Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Mascherano oo ugu dambeyntii ku biiray Barcelona iyo wararkii Wargeysyada

Mascherano

27.08.2010, deeyoo.com.

Kooxda Liverpool ayaa ka iibisay Javier Mascherano kooxda Barcelona kadib markii kooxda Barcelona ay bixisay 17.25 Milyan oo gini.

sida lagu sheegay webseedka kooxda Barcelona ay shegaya in Hishiiskan uu dhaqan galayo marka xidigaan Mascherano uu maro caafimaadka.

Kooxda Barcelona ku xaqiijisay webseedkayda in ay hishiis la gaareen kooxda Liverpool isla markaana xidigaan uu qalinka ku duugayo  hishis afar sanno ah.

Webseedka ayay ku sheegtay kooxda Barcelona in faah faahin dheeraad ah ay ka bixin doonaan marka xidiga uu ku baaso caafimaadka laga qado.

Kooxda Liverpool ayaa kusoo iibstay  18 milyan lacago ku dhow xidigii hore ee qadka dhexe kooxda River Plate MAscherano iyadoo kazoo qaadatay naadiga West Ham laakin milkiyadiisa uu lahaa nin shaqsi ah,

Naadiga ku ciyaarta garoonka Anfield Liverpol ayaa horey u diiday lacago dhan 16 milyan oo gini todobo malin ka hor laakin markii xidigaan uu diiday inuu ciyaaro kulankii isninta ee man City ayay go’aan satay inay iska iibiso Liverpool waxayna sidoo kale aysan ciyaarsiinin kulanki koobka Yurub isreeb reebkiisa oo isku cel celis 3-1 kaga soo badisay kooxda Trabzonspor ee wadanka Turkiga ka dhisan.

Mascherano ayaa kusoo biiray kooxda Liverpool sanadkii 2007 kadib markii kaga soo biiray kooxda West Ham si amah ah laakin markii dambe ayuu kooxda u saxiixay hishiis afar sanno ah sanadki 2008.

Sanadki lasoo dhaafay ayay Barcelona ku fashilantay inay lasoo wareegto Mascherano sanadki tagay iyadoo sababaha ugu weyn ee uu kaga tagay Liverpool ay tahay iyadoo xaaskiisa ay ku cadaadisay xidiga in ay ka guuraan dalka ingiriiska oo ay la qabsan waysay cimilada dalka ingiriiska.

Xidigan Mascherano ayaa sidoo kale waxa doonaysay kooxda Inter Milan iyadoo Liverpool ay diiday inay ka iibiso xidigaan naadiga reer Talyaani.

“waxaan ka helnay warqad fax ah kooxda reer Talyaani ee Inter laakin wuxuu ahaa mid  kaftan ah fax-kaas ayuu yiri tababarahii hore ee kooxda Fulham ahna tababaraha  kooxda Liverpool Roy Hodgson.

But former Fulham boss Hodgson dismissed the offer from the Italian side saying: "We received a fax about Mascherano [from Inter], but it was a joke fax."

Dhinaca kale naadiga inter ayaa wali waxaa lala xiriirinayaa weeraryahanka Liverpool Dirk Kuyt.

Laakin kadib markii kooxda Liverpool ay u soo baxday koobka Yurub ayaa xidigii ciyaaray Finalka koobka adduunka Kuyt wuxuu sheegay inuu waqti kale siinayo garoonka Anfield oo ay ku ciyaarto kooxda Liverpool.

Wargaysyada iyo wararka ay qoren. 

Weeraryahanka kooxda Manchester City Emmanuel Adebayor ayaa go’aansaday inuu isaga tago naadigiisa ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada oo ku eg 31 bishan August.
Full story: Talksport  

Kooxda Tottenham ayaa wada hadalo la leh kooxda Ac Milan waxayna ka doonaysaa weeraryahanka wadanka Holland Klaas-Jan Huntelaar inay keento garoonka white Hart Line ee waqooyga magaalada London waxayna ku doonaysaa si amah ah iyadoo hadii uu anfaco kooxda Tottenham ay bixinayso 12 Milyan oo gini.
Full story: Daily Mirror  

Kooxaha Newcastle and West Hamayaa u hanqal taagaya weeraryahnakna Totenham Robbie Keane inay lasoo wareegaan kahor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada oo ku eg Talaadada.
Full story: Talksport  

Naadiyada Liverpool and Newcastle  ayaa si wada jir ah u doonaya xidiga garabka kooxda Marseille Hatem Ben Arfa oo 23 ir ah.sidoo kale waxaa xiisaynaysa kooxda reer Jarmal ee Werder Bremen.
Full story: Talksport  

Goolhayaha xulka Holland Maarten Stekelenburg ayaa sheegay in uu san ka tagaynin kooxda reer Holand ee Ajex iyadoo xidigaan ay xiiseynayso kooxda Arsenal.
Full story: Talksport  

Kooxda arsenal ayaa waxay waydiimo u dirtay gool hayaha kooxda Lile Mickael Landreau iyado wali ka harin doonisteeyda ku aadanaa gool hayaha Fulham. Mark Schwarzer.
Full story: Daily Mail  

Naadiyada Barcelona iyo Ac Milan ayaa gaaray hishiis uu Zlatan Ibrahimovic ku aadayo garoonka Sansiro ee magaalada Milano sida laga soo xigtay warbaahinta Spain.
Full story: imscouting.com

Weeraryahanka cusub ee koxda Manchester utd Bebe kaasi oo tababare Fergusen kusoo iibsaday 7.4 milyan isagoo aanan arag ciyaartiisa ayaa laga saaray tababarka xulka waaweyn ee Manchester utd kadib marki ciyaaryahankaas uu lahaan waayay orod iyo tababar heer naadi ah.
Full story: Daily Mail  

Tababaraha kooxda Arsenal Arsen Wenger ayaa mar kael ku celiyay dhaleeceyntiisa ku aadan kooxda Scock isagoo ku sheegay in naadigaas ay kubadda cagta u badashay sida kubadda Rugby-ka taasi oo ah kubad xoog iyo dagal ah.
Full story: Daily Star

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com