|
Chelsea oo mar kale 6 gool ku badisey,
Walcott oo ku durduriyey Blackpool iyo natiijada kulamadii
dhacay

Drogba iyo Anelka oo qaabkan ugu dabaaldegaya
goolkii 2aad ee Anelka
21.08.2010, deeyoo.com.
Kooxda difaacaneysa horyaalnimada Ingiriiska ee
Chelsea ayaa mar kale ku badisay 6-0 kulankii 2aad oo isku xiga
bilowga horyaalka sanadkan taasoo qaracan ku noqoneysa digniin
culusna u direysa kooxaha uu tartanka kala dhexeeyo hanashada
horyaalka.
Chelsea oo mar kale sanadkan ka mid aheyd
kooxaha loo saadaalinaayey hanashada horyaalka hase yeeshee
calaamad su`aal la saaray ayaa hada u muuqata iney jawaab waafi
ah ka bixiyeen sababta ay mar kale ugu guuleysan karaan
horyaalka sanadkan inkastoo weli ay tahay waqti hore hadana
marka la fiiriyo 2dii kulan ee ugu horeysay 6 dhibcood, 12 gool
oo ay dhaliyeen iyo weli oo aan gool laga dhalin waa tusaale
nagu filan halka sanadkan Chelsea laga filaayo.
Taageerayaasha Chelsea oo lahaa sababo kasta oo
ay ku farxaan ayaa tan keliya ee aysan ku farxin maanta ahaa in
Drogba uu gool la`aan garoonka ka boxo.
Florent Malouda ayaa daah furay bandhiga
goolasha kulankan daqiiqadii 34aad ee qeybtii hore halka 5ta
gool ee kala dhasheen qeybtii dambe ee cayaarta.
Anelka ayaa 3 daqiiqo gudohood labo gool ku
dhaliyey halka Salomon Kalou oo bedel kusoo galay dhaliyey 2
gool, goolka 6aad waxaa shabaqa ku hubsaday Benayoun.
Arsenal 6-0 Blackpool.
Theo Walcott iyo xidigaha Arsenal ayaa dhulka ku
jiiday Kooxda Blackpool oo sanadkan kusoo biirtay kooxaha heerka
1aad ka dib todobaad ay hawada sabeynayeen markii kulankii ugu
horeeyey horyaalka sanadkan ku duduriyeen kooxda Wigan oo ay 4-0
kaga soo badiyeen.
Laakiin kulankii maanta ay usoo martiyeen kooxda
Arsenal ayaa lahaa sawir aad kaga duwan kii Wigan waxaana la
dhihi karaa Blackpool nasiib ayey lahaayeen hadii aan dhabarka
loo saarin guuldaro labo tiro ah.
Walcott oo inta badan sanadkii hore dhaawac kaga
maqnaa garoomada isla markaana kooxdiisa u dhaliyey 3 gool
horyaalkii hore oo dhan ayaa maanta noqday xidigii garoonka
markii uu dhaliyey 3 ka mid ah 6da gool ee ay Arsenal ku badisay
oo kala darnaa isla markaana qalqal ku riday daafaca Balckpool.
Goolasha kale ee Arsenal waxaa kala dhaliyey
Andrej Arsjavin oo rigoore dhaliyey, Diaby iyo gooldhaliyaha
sanadkan kusoo biiray kooxda ee reer Marooko Marouane Chamakh oo
fursado badan oo uu qasaariyey ka dib gool teesto ah dhaliyey 10
daqiiqo ka hor dhamaadkii cayaarta.
Stoke 1-2 Tottenham
Kooxda Tottenham ayaa 3dii dhibcood ee ugu
horeeyey horyaalka sanadkan heshay galabta markii ay kasoo
badiyeen kooxda Stoke oo ay u martiyeen.
Gareth Bale ayaa hogaanka u dhiibay Tottenham
daqiiqadii 20aad markii uu dhaliyey gool alle kusii ah, kubad oo
badbaadi islahaa cayaaryahan Shawcross ayaa wejiga uga dhacday
Bale isla markaana shabaqa kusii gurguuratay iyadoo la arkayey
Bale oo qosol ugu dabaal degaayo goolkaas.
Ricardo Fuller ayaa shan daqiiqo ka dib kasoo
guday goolkii lagu lahaa kooxdiisa hase yeeshee Gareth Bale ayaa
mar kale u dhaliyey Tottenham gool foorbish ah oo qurux badan
lagana yaabo inuu noqdo goolka sanadka markii uu karoos fiican
ka helay Aaron Lennon taasoo ugu dambeyntiina noqotay Tottenham
oo 2-1 ku garaacday kooxda Stoke oo 2 cayaar ka dib dhibco
la`aan joogta.
Natiijada kulamadii dhacay:
- 21. august
- Everton - Wolverhampton 1-1
- Arsenal - Blackpool 6-0
- West Bromwich - Sunderland 1-0
- Stoke - Tottenham 1-2
- West Ham - Bolton 1-3
- Birmingham - Blackburn 2-1
- Wigan - Chelsea 0-6
Kulamada soo socda:
- Axad, 22. agosto
- Newcastle - Aston Villa
- Fulham - Manchester Utd
- Isniin, 23. agosto
- Manchester City - Liverpool
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com
|