Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

Barcelona iyo Messi oo noqday kuwa ugu hadalhaynta badan saxaafada iyo qubanayaal goos goos ah.

28.02.2010, deeyoo.com.

Xidiga ugu wanaagsan sanadkaan ee Lionel Messi oyo kooxda uu u cayaaro ee Barcelona ayaa waxay noqdeen kuwo ugu hadal heynta badan saxaafada Kubadda cagta waxaana ay ka saro mareen kooxda Real Madrid oo mudo badan kaalinta 1-aad ku jirtay.
Cilmi baaris ay sameysay jaamacadda cilmi baarista dhaqaalaha iyo ciyaaraha ee University of Navarra ayaa waxay sheegeysaa in saxaafadda ay si weyn u hadal heysay xidiga Messi iyo naadigiisa Barcelona waxana uu hellay codad dhan 21.6.
Qiimeyntaan ayaa waxaa kaalinta labaad kasoo galay xidiga ugu qaalisan caalamka ee C.Ronaldo oo u cayaara Real Madrid una dhashay dalka Portugal waxaaa uu hellay 19.6 cod.
Qiimeyntaan ayaa kaalinta saddexaad xidiga u dhashay wadanka Ingiriiska ee u cayaara kooxda Manchester utd waxaa uu hellay 13.6 cod.
 
Kooxda ah horyaalka Yurub iyo adduunka ee Barcelona ayaa waxay kaalinta 1-aad ka gashay qiimeeyntaan waxaana ay heshay codad dhan 96.6 cod waxaana ay ku mutaysatay lixda koob ee xiligaan ku guulaysatay.
 
Kaalinta 2-aad ayaa waxaa galay kooxda ay isku dalka Yihiin ee Real Madrid waxaana ay heshay 83 cod waxaana ay ku jirtay kalinta 5-aad xiligii lasoo dhaafay.
Kooxda Manchester Utd ayaa waxay qiimeyntaan kasoo gashay kaalinta 3-aad waxaaa ay heshay codad dhan 65.4 cod.
 
Naadiga Chelsea ayaa waxay gashay kaalinta 4-aad waxaana ay heshay 59.7 cod
Ac Milan waxay gashay kaalinta 5-aad waxaana ay heshay codad dhan 56.2 cod.
Liverpool oo ah kooxda ugu guulaha badan dalka Ingiriiska ayaa waxay gashay kaalinta 6-aad iyadoo heshay codad dhan 49.1 cod.
 
Francesc Pujol oo ah qabiiir dhanka dhaqaalaha kana mid ahaa cilmi baaristaan ayaa sheegay in qiimeeyntaan ay muujinayso in kooxda Barcelona ay ka daqli badnaanayso kooxaha kale.
 
Real Madrid oo suuqa ku bixisay lacago dhan 250 milyan ayaa waxaa ay soo iibsatay xidigo ay kamid yihiin 94 million euros oo Ronaldo ay ku soo iibsatay , 67 million oo ay ku soo iibsatay xidiga reer Brazil Kaka iyo 35 million oo midkiiba ku soo iibisay xidigahaan kala ah Karim Benzema iyo Xabi Alonso.
 
Qiimeeyntaan ayaa shegaysa sidoo kale in kooxda Machester utd iibintii ay iibisay Ronaldo ay ku lumisay taageerayaal badan iyadoo 21 dal 13 kamid ah ay weysay taageerayashii ay ku lahayd.
 
Juventus oo Amauri iibinayso
kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in ay iibinayso xidigeeda weerarka kaga cayaara ee Amauri.
 
xidigaan ayaa waxaa uu ku fashilmay kooxda reer Talyaani ee Juventus isagoo xidigaan maqnaanshiihisa ay kooxda Juve la dhici waysay mar uu ku maqan yahay calaamado iyo mar uu ku maqan yahay dhaawac ayuu inta badan ku qaatay xiliga.
 
Amauri ayaa haatan garoomada kaga maqan dhaawac soo gaaray isagoo la sheegay in uu maqnaanayo saddex ama Afar isbuuc.
 
Tababaraha cusub ee kooxda Juventus ayaa haatan suuqa ka dalbanaya xidigo cusub oo badala xidigaan reer Braziil Amauri.
 
Kooxda Barcelona oo hishiis la gaartay 'Korean Messi' ama Messiyaha Korea.
 
Naadiga weyn ee wadanka Spain Barcelona ayaa waxaa ay gacanta ku dhigtay xidig yar oo 13 jir ah.
 
xidigaan ayaa Barcelona waxay kaga adkaatay gacan ku dhigistiisa kooxo badan oo Real Madrid ay ku jirto waxaaa xidigan uu u dhashay wadanka K/Korea.
 
xidigaan ayaa lagu Tilmaamay 'Korean Messi' ama Messiyaha Korea.
 
warbixintaan oo ay qortay jariiradda Sport ayaa sheegeysa in xidigaan ay hishiis Barcelona la gaartay waxaana lagu magacaabaa Sheng Ho Park.
 
xidigaan ayaa waxaa looga yaqaanaa gudaha dalka Koofurta Korea Messiya Koofurta Korea waxaana uu yahay mid durbo soo jiitay indhaha caalamka.
 
Shirkadda farsameyso qalabka cayaaraha ee Nike ayaa waxay hishiis xayaysiin ah la gashay xidigaan oo ay u aragto mid mustaqbal ku leh caalamka kubadda cagta.
 
Sheng Ho Park.ayaa soo bandhigay cayaaro wanaagsan waxaana uu soo jiitay wakiilo badan isagoo Tababar la qaatay kooxda Ciutat Esportiva Todobaadyadii lasoo dhaafay.
 
xidigaan waa mid ka cayaara weerarka iyadoo haatan xidigaan ay gacanta kusoo dhigtay kooxda Barcelona oo taageero ku leh iyada iyo xidigeeda Messi dalka K/Korea.
 
Sheng Ho wuxuu ku biiri doonaa kooxda Juunyarka Barcelona marka xili uu dhamaado.
 
 
kooxda Juventus oo Ribery Doonayso.
 
naadiga weyn ee wadanka Talyaaniga Juventus ayaa waxay u hanqal taageeysaa xidiga u dhashay wadanka Fransiiska ee Frnk Ribery.
 
xidigaan oo kooxo badan ay doonayaan ayaa lagu soo waramayaa in Juventus ay loolanka dib ugu soo biirtay iyadoo Tababaraha cusub ee kooxda Juventus uu ku wargaliyay madaxda Juventus in ay lasoo wareegaan xidigaan.
 
Ribery waa xidig Muslim ah u dhashay dalka Faransiiska waxaana doonaya kooxo badan oo ay kamid yihiin Real Madrid,Barcelona,Chelsea,Manchester City,Inter iyo kooxo kale kuwaas oo mid kasta iska diiwaan galiyay saxiixa xidigaan.
 
kooxda ugu culus ama suura galka ah in uu ku biiro xidigaan ayaa ah Real Madrid waxaana ay kooxdaas ku sigatay in ay gacanta kusoo dhigto bilawgii xiligaan.
 
inkastoo ay jiraan dalabyadaan ayaa hadan war kasoo baxay qaar kamid ah madaxda sar sare ee kooxda Bayern Munich oo xidigaan leh milkiyadiisa ayaa sheegay in ay rajo ka qabaan in ay ka saxiixaan hishiis cusub oo kooxda uu ku sii sugnaado.
 
 

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242

 

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com