| Dhageyso |
 |
|
|
|
Koobki Nabada iyo isdhaxgalka
dhalinyarada oo wali si habsami lehy uga socda garoonka Pumwani
Nairobi

21.08.2010, deeyoo.com.
(Sawirada hoos ka
fiiri)
Koobki
Nabada iyo isdhaxgalka dhalinyarada oo wali si habsami lehy uga
socda garoonka Pumwani Nairobi.
Ciyaar xiiso leh oo qeyb ka ah koob loogu magac
daray koobka nabada iyo is dhaxgalka bulshada ayaa maanta waxaa
la cayaaray lugtiisi labaad ayadoo ay cayaartii galabta isaga
horyimaadeen kooxaha SYAO iyo Ali Aba .
Cayaaarta oo aheyd mid xiiso gaar laheyd oo soo
jiidatay daawadayaashi cayaarta waxaa la isku celceliyey kubado
u badnaa weerar iyo weerar celis , waxaana labada koox ay soo
safeen cayaartooy wacdaro ka dhigtay garoonka.
Qeybta hore ee cayaarta ayaa ku idlaatay 1-0
kadib gool xarago leh oo weeraryahanka kooxda ku cayaareeysa
magaca ururka dhalinyarada ee Somali Youth Advococy Organization
SYAO uu daba marsiiyey goolhayaha kooxda Aba Cali daqiiqadi
koowaad.
Markii la soo laabtay qeybta dambe ayeey
ciyaartooyda Aba Cali daqiiqadi 47-waxaa ay heleen gool laad
toos ahaa oo uu u dhaliyey ciyaarayahan weerarka uga cayaarayey.
Cayaarta ayaa ku soo dhamaatay galabta 1-1 oo ah
barbardhac .
Koobkan oo ay soo abaabuleen ururka SYAO si
Radamaanka ay dhalinyarada isboortiga jecel ay uga madadaalaan
ayaa gudoomiyahooda oo maanta saxaafada war siiyey waxaa uu
sheegay in habsami u socodka koobka uu farxad galiyey dhamaan
dadka u soo daawasha tagay iyo kooxaha cayaaraya intaba.





Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
00252615140242
deeyoo_edit@hotmail.com
|

Halkan
riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
|