Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

Horyaalka wadanka Chile oo dib loo dhigay iyo qubanayaal kale oo ka hadlaya Koofur Ameerika.

02.2010, deeyoo.com.

Horyaalka wadanka Chile oo dib loo dhigay iyo qubanayaal kale oo ka hadlaya Koofur Ameerika.
 
Chile.

Horyaalka wadanka Chile ee loo yaqaan Chile's Apertura championship ayaa dib loo dhigay kulamadii laga ciyaari lahaa todobaadkaan kadib dhul gariir xoogan oo ka dhacay Sabtidii dalkaas oo ay ku dhafwaayeen boqolaal qofood.
 
dalkaan ayaa waxaa ku dhuftay dhul gariir xoogan oo cabirkiisu yahay 8.8 waana mid xoogan oo hakiyay dhamaan dhaq dhaqaaqyadii dalkaaas.
xiriirka dalka Chile ayaa waxaa uu go'aan ku gaaray in uu joojiyo dhamaan cayaaraha gudaha iyo kuwo saaxiibtinimo ee uu la kala ciyaari lahaa dalalka Coast Rica iyo Koofur Korea kadib wadanka Chile oo soo wajahday masiibo rabaani ah.
 
Madaxweynaha dalka Chile Haweeneyda lagu magacaabo Michelle Bachelet ayaa waxay ku baqday in dalka uu galay masiibo qaran waxaana dalka oo dhan ruxay dhul gariir xoogan.
dalka Chile ayaa lagu waday in ay la cayaaraan dalalka Coasta Rica iyo K/Korea Tababaraha wadanka Chile Marcelo Bielsa ayaa isku diyaarinayay in uu ku tijaabiyo kulamadaan qaar kamid ah xidigihiisa.
 
goobta uu ka dhacay dhulgariirka ayaa waxaa ay dhanka koofur galbeed kaga beegan tahay caasimadda dalkaas Santiago 325 Km waxaana la qiyaasayaa in ay ku guryo beeleen masiibadaan rabaaniga ah dad kor u dhaafaya hal milyan oo qof.
 
URUGUAY.

Labo Tababare ayaa waxay Lumiyeen shaqooyinkooda gudaha dalka Uruguay waxaana kamid ah xidigii hore ee xulka wadanka Uruguay Mario Saralegui ayaa waxaa iska ceyrisay kooxda Central Espanol halka kooxda Danubio' ay shaqadii ka eriday Tababarahooda Jorge Giordano waxaana ay ka dhigantahay in sanadkaan 2010 horyaalka dalka Uruguay laga buriyay afar Tababarayaal ah.
Tababare Saralegui ayaa kooxda qabtay Bishii December 2009 waxaana kooxda ay ka bixi waysay natiijo xumo iyadoo lix kulan keentay shan dhibcood.
Kooxda Danub ayaa waxay ka dambeysa 11 dhibcood naadiga hogaaminaya ee Penarol inkastoo ay natiijo xumo kala kulmayso naadiga ayaa hadana waxaa u cayaara Alvaro Recoba oo mudo u ciyaari jiray Inter.


ECUADOR.

Kooxda ah horyaalka dalkaan ee Deportivo Quito ayaa markii saddexaad laga badiyay afartii ciyaarood ee ay cayaartay naadigan waxaana kamid ah kulankii ugu dambeeyay oo 3-0 loog adkaaday.
 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242

 

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com