|
Shir
sanadeedkii Eurosom oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Helsinki
ee Finland.

24.02..2010, deeyoo.com.
NB. Sawirada shirka ka
fiirso qeybta hoose ee boggan.
Taariikhdu
markii ay ahayd 21 Febraayo, 2010 ayaa waxaa ka furmay xarunta
ururka Kanava ee magaalada Helsinki ka dhacay shirsanadeedkii
uu ururka EuroSom iskugu iman jiray sanad walba mar iyadoo
shirkaana lagu sameeyey qorituurkii cayaaraha xagaaga oo
sanadkan 2010 ka dhici doona isla magaaladan Helsinki.
Shirkan oo ku furmay jawi aad u degan ayaa waxaa xiriirinayey
Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Shujaac) oo ka tirsan maamulka
EuroSom, iyadoo oo uu furitaankii ka dib Shujaac ku wareejiyey
Gudoomiyaha Ururka Kanava Mudane Abdulqadir Hadaafow,Abdulqadir
ayaa isaga waxaa uu soo dhaweeyey madaxdii iyo wafdigii kasoo
qayb galay shirka EuroSom,Gudoomiyaha ayaa waxaa uu kusoo
dhaweeyey Guddoomiyaha ururka EuroSom Mudane Maxmed Axmed
Diini, isagoo gudoomiyuhu uu ka warbixiyey guud ahaan howlaha
EuroSom, gaar ahaan ka qaybgalkii ay xubno ka mid ah
mas’uuliyiinta EuroSom ay ka qaybgaleen shirwaynihii Guddiga
Olombikada Soomaaliyeed ee ka dhacay Jabuuti 16kii illaa 19kii
Maarso, 2009 iyo kulamo uu maamulka ururka ES ku yeeshay
magaalada London.
Shirwaynuhu wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray
Allaha u naxariistee Wasiirkii Isboortiga iyo Dhallinyarada
Soomaaliyeed, Marxuum Seleebaan Colaad Rooble oo dhowaan ku
geeriyooday caasimada dalkaa Sucuudiga ee Riyaad, waxaana Alle
looga baryay naxariistii Janno, eheladii uu ka tagayna samir iyo
iimaan.
Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Xoghayaha guud ee ururka
EuroSom Mudane Maxamed Xuseen Looloow oo ka hadlay qiimeeyntii
barnaamijkii uu ururka EuroSom ku qabtay magaalada Göteborg
sanadkii tagay ee 2009, isagoo xusay in dhammaan ururada xubnaha
ka ah EuroSom loo diray wixii warbixino iyo qiimayn ah ee la
xiriiray waxqabadkooda iyo ka qaybgalkoodii ciyaaraha
Gothenberg.
Waxaa iyagana qeybta sharciyada isla daadihinayey guddiga
farsamada iyo Anshaxa EuroSom oo ay ka socdeen Mudane Muriidi
Nuur Zeyn iyo Mudane Axmed Sabriye Gaaboow iyagoo halkaana ku
caddeeyey iney jiraan qodobo cususb oo lagu kordhiyey sharciyada
ururka EuroSom, sharciyadaa oo lagu adkeeynayo arimaha amniga
iyo dishibiliinka Eurosom.
Waxaa isna qeybta dhaqaalaha ka hadlay madaxa maaliyadda ururka
EuroSom Mudane Maxamuud Nuur Xasan oo isna si wanagsan uga
warbixiyey dhaqaalaha ururka u yaal iyadoo uu sidoo kale
sharaxay waxyaabihii qarash ahaa ee baxay iyadoo lagu wada
qancay.
Shirkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa oo lagu casuumay Mudane
Duraan Axmed Faarax oo ah Gudoomiye ku xigeenka Guddiga
Olombikada Qaranka Sommaaliyeed-G.O.Q.S, Mudane Salaad Xasan
Cali, Guddoomiyaha ururka dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Mudane
Cabdi Cumar Afrax iyo Mudane Feysal Faarax Makaraan oo matalayay
Ururweynaha SEUKI. Waxaa kaloo la xusay in cudurdaar ay soo
direen ururka ’Soomaali Week’ ee ka dhisan magaalada London.
Mudane Duraan ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey qaabka uu u
shaqeeyo G.O.Q.S isagoo masuuliyiintii iyo marti sharaftii
halkaa joogtay ka codsaday inay ka qeybqaataan horumarinta
Isboortiga Soomaaliya.
Mudane Cabdi Cumar Afrax oo ka socday ururka SEUKI ayaa uga
mahadceliyey maamulka EuroSom casuumadii ay u fidiyeen isaga iyo
saaxiibkii Feysal Makaraan, isagoo xusay inay ku dadaali doonaan
sii horumarinta heshiiskii labada urur hore u gaareen iyo ka
wada qaybgelida xafladaha furitaanka iyo sharsanadeedkaba. Waxaa
isna mahadcelin taa la mid ah halkaa kasoo jeediyay Mudane
Salaad, Guddoomiyaha ururka dhalinyarada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha ururka EuroSom Mudane Maxamed Diini ayaa sidii
caadada u ahayd wuxuu halkaa abaalmarino ku guddoonsiiyey
shaqsiyaad soo qabtay howlo muhiim ah sanadkii tegay, iyadoo ugu
horayn Guddoomiye ku xigeenka G.O.Q.S Mudane Duraan la
guddoonsiiyay billad sharaf EuroSom ku siisay Guddiga Olombikada
Qaranka Soomaaliyeed howlqabadkiisa dhaxalgalka ah. Sidoo kale
Mudane Rabiic Muuse oo ah Macalin ka mid ah macalimiinta Eurosom
ayaa la siiyay billad uu ku mutaystay waxqabadkii waynaa ee
sannadkaa, isagoo usoo hooyay kooxdiisa guulo dhaxalgal ah oo ay
ka mid yihiin inay markii saddexaad qaadaan koobka Eurosom,
qaadida koobka ’Somali Week’ ee London isla sanadkaa iyo isku
duubnidii iyo aadaabtii kooxda ka muuqatay, waxaa isla
qiimayntaa uu kooxda Al-Hijra Guddoomiyaha ES ku siiyay koob
qurux badan oo lagu dhiiragelinayay dadaalkooda.
Waxaa iyadana halkaa lagu soo bandhigay codsiyadii kooxihii soo
dalbaday kamid noqoshada ururka Eurosom. Kooxahaas oo ahaa illaa
iyo 6 kooxood ayaa markii la dhagaystay waxqabadkoodii &
warbixinnadooda, lana waydiiyay su’aalo badan waxaa si buuxda
loo aqbalay codsigii ay soo gudbiyeen labada koox ee kala ah
BSYCS Bristol iyo Bermingham United FC.
Gabagabadii shirkan ayaa waxaa la sameeyey qorituurkii sanadkan
2010 iyadoo loo kala saaray laba qaybood oo A iyo B kala ah.
Waxaa sidoo kale halkaa
looga soo jeediyay taageero hiil yo hooba kulankii dhowaan ka
dhacay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo ay yeesheen
Wasaarada Isboortiga Soomaaliyeed iyo Guddiga Olombikada Qaranka
Soomaaliyeed ee looga hadlayay dejinta iyo jihaynta guud ahaan
siyaasada Isboortiga Soomaaliyeed.
                  
Abdiaziz Godah
Helsinki - Finland
agodah@hotmail.com
deeyoo_edit@hotmail.com
|