Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Inter Milan oo dalab u dirsatay Fabregas markii ay ku hungoobeen Mascherano

Fabregas

30.08.2010, deeyoo.com.

Naadiga ah horyaalka Talyaaniga inter Milan ayaa waxay doonaysa inay lasoo wareegto kabtanka kooxda Arsenal Cesc Febrigas kadib markii looga adkaaday saxiixa kabtanka wadanka Argentina Mashcerano.

Wararka laga helayo wadanka Talyaaniga ayaa sheegaya in kooxda ah horyaalka Yurub Inter ay diyaar u tahay inay bixiso lacago dhan 32.5 milyan oo gini si ay u hesho kubad sameeyaha kooxda Arsenal Febrigas.

Isku dayga kooxda Inter ayaa suura gal ah inay ku fashilanto iyadoo suuqana uu ku egyahay talaadadan lakin tababraha kooxdaas Benitez ayaa si weyn ugu hanqal taagaya inuu hello xidig qadka dhexe oo si wanaagsan kubadaha u dhaqaajiya.

Tababaraha Inter Rafael Benitez ayaa doonaya inuu kusoo gabo gabeeyo Febrigas suuqa kala iibsiga xiligaan waxaana uu si weyn u doonaaya inuu ku guulaysto saxiixa xidiga reer Spain febrigas isagoo ku guul daraystay inuu gacanta kusoo dhigo xidigiii hore kooxda Liverpool MAshcerano.

Kooxda inter ayaa waxay doonaysaa in ay ka hortagto kooxda Real madird doonisteeda ku aadan daafaca Maicon kaasi oo isna lala xiririnayo inuu raaco tababarihiisa hore Jose Morrinho oo ku sugan wadanka Spain iyo kooxda Real Madrid.

Maicon ayaa lagu doonayaa 25 milyan oo gini iyadoo lagu soo waramayo in koxda Real Madrid ay dib u soo cusboonaysiisay doonisteeda ku aadanaa Maicon waxaana suura gal ah xidiga reer Brazil inuu ku biro garoonka Bernabeu.

Wararka ayaa sheegaya in Inter ay soo bandhigtay 28.5 milyan oo gini oo uu dheeryahay xidiga qadka dhexe Sulley Ali Muntari laakin waxaa suura gal ah inuu aqbali waayo tababare Wenger xidigaan reer Ghana muntari.

Xidiga kacdoonka ka ah garooonka San Siro Muntari ayaa waxa lala xiriirinayaa sidoo kale naadiga Tottenham oo doonaysa xidigaan lagu qiimeyo 4 milyan oo gini iyadoo Inter ay kaga soo iibsatay Portsmouth lacago dhan 12.7 Milyan labo sanno ka hor.

Febrigas wuxuu ku dhawaaday inuu ku biro kooxda Barcelona laakin wuxu sheegay in waqti kale uu kusii qaadan doono kooxda Arsenal laakin uu yahay mid u hanqal taagaya inuu kubiiro Barcelona haddii uu ka tagaayo Arsenal.

Wargayska kazoo baxa dalka Talyaaniga Corriere dello Sport ayaa sheegay in Febrigas uusan ku xernayn bixitaanka Maicon laakin ay diyaar u tahay Inter inay xidigan ku xoojiso qadka dhexe ee naadiga.

Inter ayaa sidoo kale dalab u dirtay todobaadkan kooxda Tottenham iyadoo ka doonayso daafaca boosaska badan ee dalka Wales u dhashay Gareth Bale kaasi oo ku ciyaara lugta bidix.

Xidiga reer Wales Bale ayaa si weyn looga qiimeeya wadanka Talyaaniga  isagoo ka ciyaari kara bixid iyo midig hadba booskii loo baahdo. 

Waxaa jira xidig ka tirsan kooxda Inter oo lagu magacaabo Davide Santos kaasi oo isna ka ciyaara daafaca laakin ay adag tahay in lagu aamino booska Maicon.

 

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com