Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Inter oo bareejo ku bilowday horyaalka, Goolhaye dhaliyey 90 gool iyo warar kale

Eto`o iyo Benitez

31.08.2010, deeyoo.com.

Kooxda difaacaneysa horyaalka Talyaaniga ee Inter ayaa kulankii ugu horeeyey horyaalka sanadkan bareejo goolal la`aan ah ku bilowday markii ay caawa is qaabileen kooxda Bologna.

Qeybtii hore ee cayaarta ayaa aheyd mid caajis ah hase yeeshee qeybtee labaad ayey xidigaha Inter weeraro aan kala joogsi laheyn ku qaadeen goolka Bologna waxase is hortaagay goolhaye Emiliano Viviano oo ahaa xidigii garoonka.

Tababaraha cusub ee Inter Benitez oo kulankii ugu horeeyey ee muhiimka ahaa guuldaro 2-0 ah kala kulmay kooxda Atletico Madrid ayaa kulankan aad muhiim ugu ahaa inuu badiyo si uu uga nasto cadaadis soo food saara.

Goolhayaha ugu goolasha badan aduunka

Ceni

Goolhaye Rogerio Ceni ayaa goolkiisii 90aad dhaliyey kulan ay kooxdiisa bareejo 2-2 la gashay kooxda Fluminense oo hogaanka u heysa horyaalka Brazil kulan ka dhacay garoonka weyn ee Maracana.

Goolka uu dhaliyey boortahan wuxuu ahaa boloziyoone isagoo markii dambana kooxdiisa ka badbaadiyey in laga badiyo markii uu rigoore ka qabtay kooxda Fluminense.

Goolhaye Ceni oo 37 jir ah waa boortaha ugu gool dhaliska badan aduunka isagoo intii uu garoomada ku jiray shabaqa kooxda kasoo horjeeda ku luxay 90 gool, 51 ka mid ah goolashiisa waxey ahaayeen boloziyoon halka 39ka kale uu rigoore ku dhaliyey.

Ceni wuxuu jagadan kala wareegay goolhayihii caanka ahaa ee dalka Paraguay José Luis Chilavert oo 62 gool kaga fariistay cayaaraha.

Tababare Carlos Queiroz oo 6 bilood la ganaaxay

Tababaraha Bortoqiiska Carlos Queiroz ayaa la dul dhigay ganaax 6 bilood ah ka dib markii lagu eedeeyey inuu is hortaagay koontorool ay sameyn lahaayeen gudiga ka hortaga daroogada isla markaana aflagaado u geystay wax yar ka hor bilowgii koobka aduunka.

Xiriirka kubada cagta Bortoqiiska ayaa hore raali gelin uga bixiyey falkaas isla markaana mudo bil ah ganaaxay tababarohooda laakiin gudiga ka hortaga daroogada ayey ciqaabtaas la noqotay mid fudud iyagoo dhankooda ganaax 6 bilood ah saaray tababare Carlos Queiroz.

Tababare Queiroz ayaa sheegay inuu racfaan ka qaadan doono ganaaxan culus ee la dul dhigay iyadoo hadii lagu diido uu banaanka ka joogi doono shaqada tababarenimo ee qaranka Bortoqiiska ilaa bisha Maarso ee sanadka soo socda.

Lama oga cida sii leylin doonto qaranka Bortoqiiska mudada uu ka maqan yahay macalinkooda iyagoo dhowaan kulamo ka tirsan iskala reebka koobka qaramada qaarada yurub la leh dalalka Qubrus iyo Norwey.

 

 

 

Asad A. Omar "afey"

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com