Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Xaflad lagu soo sagootinayey xulka qaranka 20-jirada Soomaaliya oo Nairobi lagu qabtay

27.08.2010, deeyoo.com.

Waxaa Hotel-ka Kiliminjaaro ee magaalada Nairobi xalay lagu qabtay xaflad heer sare loo soo agaasimay oo lagu sagootinayey Xulka qaranka k/cagta 20 sano jirada Soomaaliya , kuwaasoo dhawaan ka soo laabtay dalka dalka  Erataria oo ay kaga soo qeybgaleen tartankii dhalinyarada bariga iyo bartmaha africa.

 

Xafladaan sagootinta ah ee loo sameeyey xulka ayaa waxaa qabsoomideeda iska kaashaday jaaliyada spoortiga Soomaalida Kenya . naadiyada Banadir Telecom iyo Midnimo.

Anas Cali Max’ud gudoomiyaha jaaliyada sportiga Soomaalida Kenya oo munaasabadaas afurka iyo cashada ah ka jeediyey khudbad dheer ayaa marka hore u mahadceliyey marka hore dadaalka xulka ay muujiyeen cayaarihi ay cayaareen xili buu yiri dalka uu marayo xaalad adag .

 

Waxa uu Anas sheegay in xaflada ay iska kaashadeen qabashadeed jaaliyada uu madaxda ka yahay iyo sadex naadi oo heerarka kala duwan ah.

Waxa uu gudoomiye Anas u hambalyeeyey xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta doorashadii dhawaan la doortay hotelka Saxafi , waxaana uu ku amaanay hawlkarnimada hogaanka xiriirka iyo horumarka ay sameeyeen.

 

waxaa xulka u sameeyay Jaalliyadda Sports Soomaalida Nairobi, iyadoo munaasabadii xafladaasi ay ka soo qeybgaleen madaxda xiriirka k/cagta ee dalka kenya.

Xaflada Sagootinta oo iskugu jirtay Afur iyo Casho ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhamaan bahda Sports ee Nairobi ku sugan waxaana dadkii halkaasi ka hadlay ka mid ahaa Macalinkii hore ee xulka qaran haatana ah maamulaha kooxda k/cagta ee Soomaalida Nairobi Abdi Farah (Macalin Gella) oo ka war bixiyay kooxda Eastleigh Stars iyo guulaha ay gaartay isagoo sheegay in ay 20 kulan oo ay ciyaarta ay 17 ka mid ah badisay isla markaana ay kaalinta 2aad kaga jirto horyaalka heerka 3aad ee dalka kenya.

 

Macalin Geella macalinki hore ee xulka qaranka haantana ah macalinka kooxda Eastleigh oo isna xaflada ka hadlay ayaa ka warbixiyey kooxda Sastleiigh iyo heerarki ay soo martay waxuuna yiri.

 “ muhiimada kooxda loo dhisay ay tahay sidii ay u soo saari lahaayeen ciyaartoy Soomaaliya mustaqbalka anfacda isla markaana tartamada caalamiga ugu qeybgasha  iyadoo haatan 2 ka mid ah kooxad eastleight Stars ay xulka qaranka ee 17 sano jirda loo qaatay”:ayu yiri Macalin Geele.

 

Dhinaca kale Gudoomiyaha kooxda Midnimo Maxamed Salad Daqare oo xubnihii munaasabada ka hadlay ku jiray ayaa wuxuu sheegay in kooxdiisa ay 10 kubadood ay ugu deeqday kooxda Soomalida Nairobi ee Eastleight Stars isagoo isla goobta ku gudoonsiiyay, sidoo kale gudoomiye ku xigeenka kooxda Banadir Telcom Abuukar Mohamed Sheikh ayaa ciyaartoyda ku amaanay guusha ay ka gaareen 2dii kulan ee ugu horeysay isla markaana xiriirka k/cagta amaan u soo jeediyay.

 

Gudoomiyaha xiriirka k/cagta dalka kenya oo munaasabada ka soo qeybgalay ayaa sheegay inuu faraxsan yahay qaabka ay Soomalidu ku taageereyso xulkooda oo ay niyada ugu dhisayaan, wuxuu sheegay in xulka kenya aan sidaan oo kale loo sameyn marka ay tartamo ka qeybgalaaan.

 

Wuxuu macalinak xulka qaranka kula dardaarmay in ciyaartoyda 20 sano jirka iyo kuwo 17 sano jirka hal meel la iskugu geeyo mudo 4 sano ahna ay tababar qaataan , sidaasi hadii la sameeyo wuxuu sheegay in Soomaaliya ay dalalka barigu ay ka cabsan doonaan.

 

Si kastaba xafladii xalay ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u sareeya , waxaana marti sharafti kor joogtada ahed ka mid ahaa gudoomiyaha Somalia Youth advocacy Organazation SYAO Max’ed Ibraahim Cali.

 

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com