Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Isku aadka Champions League oo la sameeyey Milan iyo Real Madrid oo mar kale kulmaya

26.08.2010, deeyoo.com.

Waxaa caawa la sameeyey isku aadka tartanka ugu xiisaha badan aduunka ee ay kooxo ku tartamaan Champions League oo lagu qabtay magaalada Nyon ee dalka Switzerland oo xarun u ah xiriirka kubada cagta ee yurub UEFA.

Guruubka G ayaa u muuqda kan ugu culus tartanka sanadkaan iyadoo ay isku arki doonaan kooxaha Real Madrid iyo AC Milan oo 1aad iyo 2aad kaga kala jira kooxaha ugu guulaha badan tartankan iyadoo marka lagu daro kooxda Ajex oo guruubkan ku jirto ay kooxahan hanteen 20 ka mid ah 55kii koob ee hore loo soo cayaaray tartanka horyaalada kooxaha Yurub ee Champions League.

Real Madrid oo shantii sano ee ugu dambeysay ku fashilantay iney soo dhaafto querter finaalaha Champions League ayaa lagu ciqaabay in lagu daro kooxaha qiimeynta 2aad taasoo iska cadeyd iney ku guruub noqoneyso mid ka mid ah kooxaha ku jira qiimeynta 1aad waxeyna isku soo aadeen kooxda Milan, Qiimeynta 3aad ayeysan helin koox sahlan waxaana kusoo biiray kooxda Ajex oo magac iyo maamuus ku leh taariikhda tartankan halka kooxda qiimeynta 4aad ay kaga soo aaday kooxda Auxerre ee dalka Faransiiska oo aheyd tan ugu culus qeybtaas.

Labadan koox ee Milan iyo real Madrid ayaa sidoo kale isku guruub ahaa sanadkii hore iyadoo kulankii Madrid ay AC Milan kusoo badisay 3-2 halka kii San Siro ay min 1 gool isla dhaafi waayeen.

Kooxda heysata horyaalnimada Yurub ee Inter ayaa iyana helay guruub adag inkastoo marka loo fiiriyo kan G uu ka fudud yahay, Inter waxey isqaabili doonaan kooxaha Werder Bremen, Tottenham iyo kooxda reer Holland ee Twente oo ay ku kulmi doonaan guruubka A.

Kooxaha kale ee dalka Ingiriiska ee Manchester U. Chelsea iyo Arsenal ayaa helay guruubyo sahlan halka kooxda Barcelona ay sidoo kale nasiib u heleen guruub fudud.

Kulanka finaalaha sanadkan ee Champions League ayaa lagu qaban doonaa garoonka weyn ee Wembley ee dalka Ingiriiska 28ka Maajo 2011ka hadii Alle idmo.

Isku adka oo dhameystiran:

Group A Group B
Inter Olympique Lyonnais
Werder Bremen Benfica
Tottenham Hotspur Schalke
Twente Hapoel Tel-Aviv
 

Group C

 

Group D

Manchester United Barcelona
Valencia Panathinaikos
Rangers FC Copenhagen
Bursaspor Rubin Kazan
 

Group E

 

Group F

Bayern Munich Chelsea
Roma Marseille
Basel Spartak Moscow
CFR Cluj MSK Zilina
 

Group G

 

Group H

AC Milan Arsenal
Real Madrid Shakhtar Donetsk
Ajax Sporting Braga
Auxerre Partizan

Xidigaha kooxda Inter ayaa isku darsadey abaalmarinadii xafladan laga bixiyey sida , goolhayaha tartankaas oo lasiiyey Julio Cesar, Daafacii ugu wanaagsanaa waxaa la siiyey Maicon, Xidiga qadka dhex waxaa lasiiyey Wesley Sneijder halka Diego Milito uu gudoomay cayaaryahanka tartankii hore ee Champions League iyo gooldhaliyihii ugu wanaagsanaa.

 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com