Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Mesut Ozil muxuu kusoo kordhin karaa Real, xidigo badan oo qax ka ah Real Madrid

 

21.08.2010, deeyoo.com.

Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Morrinho ayaa waxa uu sheegay kadib markii uu lasoo wareegay Mesut Ozil in uu hellay xidiga 10- ka sanno soo socda kooxda Real Madrid ka caawin doono inay qaadaan koobab.

Xidiga qadka dhexe wadanka Jarmalka Mesut Ozil ayaa Real Madrid waxay kusoo iibsatay 12.4 Milyan oo gini oo ay kaga soo iibsadeen kooxda Werder Bremen ee dalka Jarmalka.

Waa ciyaar yahan kaasi oo u ciyaari kara Real Madrid 10 ka sanno ee soo aadan ayuu yiri Tababarihii hore ee kooxda Chelsea Jose Morrinho

Jose Morrinho ayaa sheegay in Mesut Ozil uu yahay xidig mustaqbal ifaya ku yeelan kara kooxda Real Madrid isla markaana uu kooxda u sii ciyaari karo muddo 10 sanno ah wuxuuna hadalkaan u sheegay jariiradda Marca kadib markii kooxdiisa ay bar baro 1-1 la galen naadiga ka dhisan wadanka Beljamka ee Standard Liege wuxuna ahaa kulankaas kulan saaxibtimimo.

Kadib markii Mesut Ozil la xaqiijiyay inuu u wareegay Real Madrid ayaa qaar kamid ah warbaahinta waxay qoreen hal ku dhigyo ay kamid tahay Galacticozil: oo ay kaga jeedaan Ozil in uu yahay mid Galatikada Real Madrid ah.

Real Madrid ayaa waxay ku heshay Mesut Ozil qiimo yar marka loo eego xidigan sida suuqa codsiyada ugu imaanayeen waliba ay isku heysteen kooxaha Barcelona,Manchester,Chelsea,arsenal iyo naadiyo kale.

Imaatanka Mesut Ozil kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay wadada u xari doonto ka tagista kooxda Real Madrid in ay ka tagaan xidigo kale.

Mesut Ozil wuxuu kusoo biiray Real Madrid xilli kooxdas uu ka dhaawacan yahay Kaka oo mudo garomada ka maqnaan doona waxaana sidoo kale kooxdas kusoo biiray wiil yar oo isna 19 jir ah waxaana wadada ay u xaartay ka tagista Rafael Van der Vaart.

Xidiga Dhaliyaha qadka dhexe Van der Vaart ayaanan dabaal dagin markii uu goolka dhaliyay kulankii saaxibtinimo ee Real Madrid 1-1 la gashay kooxda reer Biljam ee Standard Liege taasoo soo shaac bixisay in xidigan mustaqbal kusii lahayn kooxda Real Madrid.

Mar wax laga weydiiyay Morrinho in Van der Vaart uu isaga tagayo kooxda Real Madrid isla markaana uu u dabaal dagin goolkii uu dhaliyay ayuu sheegay xitaa in isaga uu u dabaal dagin markii la dhaliyay goolka wuxuuna ku micneeeyay in uu ahaa kulan saaxibtinimo ah.

Mesut Ozil waa 21 jir wuxuu dhashay 15 October 1988 wuxu ku dhashay magaalada Gelsenkirchen ee galbeedka dalka Jarmalka wuxuuna kamid aha xidigihii xulka Jarmalka koobka aduunka soo gaarsiiyay kaalinta 3-aad.Dhererkisa waa 182 mitir.

Gelsenkirchen and Rot-Weiss Essen

Ozil wuxuu bilaabay ciyaarta kubadda cagta isagoo yar wuxuna u soo ciyaaray caruur nimadiisa naadiyo ka dhisan gudaha magaaladii uu ku dhashay Gelsenkirchen wuxuuna shan sano u ciyaaray kooxda Rot-Weiss Essen.

Schalke 04

Sanadkii 2005 wuxuu Mesut Ozil ku biiray juunyarka kooxda Fc Schalke 04 wuxuu ka ciyaaray qadka dhexe wuxuuna u qaatay nambarka 11-aad wuxuuna kulankii ugu horeeyay u ciyaaray kooxdas kadib ganaax kooxdaas uu kaga maqnaa xidiga lagu magacaabo Lincoln kulamo ay la ciyaarayeen kooxaha Bayern Liverkusen,Bayern Munich wuxuuna kazoo baxay kaalintii kulankaas uu ku lahaa.

