Home
Somali Music
Somali video's
Chat Sports
Sports talk
Contacts
Click here to all somali links
Downloads
Useful Links
Paulo Ferreira oo ka fariistay ciyaaraha caalamiga Ferreira
31.08.2010, deeyoo.com.
Daafaca kooxda Chelsea iyo xulka Portugal Paulo Ferreira ayaa shaaciyay inuu gabi ahaan ka fariistay ciyaaraha caalamiga ee xulka qaranka Portugal.
Paulo Ferreira oo 31 jir ah ayaa waxaa uu kaga ciyaaraa naadiga Chelsea daafaca ayaa u sheegay xiriirka wadanka Portugal in ay jiraan sababo ku qasbay inuu qaato go’aankaas.
Xidigaan Paulo Ferreira ayaa u ciyaaray xulka Portugal 62 kulan wuxuuna kulankiisa ugu horeeyay u saftay bishii September 2002 ciyaar ay kaga horjeedeen xulka Ingiriska.
Go’aankan ka fariisashada ciyaaraha caalamiga ee uu qaaatay Paulo Ferreira ayaa kusoo aadaya iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay uu sidoo kale isna ka fariistay ciyaaraha xidiga garabka kooxda Atletico Madrid Simao.
Paulo Ferreira ayaa yimid garooonka Stamford Bridge sanadkii 2004 waxana uu dib ula midobay markaas tababarihiisa hore ee kooxda Porto ay isla joogen ee Jose Morrinho waxayna kusoo iibsatay Chelsea lacago dhan 13.2 Milyan oo gini.
Paulo Ferreira ayaa kamid ahaa xidigihii la qaaday Chelsea horyalkii ugu horeeyay mudo 50 sano ah 2005 tii.
Axmed Mooge Xafiiska Deeyoo Muqdisho axmed_mooge@hotmail.com
00252615140242
deeyoo_edit@hotmail.com
Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
Listen & Download
Qur'an Karim 8 Tajwid like = El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more
Daawo Sallaxley TV
Fiirso Universal TV.
Fiirso Warsan TV.
©2009 www.deeyoo.com