Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Chelsea, Arsenal iyo Man.United oo kulamadii maanta wada badiyey

Drogba, Malouda iyo Lampard

28.08.2010, deeyoo.com.

Kooxda Chelsea oo kulamadii bilowga horyaalka nus dersin goolal ah dhabarka u saartay kooxaha West Bromwich iyo Wigan ayaa dad badan sugayeen in kooxda Stoke wadadaas oo kale mari doonto hase yeeshee cayaaryahanada Stoke oo aad isku daafacay iyo nasiib darada xidigaha Chelsea oo fursado qaali ah iska lumiyey ka dib waxey natiijada kulankaan noqotay 2-0 oo ay Chelsea ku badisay.

Chelsea oo ah kooxda daafacaneysa horyaalka sanadkan ayaa ah kooxda keliya ee wada badisay kulamadii horyaalka sanadkan halka kooxaha kale min labadii kulan ee ugu horeeyey ku guuldareysteen iney helaan 6 dhibcood.

Mishiinka qadka dhexe Frank Lampard ayaa fursadii ugu horeysey ee muhiimka aheyd ka qasaariyey kooxdiisa markii rigoore loo dhigay uu darbo hoose oo qabow gacanta u geliyey goolhayaha Stoke Sørensen laakiin markii ay cayaarta socotay nusaac ayuu Malouda gool qurux badan dhaliyey markii uu baas wanaagsan ka helay kabtanka kooxda John Terry.

Qeybtii labaad ayaa dhaawac soo gaaray darteed loo bedelay Lampard iyadoo macalinka Chelsea Ancelotti sheegay inuu qaliin geli doono talaadada ama arbacada, Drogba oo kulankii hore kaalin weyn ka qaatay guushii kooxdiisa hase yeeshee gool la`aan garoonka ka baxay ayaa rigoore kooxdiisa u dhaliyey rubi saac ka hor dhamaadkii cayaarta hogaanka tartanka gooldhalintana wax ka qabtay.

Chelsea ayaa 9 dhibcood ku hogaamineysa horyaalka inkastoo waqti hore tahay in laga sheekeeyo hadana awooda Chelsea ee lixdii kulan ee ugu dambeeyey ayaa ah mid aan loo babac dhigi karin ka dib markii ay wada badisay oo ay 31 gool dhaliyeen halka aan wax gool ah shabaqooda la taabsiin (3 kulan horyaalkii hore iyo 3 kulan horyaalka sanadkan).

Blackburn 1-2 Arsenal

Theo Walcott ayaa horyaalkan gool dhalin lasoo baxay isagoo kulankii maanta uu dhaliyey mid ka mid ah goolashii ay kooxdiisa ku badiyeen iyo goolkiisii 4aad sadexdii kulan ee ugu horeysay horyaalka sanadkan.uu horyaalkan dhaliyey.

Goolka kale ee Arsenal waxaa dhaliyey Andrej Arsjavin hase yeeshee waxaa dhaawac dartii garoonka looga saaray Van Bersei iyadoo dhamaadkii cayaartana la bedelay Fabregas oo isna u muuqday inuu dhaawacan yahay.

Tottenham 0-1 Wigan

Wigan oo labadii kulan ee ugu horeeyey si xun looga badiyey ayaa dharbaaxo aysan filaneyn la heshay kooxda hanka weyn ee Tottenham oo gurigooda lagu cayaaraayey.

Man. United 3-0 Westham

Berbatov, Nani iyo Rooney ayaa goolasha kala dhaliyey mar ay man.United 3-0 ku dhufatay kooxda ay ka jajaban tahay ee Westham.

Weyne Rooney oo wax gool ah aan u dhalin kooxdiisa United iyo qaranka Ingiriiska wixii ka dambeeyey bishii Maarso ayaa ugu dambeyntii iska fujiyey abaartii goolasha markii uu gool rigoore ah dhaliyey qeybtii hore ee cayaarta.

Westham ayaa 3 kulan ka dib wax dhibco ah shaqeysan waxeyna kaalinta ugu hooseyso kaga jiraan kala horeynta kooxaha iyadoo sidoo kale kooxda Stoke ay tahay kooxda kale ee aan ilaa iyo hada wax dhibco ah helin 3 kulan ka dib.

Natiijada kulamadii dhacay:

28.08.2010

Blackburn - Arsenal 1-2
Wolverhampton - Newcastle 1-1
Chelsea - Stoke 2-0
Blackpool - Fulham 2-2
Tottenham - Wigan 0-1
Manchester Utd - West Ham 3-0 

Kala horeynta Kooxaha:

1 Chelsea 3 3 0 0 14 - 0 9
2 Arsenal 3 2 1 0 9 - 2 7
3 Manchester Utd 3 2 1 0 8 - 2 7
4 Wolverhampton 3 1 2 0 4 - 3 5
5 Newcastle 3 1 1 1 7 - 4 4
6 Manchester City 2 1 1 0 3 - 0 4
7 Bolton 2 1 1 0 3 - 1 4
8 Birmingham 2 1 1 0 4 - 3 4
9 Tottenham 3 1 1 1 2 - 2 4
10 Blackpool 3 1 1 1 6 - 8 4
11 Fulham 3 0 3 0 4 - 4 3
12 Blackburn 3 1 0 2 3 - 4 3
13 Aston Villa 2 1 0 1 3 - 6 3
14 West Bromwich 2 1 0 1 1 - 6 3
15 Wigan 3 1 0 2 1 - 10 3
16 Sunderland 2 0 1 1 2 - 3 1
17 Everton 2 0 1 1 1 - 2 1
18 Liverpool 2 0 1 1 1 - 4 1
19 Stoke 3 0 0 3 2 - 6 0
20 West Ham 3 0 0 3 1 - 9 0

 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com