"waa
inaad
joojisaan
in aad
ku
jiidaan
dhiiqada
magaca
kooxda
Chelsea
ayuu
yiri
Roman oo
si weyn
ugu
carooday
cinwaanada
hore ee
warbaahinta
oo lagu
soo
daabaco
dhaqan
xumada
ay ku
kacaan
cayaaryahanadiisa.
Bilyineerkaan
u
dhashay
Ruushka
Roman
ayaa
waxaa uu
sheegay
in
dulqaadkii
uu ka
dhamaaday
isla
markaana
uu la
tiigsan
doonno
Anshaxa,isagoo
ku amray
agasimaha
isku
dubaridka
kooxda
Chelsea
Ron
Gourlay
in
uu ku
kulmiyo
dhamaan
cayaaryahanada
xarrunta
kooxda
ee
Surrey
training
Headquerters
iyadoo
halkaasi
ay ka
dhacday
kulan
qaadatay
10
daqiiqo.
Sidoo
kale
halkaas
waxaa ka
hadlay
Tababaraha
kooxda
Chelsea
Carlo
Anceloti
isagoo
sheegay
in qof
kasto oo
xeran
maaliyadda
kooxda
Chelsea
uu
mas'uul
ka yahay
magaca
iyo
sumcadda
kooxda
lagana
doonayo
in uu
ilaaliyo.
Kulankaan
ayaa ku
soo
beegmay
xilli ay
dafeexado
ku soo
baxeen
xidiga
daafacyada
labada
ah ee
John
Terry
iyo
Ashley
Cole
inkastoo
Ashley
Cole uu
yahay
mid
dhaawac
ah kadib
markii
uu jab
kasoo
gaaray
Anqowga.
Terry
ayaa dib
ugu soo
laabtay
Magaalada
Dupai
si uu
xal ugu
hello
qilaafka
kala
dhaxeeya
xaaskiisa
Toni
oo ka
carootay
kadib
markii
xidigaan
Terry
uu
xiriir
sharci
darro ah
la
yeeshay
gabadha
Modelka
ah ee
Vanessa
Perroncel.
waxaa
soo
raacay
Ashley
oo
la
sheegay
in
sawiradiisa
oo dhar
uusan
wadanin
uu u
direy
labo
haween
oo
xiriir
Jaceyl
uu la
yeeshay.
Ashley
ayaa
gabdhahaan
mid
kamid ah
uu la
jiiftay
Hotel
isagoo
la
safrayay
xidigaha
kooxdiisa
iskuna
diyaarinayay
cayaar
ay marti
ahaayeen
oo ay la
lahaayeen
kooxda
Hull
bishii
Octobar
2008
iyadoo
bil
kadib uu
la
kulmay
isla
iyada oo
ku
beegneyd
bishii
December
waxaana
ay ahayd
kulan
sidoo
kale ay
marki
ahaayeen
oo ay la
cayaarayeen
kooxda
West
Bromwich.
Arrinta
ugu
daran ee
ka
caraysiisay
milkiilaha
Chelsea
ee Roman
ay tahay
in
xidigahaan
ay ku
kaceen
fal
gogol
dhaaf ah
xili ay
gudanayeen
waajibaadka
shaqo ee
kooxda
Chelsea.
Tababare
Anceloti
oo
hadlayay
ka hor
kulanka
Wolves
ayaa
sheegay
in uusan
jecleyn
in uu
dhex
galo ama
uu ka
hadlo
nolosha
gaarka
ah ee
cayaaryahanada
laakin
ay tahay
fikirka
milkiilaha
oo ah in
laga war
haayo
nolosha
gaarka
ah ee
xidigaha
inta ay
joogaan
xerada
kooxda
ama ay
la
safrayaan.
Sharcigaan
uu soo
saaray
milkiile
Roman
ayaa
waxaa uu
saameyn
ku
yeelanayaa
dhamaan
Cayaaryahanda,Maamulka
Tababarka,Maamulka
sare
xitaa
dadka
shaqaalaha
ka ah ee
ka
shaqeeya
kooxda
Chelsea
xarumaheeda
kala
duwan.
