Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

Warbixin  ka hadleysa Gudoomiyaha Fifa, Sepp Blatter iyo go'aamidiisii la yaabka lahaa.

17.02.2010, deeyoo.com.

Ninka madaxda ka ah kubadda cagta aduunka FIFA Sep Blatter ayaa ku caan baxay in uu warbaahinta lasoo istaago waxyaabo ama ereyo aad looga doodo dibna ugu soo noqda isaga, dadka qaar ayaa ku macneeyey in ay ka tahay is tustus ama jees jees halka qaarna ay ku tilmaamaan nin aan ka fiirsan waxa uu ku hadlo.

Haddaba anaga oo dib u fiirineyna waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee uu Blatter ka sheegay warbaahinta ayaan idiin soo xulnay 10 kamid ah kuwii ugu caansanaa amaba ugu yaabka badnaa.

10. Sanadkii 2007 ayuu Blatter meel lasoo istaagay in ay Fifa ka fekereyso mamnuucidda in lagu ciyaaro meel jooga dhulku uu aad uga sareeyo 2500 mitir, isaga oo si gooni ah bartilmaameed uga dhiganayay dalka Ecuador oo caasimadiisa Quito ku taal dhul aad u sareeya, hadalkan ayaa dhaliyay dood aad u badan. Jawaabtii ugu kulueydna waxaa bixiyay Maradona oo sheegay in shacabka Ecaudor lagu ciqaabayo sababta ay u dageen meeshaas, balse Maradona ayaa Blatter u sheegay in uu Ilaahey weydiiyo sababta uu dadka Ecaudor u dajeyay dhulkaas.

9. sanadkii 2009 Blatter oo ka hadlayay dhacdadii ay xulka Ireland uga hareen koobka aduunka ee 2010ka kadib goolkii ay faransiisku ka dhaliyeen oo uu Henry gacanta la kaashaday, waxa uu Blatter sheegay in ay lasoo xiriireen reer Ireland oo ay codsadeen maadaama qalad lagu reebay ay doonayaan in la siiyo boos dheeri ah si ay uga qeyb galaan koobka aduunka oo laga dhigo dalka 33aad, Blatter ayaa si jees jees ah u yiri "Waa ay ogyihiin in waxaasi dhacayn, oo ay Fifa ku taagantahay go'aankii garsooraha, gacanta uu Henry isticmaalayna ahayn wax lala yaabo maadaama aan aniga  xitaa isticmaali jiray xilligii aan ciyaari jiray" . hadalkan ayaa aad uga xanaajiyay dalka Ireland sheegayna in ninkani u baahanyahay dawo xaga maskaxda ah.

8. 2009. In uu isagu lahaa fikirkii ka danbeeyay sida ay isugu aadayaan wadamadii kusoo baxay kaalimaha 2aad tartankii iskala reebka koobka aduubnka ee qaaradda Yurub, kadib markii la go'aamiyay in wadamado ay isugu aadayaan sida ay ugu kala horeeyaan (Ranks) ama darajooyinka ay Fifa u bixiso bil walba dalalka aduunka. Go'aankan ayaa si aad ah uga careysiiyay dalalka Slovenia, Ireland, Ukrain iyo Bosnia oo lagu kala aadiyay dalal kaga horeeyay xagga darajooyinka Fifa sida Ruuska, Giriiga, Portugal iyo Faransiiska, khubaro iyo warbaahinta caalamka ayaa go'aanka u fasiray inuu Blater naas nuujin u sameynayay dalalka waaweyn.

7. 2008. Blatter ayaa warbaahinta u sheegay farqiga u dhexeeya isaga iyo ninka maamula kubadda cagta Ingiriiska oo la yiraahdo Richard Scudamore isaga oo yiri ninkan la yiraahdo Richard waxa uu u shaqeeyaa sidii uu rootigiisa usoo dhacsan lahaa amaba uu lacag badan u heli lahaa, laakiin aniga waxaan u shaqeeyaa sidii aan u horumarin lahaa kubadda cagta iyo is dhexegalka bahweynta dunida.

6. 2008. Blatter oo iska dhigaya nin la dagaalaya Corroption ama wax is daba marinta si loo helo sport caafimaad qaba ayaa hadana  dalka yar ee Dominica ku qasbay in ay mar kale soo doortaan Patrick John oo dhibaatooyin fara badan ka geystay dalkaas, tusaale ahaan isaga oo xukumi jiray, mar isku dayay inuu afgambi kusoo celiyo xukunkiisii, xabsi ku muteystay falkaas iyo kuwo ka danbeeyay, hadana Blatter ayaa arimahaas oo dhan iska indha tiray si uu gacan qabto saaxibkiis Patrick John .

