Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

Manchester Utd, Arsenal, Lyon iyo Bayern Munich oo soo gaaray wareega danbe ee Champions League.

11.03.2010, deeyoo.com.

NB: Goolasha iyo goos gooskii ciyaarahan dhamaan ka fiirso qeybta hoose ee boggan.

Ciyaaro aad u xiisa badan oo labadii habeen ee lasoo dhaafay ka dhacay garoomada Yurub ayey kasoo bexeen natiijo u cuntami weysay labada kooxood ee ugu koobabka badan qaaradda Yurub oo kala ah Real Madrid iyo Ac Milan.

Real Madrid oo qarash gareysay lacag aan horey kooxi u isticmaalin kadib soo iibsashadii Ronaldo, Kaka iyo Benzema, waxa tabartoodii kabadan weysay in ay ku haraan wareega 2aad ee Champions League markii ay dhaafi waayeen Lyon oo ka socotay dalka faransiiska.

Kulankii hore oo ay Lyon kusoo badisay 1 gool iyo waxba ayey kulankii labaad ku qasabtay Real Madrid barbardhac min hal gool ah sidaasna u sagootisay kooxda mudooyinkii u danbeeyayba ku wanaagsaneyd kaliya isticmaalka lacagaha, laakiin dhanka garoomada ku liidatay.

Weyne Rooney ayaa bahweynta caalamka u diray fariin ah cidda sanadkan kula tartami doonta laacibka aduunka. Xiddigan ayaa kooxda Milan shabaqooda taabsiiyay 4 gool laba kulan oo uu la ciyaaray sidaasna kooxdiisa Manchester ku sagootisay laacibiin u eg in waqtigoodii ciyaareed sii dhamaanayo sida Beckham, Ronaldinho, Pirlo, Seadorf iyo Inzaghi.

Kulankii hore ee labadan kooxood ayaa ku dhamaaday 3 gool iyo 2 oo ay Manchester kusoo badisay, halka kii labaad ay guuldarada Milan intaa kasii badatay oo waxaa looga adkaaday 4 gool iyo 0.

Arsenal oo boorka iska jaftay kadib guuldaradii kulankii hore ee Porto kaas oo looga soo adkaaday 2 gool iyo 1, ayaa ciyaartii labaad ee ka dhacday garoonkooda Imaretes  goolal gaaraya 5 ku hubsadeen goolka Porto sidaasna ugu soo baxay mar kale wareega 8 ee kooxaha Yurub.

Ugu danbeyn Bayern Munich ayaa sidoo kale usoo talaabtay wareega danbe kadib markii ay si dirqi ah uga soo baxsadeen kooxda reer talyaani ee Fiorentina, labadan kooxood ayaa marka la isku daro goolasha ay mid waliba tan kale ka dhalisay noqotay min 4 gool, laakiin Bayern ayaa kusoo baxday laba gool ay dhalisay kulankii labaad oo looga adkaaday 3 iyo 2, halka kulankii hore ay kusoo adkaatay 2 gool iyo 1.

Afartan koox ee soo baxday ka sokow waxaa la sugayaa in ay kusoo biiraan 4 kooxood oo kale kuwaas oo ka qeybgalaya kulamo la  ciyaari doona isbuuca soo socda haddii alle idmo.

Goolasha iyo goos gooskii ciyaarahan dhamaan ka fiirso halkan hoose.

Manchester United vs Ac Milan


Real Madrid vs Lyon


Arsenal vs Porto


Fiorentina vs Bayern Munich


 


 

Diyaariye.

Mohamed A O (Deeq)

deeyoo_admin@hotmail.com


 


 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com