Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Milan oo ku dhow iney amaah kula soo wareegto Zlatan, Barcelona oo aan weli ka quusan Fabregas

24.08.2010, deeyoo.com.

Kooxda Ac Milan ayaa xaqiijisay inay xiiseynayso xidiga jabhada ka ah kooxda Barcelona Zlatan Ibrahimovic in ay lasoo wareegto iyadoo tababaraha kooxda Barcelona Guardiola isna uusan niyad u heynin Zlatan Ibrahimovic.

Bixitaanka xidigan reer Sweden Zlatan Ibrahimovic ayaa ugu kici karta kooxda Ac Milan lacago dhan 8 milyan oo gini taasoo ah mushaarada xidigaan uu ka qaato hadda Barcelona sanadkii iyadoo gudoomiyaha Barcelona Sandro uu isaga sheegay inuu haatan u baahan yahay kaliya Febrigas.

Weeraryahanka wadanka Sweden Zlatan Ibrahimovic ayaa jecel inuu dib ugu laabto magaaladii uu kaga soo biiray Barcelona ee Milan kadib marki Barcelona ay 45 Milyan uu kaga soo biiray hal xilli ka hor oo inter Milan ay kazoo iibsadeen waxana Tababaraha Barcelona Peb Guardiola uu shegay inuu diyaar u yahay inuu kooxda ka fasaxo Zlatan Ibrahimovic.

Dhinaca kale Kooxda Barcelona ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in suuqa ay kazoo iibsato xidigaha kala ah Febrigas iyo Mascherano kuwaas oo ah xidigaha ugu muhiimsan oo xiligan ay indhaha ku hayso.

Ka dib markii koxda Barcelona ay lasoo wareegtay David Villa ayay sheegtay kaliya in ay u baahan tahay xoojinta qadka dhexe iyadoo labadaan xidig Mascherano iyo Febrigas ay u aragto inay yihiin kuwa kaliya ay kusoo gaba gabayn karto suuqa kala iibsiga.

Tababaraha kooxda Barcelona Guardiola wuxuu sheegay in Zlatan Ibrahimovic uu ka maarmay isla markaana uu heysto weeraryahano sida Pedro iyo Bojan kuwas oo u dhashay wadanka Spain isla markaana Villa iyo Messi iyana uu ka sugayo dhalinta golal kaliya waxa uu u baahan yahay ay tahay inuu iska dhiso qadka dhexe.

Tababaha cusub kooxda Ac Milan Massimiliano Allegri ayaa sheegay inuu jeclaan laha inu helo weeraryahankii hore kooxda ood wadaaga yihiin ee Inter Milan Zlatan Ibrahimovic.

Naadiga Ac Milan ayaa suura gal ah inay u dirto Marco Borriello horyaalka La Liga Spain iyo kooxda ah horyaalka dalkaas ee Barcelona.

Marco Borriello ayaa qeyb ka noqonaya qorshaha Ac Milan ay ku doonayso Zlatan Ibrahimovic oo si weyn ay ugu hanqal taagayso.

Sida ay sheegayan wararka ka imaanaay kooxda Rossoneri ayaa sheegaya in ay rajo wanaagsan ka qabto Ac Milan in ay hesho weeraryahanka wadanka Sweden Ibrahimovic.

Kooxda Ac Milan waxay xiiso u qabtaa inay lasoo wareegto xidig leh magac weyn ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Salvatore Bocchetti.

Kooxda Ac Milan ayaa waxay wada hadal kula jirtaa daafaca naadiga Genoa Salvatore Bocchetti kaasi oo sidoo kale lala xiriirinayay kooxda Juventus todobaadkii lasoo dhaafay.

Daafaca qalbada dhexe Salvatore Bocchetti ayaa ah mid si weyn ay Ac Milan u dooonayso isagoo sidoo kael musharax ah inuu kamid noqdo xulka qaranka wadanka talyaaniga.

Salvatore Bocchetti sidoo kale wuxuu ka ciyaari karaa daafaca bidix dambe iyadoo Ac Milan ay u adeegsan doonto boosaskaas.

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com