Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

Guul maka gaari karaan Champions League kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

1402.2010, deeyoo.com.

Kooxaha Barcelona iyo Real Madird ayaa waxay yihiin labo koox oo ka dhisan wadanka Spain kuwaas oo ku guulaystay koobka horyaaliinta Yurub ilaa 12 jeer waxaama afar lamid ah ay qaadeen 10-kii sanno ee ugu dambeeyay.
 
Dalalka ku soo dhow ayaa waxaa kamid ah Ingiriiska iyo Spain kuwaas oo iyana qaaday koobkaan laakin dalkaan Spain waa midka ugu qaadista badan koobka horyaalada Yurub waxayna ku guulaysteen ilaa 12 jeer waxaana dhamaan 12 kaas jeer qaaday labadaan koox Real MAdrid 9 jeer Barcelona 2 Jeer.
 
Dalkaan Spain waxaa uu ku yaalaa koofur galbeed qaaradda Yurub waxaana naadiyadiisa Barcelona iyo Real Madrid ay ku guulaysteen ilaa 12 koob waxayna ka badan yihiin dalalka Ingiriiska iyo Talyaaniga kuwaas oo min 11 jeer qaaday.
 
Xiligaan kubadda cagta Spain waa mid horumar kusii talaabsanayso ama ku talaabsatay waxaana horyaalka Laliga Spain ka cayaara 8 kamid ah 10-ka xidig ee ugu wanaagsan xidigaha ku xamaasha kubadda cagta adduunka waxaana xusid mudan in shan kamid ah ay u cayaaraan kooxda Barcelona.
 
Koobka horyaakada Yurub Uefa Champions League waxaa uu galay wareegyada kala baxa ah ama knockout rounds waxana isha lagu hayaa ilaa saddex koox oo ka socota wadanka Span waxayna kala yihiin Real Madrid Barcelona iyo Sevilla waxana la is waydiinayaa waa kooxdee kooxda imaan karta kama dambeysta ama Finalka koobkan oo lagu qabanaayo garoonka Bernabua ee kooxda Real Madrid.

 
Barcelona

 
kooxdan Barcelona waxay tahay kooxda Difaacanaysa koobka horyaalada Yurub waxayna maanka ku haysaa ama ay rajo ka qabtaaa in ay soo gaarto kama dambeysta Finalka koobkan oo sanadkaan ay martigalinayso caasimadda Spain ee Madrid waxaana Barcelona ay aamin santahay in ay tahay kooxda u qalanta Finalka koobka ee ka socota wadanka Spain.
 
kooxda ah horyaalka Adduunka Barcelona ayaa waxay qaaday xiligaan ilaa lix koob iyadoo rikoor cusub ka dhigtay adduunka mana jirto koox qaaday inta koob ee Barcelona xiligaan ku guulaysatay.
 
kooxdan ayaa waxaa ay kasoo baxday guruubka iyadoo ah hogaamiyayaasha waxayna ka sareysay Inter Milan oo kaalinta 2-aad ku soo baxday waxaa kaloo jira in 2-0 ay kaga adkaatay inter oo ay 4 dhibcood ka qaateen waxayna ahayd tijaabo run ah oo ay kasoo gudubtay Barcelona iyadoo ka adkaatay Inter oo ah kooxaha ugu culus xiligaan caalanka kubada cagta.
 
Shakina kuma jiro in kooxda Barcelona ay tahay xiligaan koox ka sareyso naadiyada caalamka waxayna tahay mid fursad kale u heli karta in ay ku guulaysato xiligaan koobka horyaalada Yurub Champions League waxayna tahay mid niyadeeda ay aad u sareyso.
 
