuxuuna moogyahay halkas Santo Antao do Tojal oo uu kasoo tagay labo bil ka hor isagoo ilaa waayihiisa caruurnimada uu ku noolaa halkaas.

“Bebe waa nin da’da 20-aad madaxa lasii galaya wuxuu doonay inuu la jiifto qaar kamid ah saaxiibadiisa oo ay kusoo wada noolaayeen xerada ciyaal iskoriska lagu xareeyo ee lagu magacaabo Casa do Gaiato oo ku taala xaafada Santo Antao do Tojal.

“halkan waa xerada Casa do Gaiato ayuu yimid waa uu nala cunteeyay  aniga xaaskayga,iyo caruurtayda ayuu yiri agaasimaha xarunta xanaaneenta caruurta aan guryaha lahayn Jose Joao oo la hadlayay jariiradda Daily Mail si wanaagsan ayuu ii gacan qaaday iyo qof kasto oo xerada ku jira wuuna u mahad celiyay ayuu intaa raaciyay.

Bebe wuu inala sii joogay habeenkii iyo subixii xigay kadibna waxaa yimid nin ka tirsan xiriirka kubadda cagta Portugal wuuna kaxeeyay wuxuna nagu yiri nabad galyo.

Bebe ayaa ku noolaa xarunta Casa do Gaiato muddo 8 sanno ah wuxuuna sheegay in uu aad ugu xiisay xerada ciyaalka is koriska  lagu dhaqan celiyo oo aan hoyga lahayn.

Xeradan Casa do Gaiato waa xero ay leedahay isla markaana ay maal galiso kaniisad Catholic ah waxayna dhisan tahay xaruntaan muddo 62 sanno ah,waxayna 20 km u jirtaa magaalada Lisbon waxaana haatan ku nool ilaa 80 wiilal da’yar ah oo da’dooda ay u dhaxayso 4 jir ilaa 25 jir.

Xeradan  Casa do Gaiato waa halka uu ku bartay Bebe sida wax loo qoro loona aqriyo waxaa ku taala garoon yar oo bacaad ah wasaqna ah oo boor bodan waana halkii uu ku bartay Bebe kubadda cagta.

“xaruntaan waxaa ka wax bartay Macalimiin,Garyaqaano iyo kuwo ganacsato aha ayuu yiri Mr Joao oo ah agaasimaha xaruntaas xitaa waxaa kasoo wax bartay halkan aktaro laakin Bebe oo kale ma aanan arag wuxu kasoo tilaabay heerka 3-aad ee horyaalka Bortugal wuxuna u booday heerka 1-aad ee horyaalka Ingiriska waana mid muddo lagu sheekeysan doonno.

Bebe aabihiisa waxaa lagu magacaabaa Francisco hooyadiisana waxaa lagu magacaabaa Deolinda  waa ay kala tageen isagoo aad u da’yar  wuxuuna  kusoo bar baaray sanado kooban ah guriga ayaydisa Tiago— Manuel Dias Correia oo ku yiilay xaafadaha isku raranka ee magaalada Lisbon isagoo marki dambe isaga tagay da’diisa markay ahayd 12 sanno kuna soo biiray xaruntan.

Sanadkii lasoo dhaafay waxaa uu la gaaray hishiis kooxda Guimaraes waxayna u sheegtay inuusan aadi Karin xaruntaas isla markaana uu jiifto xarunta naadigiisa.

Laakin waa uu diiday Bebe inuu u hogaansamo amarka kasoo baxay naadiga uu hishiiska la gaaray amarkas oo ahaa inuusan aadi Karin xerada ciyaarka aan hoyga lahayn lagu koriyo ee uu kusoo bar baaray wuxuuna u sheegay in xeradaas ay tahay qeyb kamid ah noloshiisa BEEBE WUU OOYAY WUXUUNA YIRI WAXAAD ISKU DAYAYSAN INAAD IGA TAKHALUUSTAN  laakin madaxda kooxda Guimaraes ayaa u ogolaaday in waqti uu aado xarunta uu kusoo bar baaray.

Sidoo kale waxay isla ogolaaden Bebe iyo naadiga Guimaraes in xidigaan fursado loo siiyo marka lagu jiro xilliyada fasaxa ah isla markana uu aadi karo oo seexan karo xarunta uu kusoo korey marka uu fasaxa leeyahay waxayna isku jiraan halka ay ka dhisan tahay kooxda Guimaraes iyo xerada halka ay ku taalo 200 Km.

