Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Barcelona iyo AC Milan oo ku dagaalamaya saxiixa Robinho, Juventus oo suuqa ka dhamaan la`

Robinho

30.08.2010, deeyoo.com.

Naadiyada Barcelona iyo AC Milan ayaa ku dagaalamaya xidiga jabhadka ka ah kooxda Man City ee Robinho kaasi oo diidan inuu u ciyaaro kooxda leh isaga ee Manchester City.

Naadiga Man City ayaa diyaarinaysay inay ka iibiso xidigaan kooxda reer Turki ee Fenerbahce laakin waa uu diiday xidigaas kadib markii naadigas ay soo bandhigtay lacago dhan 26 Milyan oo gini.

Robinho ayaa xiiseenaya inuu ka ciyaaro dalalka Talyaaniga iyo Spain midkood iyadoo naadiyada Barcelona iyo Ac Milan ay si weyn u doonayaan xidigaas.

Labada naadi waa Barcelona iyo Ac Milan ayaa waxay wakiilo u direen xidigaan dhowr jeer iyagoo doonaya inay lasoo wareegaan xidigaan ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibisiga ciyaaryahanada oo ku eg 31 bishan oo ku began habeenka Talaadada.

Wararka laga helayo garoonka Nou Camp ayaa sheegaya in Barcelona ay si weyn u raadinayso xidig ka ciyaari kara weerarka bidix waxaana tababare Guardiola uu si weyn u xiiseeenaya inuu la wareego Robinho kaasi oo uu amin san yahay inuu yahay xalka ugu wanaagsan ee booskaasi.

Barcelona ayaa doonaysa inay buuxiso booska xidiga Henery kaasi oo ku biiray horyaalka maraykanka waxaana lagu soo waramayaa inuu Robinho noqon karo badalka tooska ah ee Thiery Henery.

Kooxda ah horyaalka Spain Barcelona ayaa ku bilaawday kulanka ugu horeeya horyaalka Spain ciyaaro wanagsan iyadoo 3-0 ugu badisay koxda Racing Santander,kulanka furitaanka horyaalka La Liga Spain oo todobaadkan furmay.

Sidoo kale kooxda Barcelona ayaa waxa indhaha ku haysaa xidigaha kala ah Juna Mata oo Valancia ah iyo Luis Suarez.

Tababaraha Barcelona Guardiola ayaa sidoo kale raba inuu ka ciyaarsiiyo booskaasi xidigaha kala ah  Pedro, Thiago Alcantara iyo Jonathan dos Santos.kuwaas oo ah xidigo da’yar oo kooxda juunyarkeeda kazoo dalcay.

Xidiga Juan Mata ayay dhibaato kala kulmi kartaa saxiixisa maxaa yeelay waxay dhawaan kazoo iibsadeen kooxda Valancia xidiga David Villa iyadoo ay adkaan karto in markale ay ku laabtan oo ay kazoo qaadan Juan Mata oo ku ciyaara lugta bidix kaasi oo si wanagsan u dhaqaajiya kubadaha.

Kooxda Juventus oo u hanqal taagayso Traore

Kooxda Juventus ayaa waxay  isku dayaysaa inay gacanta kusoo dhigto daafaca naadiga Juventus Armando Traore iyadoo ku doonayso hishis si amah ah oo hal sanno ah.

Naadiga weyn ee wadanka Talyaaniga Juventus ayaa si weyn u doonayso xidiga daafaca dambe ee bidix Troare.

Juventus ayaa doonaysa inay la wareegto ciyaarayahnkan dafaca ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada oo ku eg Talaada.

“haa Traore waa mid kamid ah xidigaha aan xiiseynayno waana arki doona waxa dhaca ayuu yiri Agaasimaha guud ciyaaraha kooxda Juventus Pepe Marotta.

Traore oo u dhashay dalka faransiiska waa 20 jir kaasi oo xili ciyaaredkii 2008/09 si amaah ah kula joogay kooxda Portsmouth ayaa waxaa booska xidigaha joogtada ka xirtay xidiga Gael clichy iyo Kieran Gibbs kuwaas oo tababare Wenger uu door bido inuu ka hor mariyo Traore.

Tababaraha kooxda Arsenal ayaa waxaa uu doorbidayaa inuu kooxda Juventus kaga  iibiyo xidigaan si toos ah.halkii uu amaah ku bixin lahaa.

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com