Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

Ashley Cole oo ku soo baxday Fadeexad Gogol dhaaf ah  iyo xaaskiisa oo u duushay dalka Maraykanka kana Tagtay Faraantigii meherka.

24.02.2010, deeyoo.com.

Iyadoo kaliya la joogo muddo gaaban markii  Kabtanka kooxda Chelsea John Terry ay ku soo baxday fadeexad ku aadaan in uu la galmooday haweeneey lagu magacaabo Vannessa ayaa waxaa soo baxday in daafaca kooxda Chelsea iyo wadanka ingiriiska Ashley Cole uu la jiiftay mid ka mid ah labo haween oo xiriir jaceyl uu la lahaa.

Haweeneyda lagu magacaabo Vicki Gough,waa 30 jir waxaana soo shaac bixiyay arrintaan wargays kasoo baxo dalka Ingiriiska iyadoo dhanka kale xaaska Ashley Cole oo lagu magacaabo Cheryl Cole ayaa ka duushay garoonka Herthrow ee ku yaala Magaalada London ee  dalka Ingiriiska.

Arinta ugu daran ee dadka shakiga galiyay ayaa ah kadib markii xaaska Ashley ee Cheryl Cole ay ka tagtay faraantika nikaaxa ah.

Cheryl Cole ayaa waxaa lagu arkay maqaahida lagu magacaabo Katsuya oo ay la casheynaysay qaar kamid ah saaxibada ay ku leedahay Hollywoodka iyadoo ay garbaheeda joogeen ilaalayasheeda gaarka ah.

gabadhan ayaa waxay ka howl gashaa oo ay shaqaalo u tahay kooxda Liverpool waxaana Haweeney afhayeenad ah ayaa u sheegtay jariiradda Mail on sunday in ay ka war heleen wararkaasi isla markaana ay baarayaan arrintaas.

ilaa labo goobood ayaa lasoo calaamadeeyay in  AShley Cole kula kulmay gabadhaan  waxaa lagu kala  magacaabaa xafadda Lincolnshire iyo  Birmingham goor dambe sanadka 2008.

sidoo kale gabadhaan la sheegay in Ashley Cole ay la jiifatay ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay xiriir Jaceyl lasoo yeelatay xidigo kale oo ka ciyaarayay horyaalka Ingiriiska.

Shaqsiyaadka lagu waramay in ay gabadhaan xiriirka la yeelatay ayaa waxaa kamid ah weeraryahankii hore ee kooxda Liverpool Al Hadji Diof kaasi oo xiriir la lahaa waayihiisa kooxda Liverpool.

xaaska Ashley Cole Cheryl  ayaa Arbacadii ka duushay garoonka Heathrow Airport waxayna ka dagtay garoonka diyaaradaha ee LAX Airport  ee magaalada Los Angels ee dalka Maraykanka.

Jariiradda lagu magacaabo The Sun ayaa waxay sheegtay Arrintaan markii ugu horeysay sidoo kale jarriiradda lagu magacaabo Daily Star ayaa daawacday warbixin sawiro wata kuwaas oo ay kaga faah faahinayso arimahaan waxaana ay soo daabacday labo goobood oo ay ku sheegtay in ay yihiin goobihii Ashley Cole uu kula kulmay Gabdhahaan.

Bishii December 2008 ayaa waxaa ay ku kulmeen Hoteelka lagu magacaabo Radisson Hotel ee ku yaala Magaalada  caasimadda 2-aad u ah dalka Ingiriiska ee Birmingham.

Tani waa haweeneydii Labaad ee lala xiriiriyo Todobaadyadii dhawaa mid kamid ah xidigaha kooxda Chelsea kadib kabtanka kooxda ee John Terry.

Gabadha Modelka ah ee Sonia Wild ayaa sheegtay in ay heshay sawir uusan wax dhar ah wadanin daafaca wadanka Ingiriiska Ashley Cole isla markaana loogu soo direy Taleefankeeda gacanta bishii June ee sanadkii tagay 2009.

Ashley Cole inkastoo uu qiray in moobilkiisa uu ku jiro sawir isagoo qaawan hadana waxa uu diiday in uu u direy gabadhan Sonia Wild.

sidoo kale waxa lasoo wariyay in Ashley Cole iyo gabadhan ay ku kulmeen Hoteel lagu magacabo Forest Pines Hotel oo ku yaala North Lincolnshire taariikhduna ay ku beegneyd October 29, 2008.iyadoo kulankaan uu aha kii ugu horeeyay oo ay ku kulmaan labadan qof.

Ashley Cole inkastoo uu qiray in mopilkiisa uu ku jiray sawir uusan wax dhar ah wadanin  hadana waxaa uu sheegay in ay dhici karto in qof isaga iska dhigay uu sawirkaas galay.

inkastoo uu diiday Ashley Cole Arrintaan ayaa waxa la hellay sir ku aadan in markii Ashley Cole uu u direy sawir dhar uusan xiraneyn ay iyada badalkiisa u soo dirtay mid iyana aysan wax dhar ah wadanin.

sidoo kale waxa ka hellay sir kale oo cadeeneyso in sagaal Bilood gudahood ay isku direen ilaa 300 fariin qoraaleed ah(texts Message).

wararkaan ay daabaceen wargaysyada ayaa sababtay in gabadha isaga u dhaxda ee xaaskiisa ah ay ka carootay arrimahaan isla markaana ay u duushay Arbacadii magaalada Los Angels waxay ku soo beegantay arrintaan iyadoo ka qeyb gashay abaal marinado sanadkii mar lagu qabto magaalada London ee dalka ingiriiska.

Qof afhayeen u ah gabadhaan heesaaga ah ee uu qabo Ashle Cole ayaa diiday in uu ka hadlo nolosha gaarka ah ee fanaanadda laakin fanaanada laf ahanteeda waa  Cheryl xaaska Ashley Cole ayaa sheegtay in safarkeeda uu ku aadan yahay howlo shaqo oo ah si ay u soo dhamaystirto Albunkeeda 3 Words with The Black Eyed Peas.

Saaxiibo ku dhow gabadhaan Cheryl ayaa sheegay in ay qorsheynayso in ay furiin ka dalbato Ashley Cole oo sababtuna tahay eedeemaha dhawaan loo soo jeediyay.

Gar yaqaan ku dhow  Cheryl ayaa sheegay in uu jiro qilaafkan isla markaana Todobaadyada dhow ay shaacin doonto in ay kala tageen iyada iyo AShle Cole waxana taasi uu sabab ugu dhigayaa iyadoo ka tagtay farantigeeda guurka sidaana waxaa qorey wargayska Mail.

Gabadhaan heesaaga ah ee Cheryl ayaa waxay tahay fanaanad leh dhaqaalo waxaana lagu qiimeeyaa lacagaheeda 13 milyan oo gini waxana hubal ah in ay ka dhaqalo yar tahay xidigan ku xamaasha kubadda cagta ee Ashley Cole oo liis wanaagsan ka galay liiska dadka hantiilayaasha ee ku sugan gudaha ingiriiska sanadkii tagay.

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242

 

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com