Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Alberto Aquilani oo si rasmi ah ugu biiray Juventus iyo wararkii Wargeysyada

Alberto Aquilani

26.08.2010, deeyoo.com.

Xidiga qadka dhexe ee kooxda Liverpool iyo wadanka Talyaaniga Alberto Aquilani ayaa si rasmi ah ugu biiray naadiga wadanka talyaaniga ka dhisan ee Juventus oo ku qaadatay xidigaan si amah ah.

Labada koox ayaa gaaray hishiis ku aadan sidii 26 jirka reer Talyaani Alberto Aquilani uu dib ugu laaban lahaa dalkiisa Talyaaniga isagoo ku biiraya kooxda faca weyn ee  Juventus.

Alberto Aquilani ayaa ugu biiray Juventus hishiis amah hal sanno ah taasii kooxda Juventus hadduu anfaco ay ku qaadan karaan 13 Milyan oo Gini oo u dhiganta 16 Milyan oo Euro.

Liverpool oo xidigaan Alberto Aquilani  kazoo iibsatay naadiga Roma bishi August 2009 kadib 20 Milyan ay kaga soo qaaten ayuu ku fashilmay in wax saamayn ah uu ku yeesho koxda isagoo xidigaan laga saaray xulka Liverpool ee todobaadkii lasoo dhaafay la ciyaarayay kooxda Trabzonspor kulan ka tirsanaa is reeb reebka koobka Europa League.

Alberto Aquilani ayaa u saftay xulka talyaaniga 11 kulan laakin waa laga tagay koobkii adduunka isagoo kaliya 28 kulan u ciyaaray kooxda Liverpool oo inta badan uu badal kusoo galayay ama la badalayay wuxuna u dhaliyay 2 gool oo kaliya.

Juventus ayaa xoojisay xulkeeda iyadoo sidoo kale lasoo wareegtay xidiga caalamiga wadanka Serbia Milos Krasic oo ay kazoo iibsadeen kooxda CSKA Moscow wuxuna ugu kacay saxiixaas 12 Milyan oo gini.

Sidoo kale xidiga wadanka Hungray ee weerarka ugu ciyaarayay koxda Liverpool Krisztian Nemeth ayaa ku biiray kooxda reer Greece ee Olympiacos.

Krisztian Nemeth oo 21 jir ahaa ayaa kaga soo biiray kooxda Liverpool naadiga MTK Hungaria saddex sanno ka hor laakin marnaba uma ciyaarin kooxda Liverpool.

Wararkii Wargeysyada

Naadiga Liverpool ayaa wada xaajood kula jirta naadiga Real Madrid iyadoo ka doonaysa inay ganacsi kala samayso xidiga qadka dhexe ee wadanka mali iyo kooxda Real Madrid Mahamadou Diarra.
Full story: IM Scouting

Kadib markii kooxda Liverpool looga adkaaday 3-0 ayaa waxaa tababare Roy Hodgson uu ku celiyay inuu u baahan yahay weeraryahan wuxuuna dib u soo cusboonaysiiyay rabitaankiisa ku aadan weraryahanka kooxda West Ham Carlton Cole waxayna ku doonayaan 6 milyan xidiga 26 jirka wadanka ingiriska.
Full story: Daily Mirror

Tababare Roy Hodgson ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay sababaha ku qasbaya Javier Mascherano,inuu ku biro Barcelona kana tago Liverpool ay tahay arrimaha qoyska isla markaana uu u sheegay Barcelona inay bixiso lacago ka badan 18 Milyan todobaadkan daba yaaqadiis.
Full story: Daily Mail

Kooxda Barcelona ayaa soo bandhigtay xidigaha kala ah Alexander Hleb iyo Martin Caceres inay qeyb ka noqdaan qorshaha Mascherano ay kaga iibsanayso Liverpool.
Full story: the Guardian

Haddii Liverpool ugu dambeyn ay fasaxdo Mascherano ayay u dhaqaaqaysaa xidiga kooxda Marseille ee 7 milyan lagu qiimeeyo Hatem Ben Arfa.
Full story: Daily Star

Kooxda Chelsea ayaa waxay doonaysaa daacada kooxda Inter Nicolas Burdisso iyadoo doonayso inay ku buuxiso booska uu baneeyay Ricardo carvalho.oo ku biiray Real Madrid.
Full story: Daily Mirror

Dalaaalka caanka ah ee Keith Harris ayaa sheeegay inuu iibinayo kooxda Liverpool isla markaana uu ku iibinayo lacago dhan 500 milyan oo gini.

Dalaalka caanka ah Keith Harris ayaa ah dalaalkii iibiyay kooxaha West Ham, Aston Villa and Manchester City oo ka iibiyo ganacsato aan u dhalanin dalka Ingiriiska wuxuuna haatan sheegay in maal qabeenada reer Maraykan ee leh Liverpool ay isaga ku wargaliyeen in uu ku iibiyo kooxda lacago dhan 500 milyan oo gini.
Full story: Daily Express

Jose morrinho ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday tababraha wadanka Ingriiska Fabio Capello oo shegay in capello uu ku qeyliyo ciyaaryahanada isla markaana iyaga aysan u dul qaadan Karin qeylada oo aysan ka hoos ciyaari Karin.

Full story: Daily Mirror

 

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com