| Dhageyso |
 |
|
|
|
Chelsea oo ku aadi karta Man City ama
Stock iyo isku aadka F.A Cup-ka.

15.02.2010, deeyoo.com.
kooxda Heysata koobka F.A Cup-ka ee Chelsea ayaa
waxaa suura gal ah in ay ku aado koobka F.A Cup kooxaha Man City
ama Stock midkood.
Tababare Carlo Anceloti kooxdiisa ayaa waxay si wanaagsan kaga
adkaatay naadiga Cardiff cayaar ka dhacday garoonka Stamford
Bridge sabtidii waxaana ay sugeysaa kooxaha Man City iyo Stock
oo cayaaraya cayaar isku celis ah kadib kulankii hore ay galeen
1-1 sabtidii waxaana cayaarta labaad ay ka dhacaysaa garoonka
Britannia ee kooxda Stock todobaadka soo aadan.
kooxda Crystal Palace oo ku dhawaatay in ay ka adkaato Aston
Villa ayaa iyana cayaar isku celis ah cayaarayso taasi oo ka
dhacayso garoonka Villa Park ee Aston vila ay ku cayaarto
waxaana tii soo badiso la cayaaraysaa Reading ama West Brom
midkood.
waxaa la cayaarayaa wareegan 6 iyo
7 Maarso.
Chelsea v Manchester City ama Stoke
Fulham v Bolton or Tottenham
Reading ama West Brom v Crystal Palace ama Aston Villa
Portsmouth v Birmingham
Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242
deeyoo_edit@hotmail.com
|

Halkan
riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
|