Home
Somali Music
Somali video's
Chat Sports
Sports talk
Contacts
Click here to all somali links
Downloads
Useful Links
Horyaalka Talyaaniga oo bilaabanaya, Yaa celin kara Inter??
26.08.2010, deeyoo.com.
Naadiga inter ayaa waxay noqotay horyaalka Talyaniga sanadihii ugu dambeeyayna ay iska mamulanaysay horyaalka talyaaniga iyadoo Kapo ah ah kubadda cagta Talyaaniga waxayna xiligii lasoo dhaafay ku darsatay kaabo nimada Yurub iyadoo ah horyaalka Yurub haatan.
Waxaa jira suaal lays weydiinayo oo ah yaa celin kara Inter oo kula dagaalami kara horyaalka Talyaaniga iyadoo kooxaha Juventus iyo Ac Milan ay ku fashilmeen in ay is hor taagan dar darka Inter ay ku socotay sanadihii tagay.
Nina waayaha xira qofna waqtigaa saaacida kooxaha Juventus iyo Ac Milan xili ayay ahaayeen naadiyo awood ku leh kubada cagta Talyaaniga iyadoo Inter ay mar kasto suuqa kazoo iibsato xidigo dhaxal gal ah ay wax horyaal ah qaadi waysay.
Kooxda Inter Milan waxaa u soo ciyaaray Roberto Baggio iyo Ronaldo kuwaas oo waayihii ay joogeen kooxda wax horyaal ah ay qaadi waysay iyadoo Juventus ay ahayd mid isaga xarakoonaysay guulaha horyaalka Talyaaniga iyadoo wixii kazoo hara ay Ac Milan wada u taagneyd wixii intaa sii dhaafana waxaa labo jeer horyaalka talyaaniga uu aaday magaalda Caasimadda ee Roma iyadoo naadiyada Lazio iyo Roma ay qaaden labo sanno oo is xig xiga iyadoo Juventus ay kaalinta 2-aad ka galaysay.
Shaki kuma jiro in Juventus r ay tahay kooxda ugu guulaha badan horyaalka Talyaaniga iyadoo qaaday 27 jeer 1905, 192526, 193031, 193132, 193233, 193334, 193435, 194950, 195152, 195758, 195960, 196061, 196667, 197172, 197273, 197475, 197677, 197778, 198081, 198182, 198384, 198586, 199495, 199697, 199798, 200102, 200203 waliba ay intaa u sii dheereed in labo koob laga tiray kadib fadeexad lasoo darastay naadigaas waxaana ay kaalinta 2-aad ay ka gashay oo laga qaaday horyaalka Talyaaniga 21 jeer.
Inter Milan waa kooxda 2-aad ee ugu guulaha badan horyaalka talyaaniga iyadoo ku guulaysatay 18 jeer 190910, 191920, 192930, 193738, 193940, 195253, 195354, 196263, 196465, 196566, 197071, 197980, 198889, 200506, 200607, 200708, 200809, 200910 waxaana laga qaaday 13 jeer oo ay kalinta 2-aad ka gashay horyaalka Talyaaniga.
Ac Milan waa naadiga 3-aad ee ugu guulaha badan horyaalka Talyaaniga iyadoo qaaday 17 jeer 1901, 1906, 1907, 195051, 195455, 195657, 195859, 196162, 196768, 197879, 198788, 199192, 199293, 199394, 199596, 199899, 200304 waxaana laga qaaday 15 jeer iyadoo horey u ahayd kooxda 2-aad ee ugu guulaha badan .
Kooxda 4-aad ee ugu guulaha badan horyaalka Talyaaniga waa Genoa taso ku guulaysatay ilaa 9 jeer horyaalka talyaaniga.
Kooxda Inter waxay doonaysa inay markeedii 6-aad ee is xig xiga ay qaado horyaalka Talyaaniga iyadoo naadiyada Juventus iyo Ac Milan ay yihiin kuwo aanan laga sugaynin in ay celiyaan Naadiga Internazionale ama Inter Milan.
Kooxda Inter waa naadiga kaliya ee aan dib ugu laabanin heerka 2-aad ee Serie B iyadoo ay ku wehlisay kooxda Juventus laakin 2006 lagu ganaaxay inay dib ugu laabato heerka B kadib fadeexadii ruxday kubada cagta Talyaniga.
Hadaba kooxaha ka qeyb galaya xiligaan serie A waxaa kamid ah.
Roma
Kooxdan waxay matasha magaalada caasimadda wadanka Talyaaniga waxayna tahay mid qal qal galisay iskana dhigtay inay hor istaagi karto kooxda Inter kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalka oo noqotay in la sugo ilaa ciyaarta ugu dambeyso ee horyaalka Talyaaniga.
Kooxda Bari.
Naadigaan ayaa waxay kamid tahay kooxaha sida wanaagsan ugu soo dukaamaystay suuqa kala iibsiga xidigaha.