Agaasimaha xarunta dhaqan celinta caruurta Joao ayaa sheegay in uu ku lahaa xarunta sariir gooni ah iyo qol gooni ah isla markaana qof kale lagu wareejiyay haatan waana ay adag tahay in uu kasoo safro magaalada Manchester laakin waxaa filayaa in ayaydiisa ay halkaas u safri doonto taana waan rajaynaynaa.

“waxaan maqalnay iyadoo sir Alex Fergusen uu leeyahay Bebe waa hogaamiye taana waa waxa uu u baahan yahay Bebe,xidigaana waa mid dheer oo xoogan laakin waa caruur wali wuxuuna u baahan yahay in la jeclaado ayuu yiri Joao.

Bebe wuxuu aad u jecel yahay ayaydiisa wuxuna ugu yeeraa ‘senhorinha’oo la micno ah gabadha yar wuxuuna ku qortay ganactiisa,hooyadiisa waxay ku nooshahay waqooyga dalka Portugal walina ma aysan arkin wiilkeeda oo ciyaaraya aabihisana lama oga meel uu jiro kaliya markii uu yaraa oo hooyadiisa ay kala tagayeen ayaa cidi ugu war dambeysay.

Bebe wuxuu ku biiray afar sanno ka hor kooxda Estrela da Amadora oo ka dhisan bartamaha magaalada Lisbon waxayna ku iibsatay 16 kun oo Euro.

Wuxuu yimid xerada uu kusoo bar baaray isagoo 12 jir ah oo darxumo ay ka muuqato wuxuna ka tagay isagoo xidiga Manchester Utd ah.

Wakiilkii hore Bebe ninka lagu magacaabo Goncalo Reis, waa ninkii sida gaarka ah ugu soo dadaalay waayihiisa kubadda cagta wuxuuna u soo iibin jiray,Kabo,iskalsho ama Sag-saan iyo dharka uu ku ciyaari jiray,xidigaha ku kooxda ahaa qaarkood waxay lahaayeen xaasas halka kuwo kalena lahaa caruur

“waxaa filayaa markii uu ku biiray garoonka Old Trafford inuu aad u farxay ayuu yiri wakiilkiisa hore Goncalo Reis,.

Todobaadkii lasoo dhaafay tababaraha Manchester utd Fergusen ayaa sheegay in xidigaan uu u baahan yahay tababar iyo orod badan.

Kadib hadalkii kasoo baxay Fergusen ayaa waxaa ka hadlay tababarihi hore Bebe ninka lagu magacaabo Paxaio, wuxuu haatan tababare u yahay koox yar oo ka dhisan magaalada Lisbon oo lagu magacaabo Mafra wuxuna sheegay in ay halkaan ku baxnaani doonaan xidigaan oo uu ku siin doonno tababar wanaagsan iyo orod.

Bebe ayaa cunay labo jeer cunno sumaysan sida uu sheegay tababarihiisa hore  Paxaio waana kontorooli jiray markasto  wuxuu inoo ahaa anaga xiligaas Dhaymankeena ama Dahabkeena mana heysanin qof kale oo isaga la mid ah.

Urbane Goncalo Reis wakiilkii hore ee Bebe ayaa waxaa lagu waraystay isagoo hor fadhiya Hotelka Lisbon Marriott Hotel wuxuna cabayay Pepsi qaboow ah iyo walxo kale wuxuna sheegay in uu si wanaagsan u garanayo Bebe waana ninkii ka bixin jiray lacaga tirisboorka ama gaari raaca maxaa yeelay kooxda uu u ciyaarayay iyo halka xerada ay ku taalo waa labo meel oo kala fog mana haysanin dhaqaalo kuu ku dabooli karo bas raaciisa.

Ninkan Urbane Goncalo Reis oo wakiil u ahaan jiray Bebe ayaa ka bixiyay qarashaadki ku baxay xafladii sanad guuradiisa 18-aad markii loo magacaabay xidiga xulka Portugal ee 20 jirada ka hooseeya ayuu u iibiyay walxo badan oo u baahan yahay xitaa ma haysanin shandad uu ku qaato dharkiisa mararka qaarna wuxuu ku kaxeyn  jiray gaarigiisa qaaska ah maxaa yeelay halka uu dagan yahay iyo halka uu tababarka ku sameynayo waxaa loo soconayaa 2 saacadod oo bas ah.

 

 

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com