Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Inter oo soo bandhigtay qiimaha ay ku dooneyso Kuyt, Arsenal oo daafeceeda xoojineysa iyo qubanayaal kale

24.08.2010, deeyoo.com.

Inter oo 15 Milyan ku doonayso weeraryahanka Liverpool  Kuyt.

Tababaraha kooxda Inter Rafa Benitez ayaa diyaar u ah inuu 15 milyan kula soo wareego weeraryahanka doonaya inuu isaga tago Liverpool ee Dirk Kuyt.

Benitez oo horey macalin ugu ahaa kooxda Liverpool ayaa si weyn ula dhacsan weeraryahanka wadanka Holland Kuyt kaasi oo uu u arko mid kala shaqeyn kara wadanka Talyaaniga.

Inkastoo kooxda Liverpool ay sheegtay in xidigaan uusan iib ka ahayn ayaa tababaraha cusub ee Liverpool Roy Hodgson wuxuu sheegay inuu la hadlay maalqabeenka Inter Massimo Moratti isla markaana uu sheegay in uu rajo ka qabo midkoodna uusan ka tagaynin kooxda Liverpool Kuyt iyo Mashcerano.

Xidiga wadanka Holland Kuyt wuxuu ciyaaraya kulamada Liverool ee ugu soo horeeya laakin wada hadalada ayaa ah kuwo dib loo amba qaadi doonno.

Kuyt wuxuu u sheegay wargays kazoo baxa dalka Holland todobaadkii lasoo dhaafay in saraakiisha Liverpool ay ku wargaliyeen in ay warqad  fax ka heleen kooxda inter oo ay ku doonayso weeraryahanka Liverpool iyo wadanka Holland Dirk Kuytl.

Kooxda Inter ayaa la rumaysan yahay in ay soo bandhigtay lacago kaash ah oo ay dheeryihin xidigo ka tirsan kooxda Inter oo lagu wareejiyo Liverpool si ay u heleen Kuyt.

Kooxda ah horyaalka yurub iyo horyalka Talyaniga inter Milan ayaa soo bandhigtay lacago kaash ah oo dhan 15 Milyan halka Liverpool madaxdeeda ay ku wargaliyeen Inter xidigaha Victor Obinna iyo Suley Muntari iyo lacago kaash ah ay keenan haddii ay doonayaan Dirk Kuyt.

Dhinaca kale kooxda Liverpool ayaa baadi goob ugu jirta inay hesho xidig qadka dhexe kadib markii uu kooxda si amah ah ugu tagay wiilka reer Talyaani Alberto Aquilani,kaasi oo ku biiray Juventus.

Kadib xilli dhaawacyo ay ruxeen Alberto Aquilani, ayuu ka qaaday niyad jab isla markaana uu la qabsan waayay cimilada dalka ingiriska oo ka duwan mida talyaaniga.

Kaliya iyadoo suuqa kala iibsiga ay ka harsan tahay wax ka yar 10 maalmood ayay Liverpool doonaysaa in ay lasoo wareegto weeraryahanka wadanka Sweden iyo kooxda PSV Eindhoven Ola Toivonen.

Inkastoo tababaraha kooxda PSV Fred Rutten uu sheegay shalay in uu isku dayayo inuu kansalo qorshaha Liverpool ay ku doonayso xidiga Ola Toivonen.

Sebastien Squillaci oo ku biiray Arsenal.

Kooxda Sevilla ayaa xaqiijisay in ay ka iibisay Arsenal daafacooda reer France Sebastien Squillaci.

Sebastien Squillaci ayaa maraya caafimaadka kooxda Arsenal kadib markii 6.5 Milyan ay ku iibsatay kooxda Arsenal.

War qoraal ah oo lagu daabacay webseedka kooxda Sevilla ayaa lagu sheegay in Sebastien Squillaci uu u socdaalay magalada London isagoo maraya tijaabo dhanka caafimaad cabka xidiga isla markaana labada naadi ay ku hishiiyeen lacago dhan 6.5 Milyan oo gini.

Sebastien Squillaci oo 30 jir ah ayaa tababaraha Arsenal Arsen Wenger wuxuu doonayaa inuu ku xoojiyo xulkiisa daacafa kadib markii ay kooxda ka tageen daafacyada kala ah William Gallas, Mikael Silvestre, Sol Campbell iyo Philippe Senderos.

Daaficii hore kooxda lagu naanayso Les Gones waa Lyone Sebastien Squillaci ayaa ku biiray kooxda Sevilla labo sanno ka hor isagoo aanan ciyaarin kulankii is reeb reebka koobka Horyaaliinta naadiyada Yurub ee todobaadkii lasoo dhaafay ay kooxda Sevilla la ciyaartay kooxda Braga.

Kooxda Schalke 04 oo doonaysa Julia Baptista.

Kooxda ka dhisan wadanka Jarmalka ee Schalke ayaa waxay doonaysa in ay la wareegto weeraryahanka wadanka Braziil Julio Baptista.

Julio Baptista oo ku sugan kooxda Roma ayaa waxay ku doonaysa kooxda Schalke in 5 Milyan oo Euro ku iibsato.

Naadiga Roma oo ah kooxda leh Julio Baptista ayaa iyana diyaar u ah in xidigaan ay iska iibiso isagoo ku fashilmay inuu la qabsado kubadda cagta Talyaaniga.

Weeraryahanka kooxda Giallorossi xidiga lagu naanayso The Beast ama xayawaanka waa Julio Baptista ayaa waxaa tababare Felix Magath doonayaa inuu ku xoojiyo xulkiisa.

sida uu qorey wargayska L’equipe ayaa kooxda Schalke ayaa diyaarinaysa lacago dhan 5 milyan. 

Kooxda West Ham oo doonaysa Victor Obinna.

Weeraryahanka kooxda inter ayaa lagu wadaa inuu wada hadalo la qaato kooxda ka dhisan bariga magaalada London ee West Ham.

Kooxda Hammers-ka West Ham ayaa doonaysa inay xoojiso xulkeeda weerarka isla markaana ay doonaysa weeraryahanka wadanka Nigeria iyo kooxda Inter Victor Obinna.

Tababaraha yuhudka ah ee layliya kooxda West Ham Avram Grant ayaa xiiseenaya inuu hello xidiga xoogan ee 23 jirka kooxda Inter iyadoo Obinna uu u duulayo magaalada London todobaadkan si uu wada haladalo ula qaato kooxda West Ham.

 

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com