Kooxda Bologna
Naadiga Bologna waxay sanadkaan doonaysaa inay horumar ay samayso iyadoo kooxdaas ay yeelatay milkiile cusub waana Sergio Porcedda wuxuuna dalbanayaa horumar dhab ah inuu hello real progress waxayna ka bad baaday xilligii dhamaaday heerka 2-aad ee Serie B inay u laabato.
Kooxda Brescia.
Naadigaan xilligaan waxay maraysaa waaya heedi ugu xumaa dhanka lasoo wareegitaanka xidigaha iyadoo dhaqaalo daro ay heyso kooxdan oo aanan u dhaqaaqi Karin suuqa kala gadashada xidigaha.
Naadiga Catania Calcio.
Haddii ay jiraan ciyaaryahano kooxdan ka dhigi kara mid caan ah ayaa waxay kooxdan si weyn ugu soo dukaamaysataa ciyaaryahanada u dhashay dalka Argentina oo ay si weyn u jeceshahay.
Kooxda Cesena
Naadigaan waxay doonaysaa inay ka baxdo walaac muddo ay ku jirtay iyadoo si weyn u jeclayd inay u soo baxdo heerka 1-aad horyaalka Talyaaniga Serie A,waana markii ugu horeysay ee kooxda Cesena ay u soo baxday heerkan tan iyo 1991-dii.
Chievo
Kooxdan mar kale ayay dagaal u galaysaa inay sii joogto horyaalka Serie A iyadoo kooxdan ku dhawaatay inay dib ugu laabato heerka B ee Talyaaniga waana mid kamid ah naadiyo ku faraxsan ka ciyaaridda horyaalka heerka 1-aad Serie A ee Talyaaniga.
Fiorentina.
Ala maxay kooxdan tahay naadi wanaagsan oo magac ku leh wadanka Talyaaniga waxayna kadhisan tahay magaalada Florence waxayna ku ciyaartaa garoonka Stadio Artemio Franchi waxaana kooxdan dib ugu soo laabatay heerka 1-aad ee horyaalka Talyaaniga sanado ka hor kadib markiii lagu eedeeyay inay ku lug lahaatay fadeexaddii gil gishay kubadda cagta Talyaaniga ee CalcioPoli.
Genoa.
Kooxdan waxay ka gashay kaalin dhexe horyaalkii dhamaday waxayna doonaysa inay gaarto mid ka wanagsan heerkii hore.
Lazio
Kooxdan waxay tahay mid aan laga sugaynin inay qabato wax badan waxayna xilligii tagay mar ku sigatay inay dib ugu laabato heerka Serie B laakin qeybtii dambe ee horyaalka ayay la timid dhibco wanaagsan.
Lecce.
Kooxdan ayaa dib ugu soo laabatay Serie A sanadkaan waxayna doonayaan in xilligaan ay u dagaalamaan si ay ugu sii nagaadaan kaliya heerka 1-aad horyaalka Talyaaniga.
Napoli.
Kadib markii kooxdan ay ku dhamaysatay kaalinta 6-aad xilligii tagay isla markaana ay boos ka heshay koobka Europa League waxayna doonayaan mar kale in ay helaan boos wanaagsan xilliga bilaabanaya.
Parma
Kooxdan waxay ka gashay kaalinta 8-aad horyaalkii dhamaaday ee Talyaaniga waxayna saddex dhibcood ka dambeysay naadiga Juventus waana mid ciyaaro wanaagsan ka samaysay horyalkii tagay waxayna sugaysaa xiligaan mar kale inay ciyaaro wanagsan soo bandhigto.
Palermo
Gudomiyaha kooxdan Maurizio Zamparini wuxuu qiray goor hore oo xilliga fasaxa ah inuu doonayo inuu galo afarta koox ee ugu sareysa horyaalka Talyaaniga ee Bilaabanaya wuxuuna sheegay in dagaal uu u gali doonno.
Sampdoria
Naadigan Sampdoria waxay ka madax adeegaysaa inay suuqa kazoo iibsato xidigo ku filan iyadoo sheegtay inay dagal u gali doonto kaalimaha hore ee horyaalka Talyaaniga ee bilaabanaya.
Udinese.
Kooxda Udinese waxay ku dhamaysatay boos 9 dhibcood ka sareeya heerka dib ugu laabashada horyaalka Serie B,inkastoo ay samaysay qalaadaad iyo qasaarin dhibco badan hadana uma xumayn booska ay ka gashay kii dhamaaday
Axmed Mooge Xafiiska Deeyoo Muqdisho axmed_mooge@hotmail.com
00252615140242
deeyoo_edit@hotmail.com
Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
Listen & Download
Qur'an Karim 8 Tajwid like = El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more
Daawo Sallaxley TV
Fiirso Universal TV.
Fiirso Warsan TV.
©2009 www.deeyoo.com