Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Ciyaaryahankii ugu dambeeyay xidigihii ciyaaray koobkii adduunka ee ugu horeeyay 1930-kii oo geeriyooday isagoo 100 sanno jir ah

Francisco Varallo

31.08.2010, deeyoo.com.

Francisco Varallo, oo ahaa xidigii ugu dambeeyay xidigihii ciyaaray finalkii koobka adduunka ee ugu horeeyay ee la qabtay sanadkii 1930-kii ayaa geeriyooday isagoo 100 sanno jir ah.

Xidigaan Francisco Varallo, oo kamid ahaa xulkii Argentina ee la ciyaaray Finalkii ugu horeeyay ebed ee koobka adduunka dalka Ururguay ayaa ugu dambeyn ay soo gabo gaboowday noloshiisa muda dheer ahayd.

Xulka Argentina oo looga badiyay Finalkii koobka adduunka 1930-kii ayaa Francisco Varallo, wuxuu ka mid haa xidigihii ciyaaray kulankaas oo ka dhacay magaalada caasimadda u ah dalka Uruguay ee Montevideo waxaana looga badiyay dalka Argentina 4-2 oo guusha ku raacday Uruguay oo noqoday dalkii ugu horeeyay ee qaaday koobka adduunka.

Francisco Varallo, ayaa kazoo bilaabay ciyaarihiisa naadiga Gimnasia, laakin wuxuu caan ku noqday kooxda weyn ee dalka Argentina ee Boca juniors waana xidiga 2-aad ee ugu gool dhaliska badan taariikhda kooxdaas isagoo dhaliyay 194 gool kaliya waxaa ka horeeya xidiga haatan u ciyaara naadigaas ee Martin Palermo.

Mr Francisco Varallo,oo lagu naanayso 'Canoncito ama madfaca yar oo looga bixiyay habka xoogan ee shuudadkiisa wuxuna la qaaday afar horyaal kooxda Boca Juniors wuxuuna ciyaara ka fariistay ciyaara sanadkii 1940-kii isagoo kadibna noqday tababare.

Waraysi uu siiyay bogga Fifa ee www.fifa.com ayuu ku sheegay in ay u tahay isaga uur ku taalo Finalkii koobka adduunka ee ugu horeeyay 1930-kii isla markaana uusan marnaba ilaabi doonin.

“sidaan u ooyay maalintaa hadii aan dib u eegana wee I caro galinaysaa ayuu yiri Mr Francisco Varallo.

Mr Francisco Varallo, ayaa kusoo bilaawday dhamaan saddexdii kulan ee koobka adduunka 1930-kii waxaana ay 1-0 kaga badiyeen dalka France,6-3 waxay ugu badiyeen dalka Mexico iyadoo 3-1 ay ugu adkaadeen dalka Chile laakin wuxuusan ciyaarin kulankii Seme Finalka koobkaas oo 6-1 ay dalkiisa Argentina ku dharbaaxeen dalka Maraykanka wuxuuna ugu maqnaa kulankaas dhaawac isagoo shaki xitaa la galiyay finalka laakin uu ciyaaray.

‘waxaan ahaa wiil yar oo 20 jir ah waxaana diyaar u ahaa inaan qaado koobka adduunka laakin nasiib daro waan waayay oo laga badiyay aniga iyo xulkayga ayuu yiri Mr Francisco Varallo.

Wuxuu intaa raaciyay Mr Francisco Varallo, in tijaabo laga qaaday subixii finalka koobka adduunka oo ah inuu ciyaari karo iyo in kale wuxuuna sheegay inuu wanagsan yahay oo uu ciyaari karo waxayna ahayd mid khatar ah maxa yelay ma jirin wax badal ah xiligaas.

Mr Francisco Varallo, ayaa sheegay in ay u wanaagsanayd inuusan ciyaarin gabi ahaanba kulankaas maxaa yeelay waa mid murugo ah oo igu soo laab laabato aniga waxaana xasuustaa iyadoo dalkayga Argentina uu ku hogaaminayay ciyaarta 2-1 qeybtii hore laakin looga badiyay 4-2 dhamadkii ciyaarta.

Mr Francisco Varallo, wuxuu ku dhashay magaalada La Plata,oo ka tirsan gobolka Buenos Aires ee dalka Argentina.

Wuxuu dhashay 5-tii February 1910-kii isagoo geeriyoday isniintii todobaadkan 30-kii August 2010 waxayna da’diisu ahayd 100 sanno iyo lix bilood iyo 24 maalin.

Mr Varallo markii da’diisa ay gaartay 18 jir ayuu tababar la galay kooxda La Plata isagoo goolal 11 ah u dhaliyay saddexdiisa kulan ee ugu horeeyay kadibna koobka adduunka 1930 wuxuu ku biiray kooxda uu sida weyn ugu soo caan baxay ee Boca Juniors isagoo u ciyaarayay muddo 9 sanno ah.

Mudadii sagaalka sanno ee uu ku sugnaa kooxda Boca juniors wuxuu noqday xidiga ugu gool dhaliska badan naadigaas isagoo u dhaliyay 194 kulan 222 kulan wuxuuna haystay rikoorkaas ilaa sanadkii lasoo dhaafay 2009 markaas oo uu ka jabiyay Martin Palermo oo ah weeraryahan haatan u ciyaara kooxdaas kana mid ahaa xidihii koobka adduunka 2010  u matalaya wadanka argentina.

Varallo wuxuu kamid ahaa xulkii Argentina ee qaaday koobka kofur Ameeriak sanadkii 1937-dii isagoo dhaliyay saddex gool waxaana kamid ahaa labo gool oo finalkii ka dhaliyay dalka Chile.

 

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com