Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Gallas oo kooxdii 3aad ee reer London u safanaya iyo warar kale oo isboorti

Gallas

20.08.2010, deeyoo.com.

Kooxda Juventus oo doonayso xidiga qadka dhexe ee Liverpol Alberto Aquilani in si amaah ah kula wareegto.

Kooxda weyn wadanka Talyaaniga Juventus ayaa waxay doonaysaa in si amaah ah ku hesho xidiga qadka dhexe wadanka talyaaniga iyo naadiga Liverpool Alberto Aquilani kaasi oo la sheegay si amaah ah lagu bixinayo.

Naadiga Juventus ayaa soo bandhigtay qorshe ay ku doonayso in ay u soo bandhito Liverpool kala badalasho ciyaaryahan iyadoo soo bandhigtay Felipe Melo.

Tababaraha kooxda Liverpool Roy Hodgson ayaa sheegay in uu si amaah ah ku bixinayo xidiga 20 milyan ay kusoo iibisay Liverpool Alberto Aquilani kaasi oo sanadkii tagay dhaawacyo ugu maqnaa kooxda isla markaana ay haatan wada doonayaan naadiyo badan.

Si kastaba kooxda ciyaarta Serie A Juventus ayaa soo bandhigtay hishiiskan iyado sidoo kale ku qasaartay xidiga reer Braziil Melo kaasi oo ah naadiga Juven la qabsan waayay kadib lacago badan  oo ay kaga soo qateen kooxda Fiorantina

Tababare Hodgson kadib markii uu helay xidiga wadanka Denmark Christian Poulsen ayuu u arkaa inuu ka maarmo Alberto Aquilani iyo Mascherano.

Xidiga Alberto Aquilani ayaa laga tagay kulankii koobka yurub is reeb reebkisa iyadoo taasi sare u sii qaaday suura gal nimada inuu ka tagaayo kooxda Liverpool.

Sida uu qorey wargayska caanka ah ee kazoo baxa wadanka Talyaaniga Corriere dello Sport.ayaa sheegaya in xidiga ay Arsenal bartil maameedsanayso Melo ay naadiga Juventus doonaysaa inay ku wareejiso Liverpool isla markaana ay ka heshi Alberto Aquilani. 

Alberto Aquilani ayaa kaga soo biiray kooxda Liverpool naadiga Roma sanadki tagay isagoo badal u noqday Xabi Alonso oo ku biiray Real Madrid

Kooxda Crystal Palace oo doonaysa inay lasoo wareegto Bal Dooskii Holland Edgar Davids.

Tababaraha kooxda Crystal Palace George Burley ayaa sheegay in 80% uu u dhow yahay inuu lasoo wareego laacibkii hore naadiga Juventus Edgar Davids. 

Edgar Davids oo 37jir ah oo horey ugu soo ciyaaray kooxaha Ajex iyo Juventus ayaa u ciyaari doona naadiga heerka hoose ciyaarta ee Crystal Palace.

Kooxda Crystal Palace oo dhibaato dhaqaale la kulantay sanadkaan bilawgisa aya lagu ganaaxay in laga jaro 10 dhibcood isla markaana laga iibiyay xidigoodi ugu qaalisanaa ee Victor Moses kasi oo laga iibiyay kooxda Wigan kadib markii kooxdas lagu yeeshay lacago dhan 30 milyan oo ay iska bixin waysay.

Waxaa u sii dheeraa in uu isaga tagay tababarahoodi Neil Warnock oo ku biiray kooxda  QPR bishii Marso ee sanadkaan.

Crystal Palace waa naadi dhisan 105 sanno waxana ay haatan doonaysaa in ay hesho Edgar davids.

Naaadiga Tottenham oo u dhow inay la wareegto William Gallas.

Naadiga tottenham ayaa waxay u dhowdahay inay la saxiixato daaficii hore kooxda Arsenal William Gallas.

William Gallas oo 33 jir ah ayaa caafimaad maraya isagoo u saxiixaya naadiga Tottenham hishis hal sanno ah.

Xidiga William Gallas ayaa la gaaray hishiiska shaqsiga isagoo kala hishiiyay mushaaradiisa.

Rio Ferdinand oo dib ugu soo laabanaya garoomada September.

Dafaca kooxda Man utd Rio Ferdinand ayaa  dib ugu soo laabanaya bisha September sida laga soo xigtay tababraha Fergusen.

Rio Ferdinand oo 31 jir ah ayaa dhawac  uu soo gaaray 4 June xili uu ku guda jiray tababarka koobka adduunka xulka ingiriska.

Rio Ferdinand wuxuu ka maqnaan doonaa kulamada horyaalka ingiriska ee ay la ciyaarayso naadigiisa Man Utd kooxaha West Ham, Everton iyo  Liverpool, laakin wuxu dib ugu soo laabanyaa kulanka Bolton ee dhacaya 26 September.

Sidoo kale Rio Ferdinand wuxu ka maqnaanaya kulamada dalkiisa Ingiriska uu la ciyaarayo Bulgaria iyo  Switzerland.

 

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com