|
Koobka Aduunka iyo waqtiyadii farxada
qaarada Afrika, 2010 ma hal, 2 ama 3 talaabo ayaan hore u
qaadnaa ??

04.03.2010, deeyoo.com.
Bartamaha sanadkan waxaa markii ugu horeysay
taariikhda koobka aduunka lagu qabanayaa qaarada Afrika iyadoo
markii ugu horeysay ay 6 wadan noo matali doonaan tartanka ugu
caansan aduunka.
Inkastoo rajada laga qabo in koobka aduunka
uusan sanadkan dhaafin Afrika aysan sidaa u badneyn hadana marka
dib loogu noqdo taariikhda koobka aduunka ee dalalka Afrika
waxaa kuu muuqanaya rajo iyadoo dhamaan koobabkii aduunka ee
hore loo soo qabtay ay ku guuleysteen dal ka m id ah qaaradaas
marka laga reebo Brazil oo labo ka mid ah 5 koob aduun ku qaaday
qaaradaha Yurub iyo Asia.
Markii ugu horeysay ee koobka aduunka lagu qabto
Asia waxey markii ugu horeysey yimaadeen semifinaalka marka waa
wax aad u suuragal ah in Afrika ay ugu yaraan hal talaabo ama
labo, sadax talaabo hore usii qaadaa taasoo ka dhigan iney soo
gaaraan semifinaal, finaal amaba ay qaadaan koobka maadaama
darajada ugu sareysa ay hada tahay querter finaale inkastoo
aysan aheyn wax sahlan hadana waxaa hubaal ah in Afrika ugu
yaraan hal talaabo hore u qaadi karto.
Hadaan dib u milicsano koobka aduunka iyo
daqiiqadihii farxada qaarada Afrika waxaan ku bilaabeynaa
cayaaryahan Fowzi oo goolkii ugu horeeyey Afrika dhaliyey 27kii
Maajo 1934kii markii qaranka Hungary ay 4-2 ugu awood sheegteen
xulkii noo matalayey koobka aduunka ee Masar.
11kii Juun 1970kii qaarada Afrika waxey heshay
dhibicdii ugu horeysey ee koonbka aduunka markii ay Marooco
bareejo min hal gool ah la gashay dalka Bulgaria kulankii ugu
dameeyey ee wareega 1aad iyadoo labadii kulan ee kale 2-1 iyo
3-0 uga kala badiyeen dalalka Jarmalkii Galbeed iyo Peru.
Labadii Juunyo 1978kii ayey qaarada Afrika
heshay guushii ugu horeysay koobka aduunka markii qaranka
Tunisia ay 3-1 ku garaaceen xulka Mexico. Tunisia oo sanadkaas
wacdaro ka dhigtay koobka aduunka waxey bareejo goolal la`aan ah
ku celiyeen qaranka Jarmalkii Galbeed inkastoo kulankii ugu
dambeeyey laga adkaaday si dirqi ahna uga hareen querter
finaaliha koobka aduunka.
16kii Juun 1982kii waxey aheyd habeen ku weyn
kubada cagta Afrika markii dalka Algeria 2-1 uga adkaaday xulka
Jarmalkii Galbeed, kulankii 2aad waxaa 2-0 uga badisay Austria
iyagoo kulankii 3aadna 3-2 uga adkaadey qaranka Chile sidaasna
ku urursadey 4 dhibcood laakiin shirqool ay sameeyeen xulalkii
Jarmalka iyo Austria ayaa usuura gelin weysey in Algeria soo
gaarto querter finaalka markii fadeexadii ugu weyneyd koobka
aduunka ay dhacday maadaama ay labadan xul ee reer Yurub ku
heshiiyeen iney cayaaraan natiijo labadoodaba ay kusoo bixi
karaan sidaasna Algeria uga hartay maadaama min 4 dhibcood wada
yeesheen goolal tirsina lagu reebay.
Waxaan sanadkaas 1982kii la ilaawi karin in
xulkii Cameroon ay sidoo kale goolal tirsi uga hareen querter
finaalihii markii ay bareejo wada galeen kulamadii ay la
cayaareen xulalka Talyaaniga, Poland iyo Peru. sanadkaas waxaa
la dhihi karaa guul maadaama 6 ka mid ah kulamadii ay Afrika
cayaartay laga badiyey mid keliya.