Qodobada
Sharcigaan
ayaa
dhigaya
qofkii
ku xad
gudba in
la
ganaaxayo
labo
Todobaad
mushaaradiisa
waxana
sharcigaan
suura
gal ah
in qofka
ugu
horeeya
ee lagu
qaado uu
noqon
karaa
xidiga
Daafaca
ee
Chelsea
AShley
Cole.
Sidoo
kale
waxaa
jira qof
kale oo
Chelsea
ka
tirsan
isla
markaana
aanan la
magacaabin
oo isaga
la
jiifsaday
Hotel
Haweeney
xili
lagu
guda
jiray
howlo
shaqo
ayaa
waxaa uu
wajahayaa
Ciqaab
dhanka
Anshaxa
ah.
Xidiga
Terry
ayaa
waxaa uu
ku
waayay
xiriirka
ama
gogol
dhaafkii
uu la
sameeyay
xaaskii
hore
W.Bridge
Venessa
Perroncel
kabtanimada
xulka
Ingiriiska
iyo
lacago
kale oo
dheeraad
ah oo uu
ka heli
jiray
garoon
Wembley
oo dhan
4 kun
kulankiiba.
Chelsea
ayaa
waxay ka
badisay
todobaadkaan
kulan ka
tirsan
horyaalka
Ingiriiska
kooxda
Wolves
waana ay
ka
badisay
iyadoo
ku
hogaaminayso
horyaalka
ingiriiska
4
dhibcood
oo
nadiif
ah kadib
kooxda
Everton
ay 3-1
kaga
adkaatay
kooxda
Manchester
utd.
Tababare
Anceloti
oo dib
ugu
laabanaya
Arbacada
Magaalada
Milano
isagoo
kooxdiisa
Chelsea
ay la
cayaarayso
kooxda
Inter
milan
oo
uu
tababare
u yahay
Jose
Morrinho
oo
Chelsea
magaca u
sameeyay
ayaa
sheegay
in
wararkaan
ay
yihiin
kuwo ku
haboon
in
meeshooda
looga
tago
isla
markana
xooga la
saaro oo
kaliya
kulankaan
si ay
ugu
badiyaan
kooxda
Inter
milan
waxaana
uu intaa
raaciyay
in ay
haboon
tahay in
horumar
ay ka
sameeyaan
kulankaan
ay
martida
yihiin.
Ashley
Cole
ayaa
lagu soo
waramayaa
in
markii
ugu
horeysay
ee uu la
kulmo
ama uu
barto
gabadhaan
Vicki
Gough
ay sabab
u ahayd
isagoo
nambarkeeda
Talefanka
uu ka
hellay
saaxib
oo aanan
la
cadeyn
in
Ashley
Cole ama
Vicki
Gough
midka uu
saaxibka
la ahaa.
Jarriirada
The
Mirror
ayaa
qortay
in
Ashley
Cole
uu ka
dhaadhiciyay
Vicki
Gough
in ay ku
kulmaan
Hoteel
lagu
magacabo
Forest
Pines
Hotel
oo ku
yaala
North
Lincolnshire
isla
markaana
habeenkaas
ay wada
jiifsadeen.
Gabadhaan
Vicki
Gough
ayaa
waxaa
sidoo
kale ay
xiriir
ama
gogol
dhaaf ay
la
sameysay
xidiga
kooxda
Blackburne
ee
El Hadji
Diouf
kaasi oo
leh xaas
una
dhashay
gabar.
Jariiradda
Daily
Star
ayaa soo
daabacday
sawir
laga
qaaday
Vicki
Gough
iyo Al
Hadji
Diouf.
oo
taagan
dhabarka
dambe ee
Gaari
Taksi
ah.
sidoo
kale
waxaa ay
jariiradda
soo
daabacday
sawir
kale oo
looga
qaaday
Vicki
Gough
iyo Al
Hadji
Diouf.
Maqaahida
lagu
magacaabo
San
Carlo
restaurant
ee
ku
taalla
magaalada
Liverpool.
Ashley
Cole
ayaa
noqonaya
cayaaryahankii
saddexaad
ee lala
xiriiriyo
in
Jaceyl
uu la
sameeyay
Vicki
Gough
ee
ka
cayaara
horyaalka
Ingiriiska.