Barcelona inkastoo ay lumisay xiligaan kulan ka tirsan koobka wadankooda Spain ee Copa del Rey oo ay guul daro kala kulantay kooxda iyaan cayarayso horyaalka yurub ee Sevilla ayaa waxay tahay mid dhibco badan ay ku hogaaminaysaa horyalka Yurub.
 
kooxda Barcelona waxay isku diyaarinaysaa kulanka adag ay todobaadkaan ay la cayaarayso kooxda Stutgard ee wadanka Jarmalka waxaana kooxdaan ruxaya dhaawacyo oo ay ka dhaawacmeen qaar kamid ah xidigaha kooxdaas ay ku tashato.
 
xidiga daafaca ee weerarka leh Dani Alves ayaa waxaa uu yahay mid ka dhaawacan waxaana uu maqnaanayaa ilaa saddex isbuuc isagoo lugta ka dhaawacmay.
 
sidoo kale xidiga daafaca bidix ee Eric Abidal ayaa isna maqnaanaya labo isbuuc waxaana wax yeelo ay kasoo gaareen muraqa waxaana suura gal ah in Yaya Toure uu xoojiryo daafaca iyadoo macquul ay tahay in daafaca dhexe lagu soo bilaabo halka Puyol ay suura gal tahay in uu ka cayaaro booska dani Alves.
 
waxaa kaloo Barcelona ka maqan xidiga daafaca dhexe ee wadanka Ukrein Dmytro Chygrynskiy kaasi oo hal isbuuc garoomada ka maqnaanaya isagoo aanan sharciga qaban in uu u safto koobka horyaalada yurub kaliya waxaa uu seegaya horyaalka.
 
Puyol ayaa waxaa uu yahay mid la xanuun sanaya dhaawacyo fudud oo uu qabo xidiga waxana rajo wanaagsan laga qabaa in ay soo caafimaad qaataan xidigaha daafaca ah ee Rafa Marquez & Gerard Pique waxaana labadaan ay yihiin kuwo calaamado qaatay kulamdii La Liga Spain.
 
Tababare Guardiola waxaa uu doonayaa in uu soo dalacsiiyo cayaaryahano juunyar ah sida horey loo soo dalacsiiyay Messi si ay u buuxiyaan boosas badan oo kooxda ka banaan.
 
Real Madrid
 
kooxdaan Real Madrid ayaa garoonkeeda waxaa uu yahay kan marti galinaaayo Finalka koobka horyaalada Yurub waxaana ay dhibaatooyin kala kulmaysay koobka horyaalada yurub tan iyo sanadkii 2002 markaas oo ay ugu dambeysay in ay ku guulaysato koobkan waxaana inta badan ay ku hari jirtay wareegyada hore oo xitaa kooxo yar yar ay ka reebi jireen tartankaan.
 
kooda Los Blancos waxay ku guulaysatay ilaa sagaal jeer koobkaan waxayse ku dhib qabtaa sidii ay ugu guulaysan lahayd koobkeedii 10-aad waxaana koobkii ugu dambeyay ka reebtay Liverpool oo ahayd kooxdii ka qaaday koobkan sanadkii 1981-dii waxaana labadii lug ay kaga adkaatay 5-0 isku cel celis.
 
kooxda Real Madrid ayaa waxay bixisay lacago dhan 254 Milyan iyadoo soo iibisay xidigaha kala ah Cristiano Ronaldo, Kaka, Karim Benzema, Xabi Alonso waxayna la mid tahay iyadoo siisay taageerayaasheeda ku nool caalamka ku dhawaad hal gini waxana lagu qiimeeyay taageerayasheeda in ay gaarayaan 287 milyan oo taageero.
 
kooxdaan waxaa ku sugan labada xidig ee ugu qaalisan caalamka C.Ronaldo iyo Kaka sidoo kale waxaa ku sugan Mahamadou Diarra,Fernando Gago, Royston Drenthe,Esteban Granero,Alvaro Arbeloa,Sergio Ramos,Esteban Granero,Lassana Diarra, Marcelo, Rafael van der Vaart, Higuain, Benzema,Guti iyo rugcadaaga kabtanka ku ah ee Raul.
 
hadaba la arki doonee waxa ay ka keenaan qaaradda Yurub xiligaan.
 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com