Werder Bremen

31kii January 2008 wuxuu ku biiray kooxda Werder Bremen waxayna ku iibsadeen 4.3 Milyan oo Euro wuxuuna u saxiixay kooxda reer Jarmal hishis ilaa 30 June 2011 ah.

Real Madrid

17 bishan xidigan Ozil wuxuu ku biiray Real Madrid kadib markii Werder Bremen ay shaacisay inay hishis la gaartay kooxda Real Madrid iyadoo 15 milyan oo Euro kaga iibisay naadiga weyn wadanka Spain ee Real Madrid.

Kooxda Real Madrid ayaa lasoo wareegtay xiligaan xidigo badan Ozilna wuxu ahaa xidigii ugu dambeeyay ee Real Madrid kusoo biiray.

Xidigaha kala ah Canales, Sami Khedira, Ricardo Carvalho, Pedro Leon iyo  Angel Di Maria ayaa horey ugu biiray Real Madrid isla markaana ay noqon doonan kuwo Jose Morrinho uu laso dagaal galo xiligaas.

Sanadki lasoo dhaafay Real Madrid waxay soo iibsatay xidigo ay ugu horeeyeen Kaka iyo Ronaldo laakin waxbo uma kordhinin kaliya in ay bixiso lacago ka badan 200 Milyan oo gini.

Real Madrid ayaa wali doonaysa xidigo kale haatan waxay indhah ku haysaa wiil 17 jir ah kaasi oo lagu magacaabo Romelu Lukaku, wuxuu u ciyaaraa kooxda Anderlecht ee dalka Beljamka waana mid ay qabteen indhaha tababaraha faanka badan ee Jose Morrinho.

Xidigaha ka qaxaya  Real Madrid iyo ugaarsiga ay ugu jiraan naadiyada Ingiriiska.

Imaatanka Mesut Ozil ma noqon doonaa Galactic ozil ama  xidiga 10-ka sanno soo socda ee Real Madrid mana kusoo laaban doontaa Real Madrid wadadii guulahal.

 

Real Madrid waxay iska fasaxaysaa xidigo badan xiligaan iyadoo naadiyada yurubna ay indhaha la raacayaan xidigahaas.

 

Rafael van der Vaart, Fernando Gago, Lassana Diarra iyo Mahamadou Diarra waa saddexda xidig ee ugu horeeya uu iska fasaxi doona Jose Morrinho aanan wax mustaqbal ah ku lahayn Real Madrid.

 

Agaasimaha ciyaara kooxda Real Madrid Jorge Valdano ayaa sheegay kadib markii ay lasoo wareegen Mesut Ozil in ay iska fasaxayaan oo ay fursad ciyaareeed ay siinayaan xidigo kooxdas hada ku sugan.

 

Angel di Maria, Ricardo Carvalho, Sami Khedira, Sergio Canales iyo Pedro Leon ayay Real Madrid waxay doonaysaa in ay iska fasaxdo xidigaha kale ee ku booska ah kuwan ay lasoo wareegto.

 

Van der vaart ayaa waxaa dharbaaxo ku noqotay imaatanka Ozil kaasi oo ah mid ka wanagsan xiligaan sidoo kale 19 jirka Canales ayaa isna ah mid wanaagsan oo xiliga soo aadan laga fili karo wax wanaagsan inuu qabto.

 

Xidigii hore ee naadiyada  Chelsea, Arsenal and Portsmouth  Lassana Diarra ayaa waxaa doonaysa kooxda Liverpool laakin tababare Hodgson ayaa lasoo saxiixday Christian Poulsen isagoo wali u baahan xidigo qadka dhexe ah.

 

Roy Hodgson waa tababaraha Liverpool ayaa sidoo kale doonaya xidigii hore ee kooxda Hambur Van der Vaart waa hadii uu ka tago Mascherano Liverpool.

 

Naadiga Manchester utd ayaa waxaa lala xiriirinayaa Mahamadou Diarra isagoo wali yaala suuqa kala iibsiga kaliya ay isku fahmi la’yihiin labada koox qiimaha lagu iibsanayo xidigaan ku dagaalama kubadaha.

 

Gago waa mid kale isna laga doonayo wadanka ingiriska Man city ayaana indhaha ku haysa xidiga reer Argentina kadib markii ay gacanta kusoo dhigtay Yaya Toure ayay doonaysaa inay lasoo wareegto xidiga Real Madrid Gago.

 

 

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com