5. 2008. Waxa uu markan faraha la galay xiriirka u dhexeeya ciyaariyahan iyo kooxdiisa markii Cristiano Ronaldo oo waagaa u ciyaarayay Manchester Utd ku tilmaamay nin ku jira adoonsiga casriga ah, kadib khilaaf yar oo soo kala dhax galiyay Ronaldo iyo kooxdiisa oo isku fahmi waayay sidii uu ugu wareegi lahaa Real Madrid, hadalkan ayaa si aad ah u gilgilay maamulka, ciyaartoyda Manchester iyo weliba daafaha dunida dacaladeeda. Waxaase kasii yaab badneyd markii uu hadana mar danbe beeniyay inuu sidaa yiri.

4. 2006. Blatter ayaa xulka Italia ku tilmaamay khaa'imiin kadib kulan ka tirsanaa koobkii aduunka ee 2006 oo ay Talyaanigu rigoore kaga badiyeen Australia, Blatter ayaa sheegay in Australia xaq u lahayd in ay soo baxdo, Talyaaniguna Khiyaano sameeyeen, waxaase ugu sii darneyd markii la soo gaaray Finalihii koobka Aduunka oo ay Talyaanigu ka badiyeen Faransiiska in Blatter ka cararo goobtii bilad qeybinta si uu uga fogaado in gacantiisa uu bilad ku siiyo ciyaartoydii guuleysatay ee Talyaaniga, waxaa lagu xantaa nin aad u neceb dadka Talyaaniga ah.

3. 2008. Mar uu rabay inuu sabaatiyo ka diyaarsado qaniisyada (homofil)  ayuu dhulka ku jiiday dumarka, isaga oo arintaa ka hadlaya ayuu yiri "Waxaa jira ciyaartoy badan oo laga roonayaal ama qaniisiin ah, laakiin ma rabaan in ay banaanka soo istaagaan oo ay is muujiyaan ayaga oo ka baqaya in la aqbali waayo ama la aflagaadeeyo, balse waxa jira in ay hadda ka bilaabeen tartan iyaga u gaar ah Latin Amerika" markii uu intaas yiri ayuu hadalkiisii kusoo xiray " iska daa in la cunsuriyeeyo ee waxa ayba ka caansanyihiin dumarka".

2.  Blatter oo markan rabay inuu wax ka yiraahdo fadeexaddii John Terry ayaa yiri "Bal fiiriyo ! hadal hayntan iyo buun buunintan waa wax lagu yaqaan ama caada u ah dadka Anglosaksiska ah (dadka daga galbeedka iyo waqooyiga yurub) hadii ay tan oo kale ka dhici lahayd tusaale ahaan Latin Amerika way u sacba tumi lahaayeen" hadalkan kadib dad badan ayaa la yaabay ninkan iyo waxa afkiisa kasoo baxa mar walba.

1. 2004. Blatter ayaa markan furka ku tuuray kubadda cagta ay dumarka ciyaaraan, isaga oo sheegay in wax laga badalo hab labiska dumarka oo ay iska daayaan dharka waaweyn sida kan ragga oo kale oo ay soo xirtaan dhar ku dhagan jirkooda oo hadana aad u gaagaaban si ay usoo jiitaan indhaha dadka fiirsanayo oo uu malaha ula jeedo ragga. Dadka qaar ayaa ku fasiray in kubadda cagta dumarka loo galiyo dharka ay xirtaan hablaha ciyaara Volley Ball ama kubadda laliska oo ah dhar runtii u eg qaawnaasho maadama ay xiranyihiin dhar qariya kaliya xabadka iyo xubnaha taranka hoose.

hadaba saaxiibayaal waxaa jira hadalo kale oo aad u fara badan laakiin waxaan idiin soo xulnay kuwii ugu badnaa ee dhaliyay doodaha sport dhaqan dhaqaale.

Blatter oo 73 jir ah waxa uu u dhashay dalka Switzerland waana madaxweynihii 8aad ee Fifa oo uu la wareegay xilkeeda sanadkii 1998kii.

 

 

waxaa diyaariyay.

Mohamed A O (Deeq)

deeyoo_admin@hotmail.com

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com