Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Liverpool oo dadaal weyn ugu jirto iney hesho saxiixa Pazzini iyo warar kale oo isboorti

Pazzini

27.08.2010, deeyoo.com.

Kooxda Liverpool ayaa waxay u dhaqaaqday weeraryahanka wadanka Talyaaniga Giampaolo Pazzini.

Tababaraha naadiga Liverpool Roy Hodgson ayaa u hanqal taagaya inuu gacanta kusoo dhigo Giampaolo Pazzini oo 26 jir ah.

Giampaolo Pazzini ayaa waxaa lagu qiimeeyaa gobolka lacago dhan 14 milyan oo Euro wana suura gal in lagu helo lacago intaa ka yar.

Weeraryahanka naadiga Sampadoria Giampaolo Pazzini waa mid uu ku doonayo tababare Hodgson inuu kaga baxo dhibaatada dhanka gool dhalinta ka heysata tababarahaas.

Giampaolo Pazzini oo mar lagu tilmaamay inuu yahay Roberto Baggio cusub ayaa horey ugu soo ciyaaray kooxda Fiorantina wuxuna goor dambe ku biiray kooxda ka dhisan gobolka Genoa ee Sampadoria.

Liverpool ayaa doonaysa inay xoojiso xulkeeda weerarka waxaana ay doonaysay xidigo badan waxaana kamid ah Carlton Cole oo West Ham u ciyaara iyo ciyaaryahan Gomes oo isna Bayern Munich u safta.

Kooxda Liverpool ayaa ah dhibaatada ugu badan ay ku heli la’dahay xidigo iyadoo naadiga ay la ciir ciireyso dhibaato dhanka dhaqaalo xumi ah iyadoo deyman badan lagu leeyahay raga reer Maraykan ee kooxda markii hore ku iibsaday lacago amaah ah.

Bankiga Royal Bank oo ku yaala dalka Scotland ayaa ku leh naadiga lacagaha ugu badan waxaana jiray in dhawaanahan ay doonayeen ganacsato u kala dhalatay dalalka Shiinaha,Kuwait,Suuriya iyo India kuwaas oo dhamaan dalab u diray.

Ganacsade u dhashay dalka SHiinaha ayaa si weyn u doonayay inuu iibsado kooxda waxaana uu ku dhawaaday inuu la wareego gabi ahanba kooxda horaantii bihshan August laakin waxaa dib u dhigay kadib markii nimanka leh kooxda ay sheegeen inay ku doonayaan lacago dhan 600 Milyan oo gini taasi waa mid sababtay inuu diido taajirka reer Shiine inuu kooxda la wareego.

Sidoo kale waxa jiray ganacsade u dhashay dalka India oo kamid ah 10 nin ugu taajirsan caalamka kaasi oo isna 18-kii bilood ee ugu dambeeyay lala xiriirinayay kooxda Liverpool laakin waxay isku af garan waayeen isaga iyo milkiilayaasha kooxda Liverpool lacagaha lagu iibinayo.

Waxaa jiray nin taajir ah oo u dhashay dalka Kuwait kaasi oo ku ira liiska 40-ka qof ee ugu taajirsan caalamka waxaana lagu magacaabayay Al Kharafi wuxuu taageero muddo u ahaa naadiga Liverpool ilaa yaraantiisa wuxuuna arkay kooxda oo la ciir ciirayso dhibaato dhanka dhaqaalaha ah wuxuuna u diray dalka ingiriiska wakiilo dalaaliin ah oo isaga ka socda laakin waxay isku af garan waayeen lacagaha lagu iibinayo sidii ay isugu af garan waayeen raga kale ee kooxda doonayay.

Bartamihii bishan ayaa bankiga Royal Bank wuxuu ku hanjabay inuu xaraasho kooxda Liverpool si uu u hello lacagaha deeymaha ah ee uu ku leeyahay naadiga Liverpool raga leh taasoo la sheegay haddii ay gaarto bisha October ay kordhayso lacagaha Dulsaarka ama Ribada ah ee lagu yeelanayo nimanka reer Maraykan eel eh Liverpool.