17kii Juun 1986kii ayey aheyd markii ugu
horeysey ee qaarada Afrika cayaarto kulan ka tirsan wareega
labaad ee koobka aduunka markii xulka Jarmalkii Galbeed 1-0 uga
adkaaday qarankii Marooco oo markii ay kasoo gudbayeen wareega
1aad bareejo goolal la`aan ah la galay qaramada Ingiriiska iyo
Poland isla markaana ay 3-1 ku dhufteen qarankii Bortoqiiska
sidaasna 1aad kaga soo baxay guruubka F oo ahaa mid aad u adag.
8dii Juunyo 1990 waxaa bilowday sanadkii
dahabiga qaarada Afrika markii ay xulka Cameroon 1-0 ku dhufteen
Maradona iyo xulkiisa Argentina oo heystay koobkii loo
tartamayey, kulankii 2aad Cameroon waxey 2-1 ugu awood sheegteen
qaranka Romania taasoo ugu filnaatey usoo bixitaanka wareega
2aad laakiin Afrika markan waxey hal talaabo hore usii qaaday
horumarkeeda koobka aduunka markii Cameroon wareegii 2aad 2-1 ku
garaaceen xulka Colombia sidaasna ku noqdeen dalkii ugu horeeyey
Afrika ee soo gaara querter finaalaha koobka aduunka waxaase is
hortaagay dalka Ingiriiska iney u gudbaan semifinaalaha koobka
aduunka markii ay 3-2 waqtigii dheeraadka ah nooga badiyeen.
Waxaa aad loogu xusuustaa 1990kii xidigii weynaa
ee Cameroon Roger Milla oo wacdaro ka dhigay tartankaas soona
jiitay indhaha bahweynta isboortiga korna u qaaday sumcada
kubada cagta Afrika.
Sanadihii 94kii iyo 98kii ma jirin horumar weyn
ay Afrika ka gaartay koobka aduunka waxaase xusid mudan in
Nigeria oo markii ugu horeysay ka qeyb gashay usoo gudubtay
wareega labaad markii ay kasoo kala badisay dalalka Bulgaria iyo
Giriiga iyadoo kulan xusuus weyn reebay la dheeshay dalka
Talyaaniga oo daqiiqadihii ugu dambeeyey 2 gool dhaliyey ugu
dambeyntiina 2-1 uga badiyey Nigeria.
31kii May 2002 ayaa ah maalin kale oo ku weyn
kubada cagta Afrika markii xulka Senegal oo markii ugu
horeysey ka qeyb galay koobka aduunka raacday wadadii Cameroon
markii ay 1-0 ku dhufteen qarankii heystay koobka aduun ka ee
Faransiiska iyagoo ugu dambeyntiina soo gaaray querter finaalka
markii ay wareega 2aad 2-1 kusoo mareen qaranka Swedan. Waxey
aheyd markii ay ugu dhoweyd in dal Afrikaan ah lagu arko
semifinaalaha koobka aduunka hase yeeshee golden goal laga
dhaliyey qeybtii hore ee waqtigii dheeraadka ayaa sababay iney
ku hakadaan halkii Cameroon, Ilhan Mansiz ayaa qarankiisa
Turkiga u dhaliyey goolkla lagaga adkaadey Senegal markii 90kii
daqiiqo ee cayaarta goolal la`aan ku dhamaatay.
Koobkii aduunka 2006 Afrika uma aheyn sanad
farxadeed 5tii dal ee ugu qeyb gashayna waxaa wareega 2aad usoo
baxay dalka Ghana oo keliya iyadoo Tunisia iyo dalalka ku cusbaa
masraxa koobka aduunka ee Togo, Angola iyo Ivory Coast ku
fashilmeen kuna hareen wareega 1aad.
Ghana oo guruub adag kasoo baxday waxey kasoo
badiyeen Jamhuriyada Czech iyo Mareykanka waxeyna kusoo
xigsadeen Talyaaniga oo guroobkooda 1aad uga soo baxay. Ghana
waxaa is hortaagtaya Brazil oo wareegii labaad 3-0 ku garaacday.
2010 waxaa Afrika ugu qeyb gelaayo 6 dal oo kala
ah Ghana, Algeria, Nigeria, Cameroon, Ivory Coast iyo dalka
marti gelinaayo ee Koofur Africa, inkastoo ay guruubo adag ku
aadeen dalalka Afrika hadana waxaan rajeyneynaa iney kaashan
doonaan ciidooda iyo dadkooda hal talaabana hore ugu sii qaadaan
guushii Kuuriyada Koofureed kasoo hoysey koobkii aduun ka 2002
markii ay marti geliyeen.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com
|