Wargaysyada iyo wararka ay qoreen.

Kooxda Manchester City ayaa waxay kula dagaalamaysaa naadiga Ac Milan weeraryahanka Barcelona Zlatan Ibrahomovic. 

Naadiga Man City ayaa doonaysa inay ku wareejiso Barcelona Robinho si ay ugu hesho xidiga Zlatan Ibrahomovic, oo si weyn loola xiririnayay naadiga Ac Milan inuu u ciyaaro isla markaana uu dib ugu laabto garoonka San Siro ee magaalada Milan halkas oo horey uu ugu soo ciyaaray kooxda ah horyaalka Talyaaniga iyo yurub ee Inter Milan.
Full story: imscouting.com

Naadiga inter ayaa soo bandhigtay mar kale dalab ay ku doonayso kabtanka wadanka Argentina Javier Mascherano. 

Inter Milan ayaa ku doonaysa 20 Milyan Javier Mascherano oo 26 jir ah kaasi oo sidoo kale ay bar tilmaameedsanayso kooxda Barcelona.
Full story: the Sun  

Tababaraha kooxda Liverpool Roy Hodson ayaa dhaleeceeyay tababarihii kaga horeeyay kooxda Liverpool isagoo ku eedeyay inuu doonayo inuu ka qixiyo xidigaha ku sugan garoonka Anfield isla markaana uu geeyo kooxda inter waxana kamid ah Dirk Kuyt iyo Javier Mascherano.
Full story: Daily Mail  

Naaadiga Chelsea ayaa dib u soo cusboonaysiisay xiisaha ay u qabto 18 jirka wadanka Braziil Neymar kadib todobaad uu xidigaan u saxiixay hishiis cusub oo shan sanno ah naadigiisa Santos.
Full story: Daily Telegraph  

Xidiga daafaca wadanka Argentina iyo kooxda Bayern Munich Martin Demichelis ayaa gaashanka ku dhugtay oo diiday dalab 10 milyan ah oo ugu yimid kooxda Chelsea isla markaana uu doonayo xidigaan inuu ku biro naadiga wadanka Spain ka dhisan ee Sevilla.
Full story: Daily Mail  

Naadiga Man City ayaa rajo ka qabta inay hesho Robinho ka hor inta uusan xermin suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada 31 bishan iyadoo weeraryahanka reer Braziil Robinho uu diiday inuu ku biro naadiga reer Turki ee Fenerbahce.(the Times) 

Kooxda fulham ayaa lasoo saxiixatay xidiga daafaca wadanka Mexico iyo kooxda  PSV Eindhoven Carlos Salcido oo 30 jir ah  kadib iyadoo doonaysa inuu badal u noqdo xidiga lala xiririnayo kooxda Liverpool ee Paul Konchesky.
Full story: Daily Mail

Kooxda West Ham ayaa doonaysa inay lasoo wareegto weeraryahanka kooxda Juventus iyo wadanka France David Trezaguet oo ay bar tilmaameedsanayaan kooxo ay kamid yihinLiverpool, West Brom and Aston Villa oo dhaman xiiso u qaba 32jirkaas reer France. 

Full story: Daily Mirror

 

Sidoo kale kooxda West Ham ayaa rajo ka leh inay soo gabo gabeeyso saxiixa weeraryahanka wadanka Nigeria iyo kooxda Inter Milan Victor Obinna.

Full story: the Sun

 

Tababarihii hore xulka Ingriiska Sven-Goran Eriksson aya xiiseenaya inuu noqdo tababaraha xiga ee xulka Ukraine iyadoo dalkaas uu isku diyaarinayo marti galinta koobka qaramada yurub sanadka 2012-ka oo ay si wada jir ah ay u marti galinayaan isaga iyo wadanka Poland. 

Full story: Daily Mail

 

 

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com